14/04/2024
๐ตโโ๐ถโโ๐ทโโ๐ธโโ๐นโ โ๐ฒโโ๐ชโโ๐นโโ๐ญโโ๐ดโโ๐ฉโ โ๐ญโโ๐ฆโโ๐งโ โ๐ฆโโ๐ฐโโ๐ญโโ๐ทโโ๐ฎโโ๐ธโโ๐ฐโโ๐ฆโ โ๐ผโโ๐ฆโโ๐ฆโโ๐ทโโ๐ฆโ
Ma dareemeysaa culeys dhanka xifdinta iyo xasuusashada wixii aad akhriday? Ma kugu dhacaday adigoo maado wada akhriyay hadana xilligii imtixaanka ma garanwayday suโaalo badan oo ma mooday wax aanad waligaa dhigan? Kaligaa ma tihid Arday badan ayaa kula qaba caqabadan marka ay timaado wax-akhriska miro dhalka ah.
Halkan, waxaan ku soo bandhigay naa habka PQRST method , waa hab akhris oo awood leh bedeli karana akhris kaaga oo kor u qaadi kara fahamkaaga iyo xifdintaada . Habkani, wuxuu ka kooban yahay shan tilaabo oo muhiim ah - ( preview, question, read, summarize and test) Dulmar, Su'aal, Akhri, Soo-Koobid, iyo Tijaabo)
1. Dulmar - inta aanad bilaabin akhriska Faham macnaha guud ee waxa aad akhrinayso.
b) Akhri ujeedooyinka(objectives or learning outcome ka cutubka) si aad u fahanto cutubku waxa uu ku saabsan yahay. .
t) Fiiri tusmada buugga, ciwaanada cutubka, ciwaano-hoosaadyada, iyo koobitaanka casharada.
j) U fiirso ereyada ku qoran farta (bold ama ITALIC) iyo sidoo kale sawirada, garaafyada jadwalada (tables) iyo qaaciidooyinka, .
dulmarku wuxuu kuu kaydinayaa waqti wuxuuna kaa caawinayaa inaad diirada saarto nuxurka casharka.
2. Su'aalo- cutubka ka samee su'aalo si uu u hago akhriskaaga.
b) Ciwaanada cutubka iyo cinwaan hoosaadyada su'aalo u bedel.
t) Ka jawaab su'aalaha casharka ee ku qoran buugaaga daabacan ama uu macalinku kuu diray
j) Marba ku dar suโaalahaaga kuwo cusub markaad casharka sii akhrisid
3. Akhri- Si Fiican oo firfircoon u akhri adigoo meelaha muhimka ah xooga saaraya, kuna celceli si aad maskaxda ugu qabatid.
Cutubka kala qaybi oo cashar walba goonidiisa xooga u saar kana calaamadi, Hoosta ka-xariiq, notes ka qoro qodobada muhiimka ah.
Su'aalaha aad qoratay ka shaqee
4. Sookoobid (summary)- Hubi fahamkaaga oo xooji xusuusta.
Markaad akhrido qayb ama cashar, soo koob qodobada muhiimka ah Adigoon fiirin buugga,
Soo koobiddu waxay caawisaa xoojinta fahamka iyo xifdinta macluumaad ka muhiimka ah
5. Istijaabi- qiimee halka fahankaaga iyo xifdigaagu uu joogo adigoo ka jawaaba suโaalihii aad soo qortay.
b) Dib u eegida su'aalahaaga: Eeg haddii aad ka jawaabi karto su'aalaha aad diyaarisay
t) Samee su'aalo cusub si aad u tijaabiso fahamkaaga.
j) Hadii casharka uu k ujiray sawir, qaaciido ama garaaf dib u qor adigoon buugga fiirin
x) Ka shaqee imtixaanadii h**e
Hada waxaan rajaynayaa inaad fahantay 5 talaabo ee PQRST method.
Ugu danbayn hadaan soo koobno qaabka loo isticmaalayo
Markaad wax akhrinayso samee talaabooyinkan soo socda
1) Si guud u Dulmar cutubka adigoo si gaara u fiirinayaa ciwaanada iyo meelaha muhiimka ah ee farta goonida ah ku qoran ama garaafyada, qaaciidoyinka
2) Suโaalo kasamee cutubka adigoo ciwaanada u badalaya suโaalo
3) Akhri oo si dagan u akhri, xifdi oo fahan casharka meelaha muhiimka ahna calaamadso kana qoro notes
4) Sookoob cashaka adigoo meelaha muhiimka ah kor u akhrinaya
5) Ugu danbayntii ka jawaab suโaalihii, dusha ka akhri oo fiiri fahamkaaga, sawirada dib usawir adigoon fiirin, ka shaqee imtixaanadii h**e suโaalaha kaga jira cutubkan.
๐ด๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐
๐๐๐
๐ ๐๐๐๐๐๐
Mahadsanid
Arday Bile
Ibrahim sayid
kaaliyaha ardayga.
arday bile waa ardaa loogu talagalay in uu ardayda soomaaliyeed u noqdo hage tusaaleeya dhinac walba oo la xiriirta nolasha ardayga