19/03/2026
🌙 **Hambalyo Ciida** 🎉
Maamulka iyo macallimiinta Machadka Xaaji Cabdi waxay hambalyo diirran u dirayaan dhammaan ardayda, waalidiinta iyo ummadda Soomaaliyeed guud ahaan munaasabadda Ciidda.
Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo cibaadooyinkii aan soo gudannay, hana inaga yeelo kuwii ku guulaysta fadliga bisha barakaysan.
Waxaan rajaynaynaa in ciidani ay noqoto mid farxad, nabad iyo barwaaqo ku dheehan tahay.
🌸 **Ciid Mubaarak** 🌸
17/02/2026
Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa curashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Alle ha innaga yeelo kuwii ka faa'ideysta fadligeeda.
06/02/2026
Fadliga Maalinta Jimcaha 🌙🤲:
1. Maalinta ugu kheyrka badan maalmaha
Rasuulka ﷺ wuxuu yiri:
“Maalinta ugu kheyrka badan ee qorraxdu ku soo baxdo waa Jimce.”
(Abuu Daawuud & Tirmidi)
2. Waxaa la abuuray Nabi Aadan (CS)
Maalinta Jimcaha ayuu Ilaahay ku abuuray Nabi Aadan, kuna dejiyay Jannada, kana soo saaray.
3. Saacad ducadu aqbalanto
Jimcaha waxaa ku jirta saacad gaar ah oo ducada la aqbalo, qofka Muslimka ah ee ducaysanaya Ilaahay wuu ka aqbalayaa.
4. Akhrinta Suuradda Al-Kahf
Qofka akhriya Suuradda Al-Kahf Jimce kasta, Ilaahay wuxuu u iftiiminayaa iftiin u dhexeeya labada Jimce.
5. Salaadda Jimcaha
Salaadda Jimcaha waa waajib ragga Muslimiinta ah, waxayna tirtirtaa dembiyada u dhexeeya labada Jimce haddii laga fogaado dambiyada waaweyn.
6. Salaadda Nabiga (NNKH)
Jimcaha waxaa aad loo faray in lagu badiyo salaadda Nabiga ﷺ, waayo salaaddaada waa loo soo bandhigaa.
7. Xusuusin iyo Towbad
Jimce waa maalin lagu badiyo xuska Ilaahay, towbad keenka, iyo falalka kheyrka.
🤲 Ilaahay ha inaga yeelo kuwa ka faa’iidaysta fadliga Jimcaha, ducada la aqbalo, dambiyada la cafiyo. Aamiin.
30/01/2026
Mahad dhan Waxaa Iska Leh Alle SWC Kan Nagu Galidaystay Maalinta Jimcaha kana yeelay maalinta Ugu Fadliga badan.
Juma mubarak.
24/01/2026
🧪 Practical
👩⚕️👨⚕️ Ardayda dhigata Machadka Culuumta Caafimada Haji Abdi, gaar ahaan kuwa bartay Qaybta Shaybaarka (Laboratory Science), ayaa maanta sameeyay practical muhiim ah oo ku saabsan hab-raacyada casriga ah ee baarista caafimaadka.
🔬 Practical-ka ayaa diiradda lagu saaray:
🩸 Qaadista iyo baarista dhiigga
🧫 Ogaanshaha cudurrada faafa
⚗️ Adeegsiga qalabka shaybaarka
📊 Diiwaangelinta natiijooyinka
👨🏫 Tababarka waxaa hagayay macallimiin khibrad leh, kuwaas oo ardayda siiyey faham dhab ah oo ku saabsan sida shaqada shaybaarka loogu dabaqo nolosha dhabta ah.
🌟 Ujeeddadu waa in ardayda lagu diyaariyo xirfad, aqoon iyo kalsooni ay ugu adeegaan bulshada mustaqbalka.
📍 Machadka Culuumta Caafimada Haji Abdi – Hoyga Aqoonta Caafimaadka.
24/01/2026
Muhiimadda Daryeelka Hooyada Waqtiga Uurka
# Hooyo kasta ha booqato xarunta caafimaadka inta ay uurka leedahay Si Ay U hesho
1.badbaadinta nolosha hooyada.
2.ilaalinta caafimaadka ilmaha
3. ka hortaga cudurro & dhiig-bax
4. hagaajinta nafaqada hooyada
5.diyaarinta dhalmo nabdoon
Uur caafimaad qaba waa Hooyo & Ilmo caafimaad qaba.
Macalimid : Nasteeho Adem Huseen
22/01/2026
Jum'a Mubarak Dhamaan Bulshada Soomaaliyeed.
15/01/2026
Ma danaynaysaa inaad barato cilmiga caafimaadka? 🩺📚
Machadka Culuumta Caafimaadka Haji Abdi Health Professional Training College wuxuu kuu hayaa fursad qaali ah oo aad ku dhisan karto mustaqbal ifaya.
👉 Isdiiwaangelintu way furan tahay
👉 Waxbarasho tayo leh
👉 Iyo xirfad ku anfacaysa mustaqbalkaaga
📚 Qaybaha kala duwan ee kugu diyaarsan waxaa ka mid ah:
1️⃣ Nursing
2️⃣ Midwifery
3️⃣ Laboratory (Lab)
4️⃣ Nutrition
5️⃣ Pharmacology
⏱️ Waxaad ku baran doontaa wakhti kooban, adigoo helaya macallimiin khibrad u leh cilmiga caafimaadka.
⏳ Ha ka harin fursaddan dahabiga ah!
Horay u gaar, isdiiwaangeli maanta, kana mid noqo ardayda baranaysa cilmiga badbaadinta nolosha
📍 Goobta: Xaafadda Halgan, Aagga Meeraysane
📞 Contact: 0907746927 | 7741973
15/01/2026
Ma danaynaysaa inaad barato cilmiga caafimaadka? 🩺📚
Machadka Culuumta Caafimaadka Haji Abdi Health Professional Training College wuxuu kuu hayaa fursad qaali ah oo aad ku dhisan karto mustaqbal ifaya.
👉 Isdiiwaangelintu way furan tahay
👉 Waxbarasho tayo leh
👉 Macallimiin khibrad leh
👉 Iyo xirfad ku anfacaysa mustaqbalkaaga
⏳ Ha ka harin fursaddan dahabiga ah!
Horay u gaar, isdiiwaangeli maanta, kana mid noqo ardayda baranaysa cilmiga badbaadinta nolosha.
📍 Goobta: Xaafadda Halgan, Aagga Meeraysane.
📞 Contact: 0907746927 | 7741973
14/01/2026
Ardayda Machadka Haji Abdi Health Professional Training College ayaa ufariistay imtixaanka Practical ah gaar ah kuliyada Midwifery-ga