19/03/2026
Maamulka, macallimiinta iyo ardayda Dugsiga Sare ee Al-Muntada Burtinle waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta gaar ahaan waalidiinta, ardayda iyo bahda waxbarashada munaasabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.
Waxaan idiin rajaynaynaa Ciid farxad leh, caafimaad, barwaaqo iyo nabad ku soo laabata dhammaantiin. Ilaahay ha inaga aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa ee bishii barakaysnayd ee Ramadaan.
Ciid Mubaarak 🌙✨
Al-Muntada Secondary School
Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda
17/02/2026
17_Feb 2026
Waxaa si habsami leh uga dhacday Dugsiga sare ee xaflad abaalmarin ah oo lagu maamuusay tobanka kaalmood ee ugu sarreeyay imtixaankii kalka koowaad. Xafladda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan.
Waxaa xafladda ka qeybgalay guddoomiyaha ururka MAAB Foundation, Cumar Cabdimahad Cali, iyo guddoomiye ku xigeenka ururka, Salmo Cabdiwali Xassan. Sidoo kale waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha guddiga waalidiinta, Xirsi Maxamed Aden, maamulaha dugsiga H/dhexe ee Horseed, Mowlid Cabdullaahi Dalmar, iyo maamulaha dugsiga H/dhexe ee Shaafici, Cawil Xirsi Faarax, iyo qeybo kamid ah waalidiinta ardayda.
Ujeeddada xafladda ayaa ahayd dhiirrigelinta ardayda dadaalka muujisay, si loo xoojiyo tartanka waxbarasho iyo horumarka ardayda. Intii ay xafladdu socotay waxaa la guddoonsiiyay ardayda abaalmarino kala duwan, iyadoo masuuliyiinta iyo waalidiintuna ay bogaadiyeen dadaalka ardayda iyo doorka macallimiinta.
Al-Muntada Secondary School
Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda
12/02/2026
February 2026
Dugsiga Sare ee Al-Muntada Secondary School ayaa ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Horseed ku soo dhaweeyay xiisad practical ah oo ku saabsan Microsoft Excel, iyadoo la adeegsanayo qol casri ah oo Laptop Computer ah.
Ardayda waxaa lagu baray:
Furista iyo isticmaalka Excel
Gelinta xogta (Data Entry)
Isticmaalka xisaabaha fudud sida SUM
Habeynta iyo keydinta shaqada
Xiisaddu waxay ahayd mid gacan ka qabad ag (hands-on), taasoo ka caawinaysa ardayda fahamka xisaabta, tirakoobka, iyo maamulka xogta mustaqbalka.
Tani waxay muujinaysaa horumarinta waxbarashada tiknoolajiyadda ee degmada Buurtinle iyo dadaalka joogtada ah ee Maamulka dugsiga Al-Muntada ay ku hormarinayaan tayada waxbarashada ardayda.
02/02/2026
2-2-2026
subaxnimadii saaaka, waxaa booqasho noogu yimid asagoo aradyda Iskuulka Al-Muntada – Buurtinle u jeediyay wacyigelin diini ah oo ku saabsan tahriibta, isagoo si cad u dhaliilay tahriibta dhinaca Diinta Islaamka.
Sheekhu wuxuu tilmaamay in tahriibtu:
Ay khilaafsan tahay mabaadi’da Islaamka marka ay nafta halis gelinayso
Ay ka hor imanayso amarka Alle ee ilaalinta nafta
Ay dhalinyarada ka leexinayso sabar, tawakal iyo raadinta nolol xalaal ah
Wuxuu ardayda ku boorriyey:
In ay ku kalsoonaadaan Alle
In ay qiimeeyaan waxbarashada iyo dadaalka
In ay ka fogaadaan waddooyin khatar ah oo aan sharci iyo diin toona waafaqsanayn
Iskuulka Al-Muntada – Buurtinle
Wacyigelin & Tarbiyeynta Jiilka
Al-Muntada Secondary School
Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda