Al-Muntada Burtinle Secondary School

Al-Muntada Burtinle Secondary School kusoo dhawow page-ka Rasmiga ah ee Dugsiga sare ee Al-Muntada Burtinle

10/09/2026

Ardaydu si weyn ayay ugu qanacsan yihiin habka waxbarista Ustaad Abdifataax Faarax.
Juhdigiisa iyo dadaalkiisa joogtada ah ayaa kor u qaaday heerka iyo fahamka ardayda.
Al-Muntada Burtinle Secondary School

07/09/2026

Maamulka Dugsiga Al-Muntada Burtinle Secondary School wuxuu go’aamiyay in ardayda laga mamnuuco isticmaalka taleefannada casriga ah (Smartphones) inta ay dugsiga ku jiraan, si loo ilaaliyo anshaxa, diiradda waxbarashada iyo jawiga waxbarasho ee habboon.

πŸŽ“ MAAMUUSKA MACALLIN CABDIFTAX FAARAX CIISE πŸ†Dugsiga Al_Muntada Burtinle ayaa munaasabad maamuus iyo qadarin ah u sameey...
05/09/2026

πŸŽ“ MAAMUUSKA MACALLIN CABDIFTAX FAARAX CIISE πŸ†

Dugsiga Al_Muntada Burtinle ayaa munaasabad maamuus iyo qadarin ah u sameeyay Macallin Cabdiftax Faarax Ciise, oo dhiga maadada Xisaabta.
Taas oo iskuulku uu ka noqdey 10-ka iskuul ee ugu fiican Puntalnd maaddada xisaabta.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay Agaasimaha Wasaaradda Caddaaladda ee Degmada Burtinle, maamulayaal, waalidiin, xildhibaano, Guddoomiyaha MAAB Foundation, Guddoomiyihii h**e ee MAAB Foundation, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Munaasabaddan ayaa lagu muujiyay sida loo qadariyo macallimiinta dadaalka iyo kartida ku bixiya horumarinta waxbarashada, iyadoo si gaar ah loo bogaadiyay doorka Macallin Cabdiftax Faarax Ciise uu ka qaatay guusha iyo horumarka ardayda.
πŸ‘ Hambalyo Macallin Cabdiftax Faarax Ciise!
Dadaalkaaga, aqoontaada iyo kaalinta aad ka qaadatay horumarinta waxbarashada waa mid mudan in la maamuuso lana dhiirrigeliyo.

Al_Muntada Burtinle β€” Aqoon, Akhlaaq iyo Horumar.

HAMBALYO DUGSIGA SARE EE AL-MUNTADA BUURTINLE! Maamulka Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle wuxuu si weyn ugu hambalyey...
23/08/2026

HAMBALYO DUGSIGA SARE EE AL-MUNTADA BUURTINLE!

Maamulka Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle wuxuu si weyn ugu hambalyeynayaa dhammaan bahda dugsiga, kadib markii Al-Muntada ay ka mid noqotay 10-ka dugsi ee ugu sarreeya Puntland ee Maadada Xisaabta (Math).
Guushan waxay markhaati u tahay dadaalka iyo juhdiga ay muujiyeen maamulka, macallimiinta iyo ardaydu.

Waxaan si gaar ah hambalyo iyo bogaadin ugu diraynaa Ustaad Abdifitaax Faarax Ciise Warsame, Macallinka Maadada Xisaabta, oo dadaal weyn ka geystay guushan qiimaha badan.

Waxaan ku faanaynaa guushan, waxaana rajaynaynaa in aan sii xoojino dadaalkeenna ku aaddan kor u qaadista tayada waxbarashada iyo ilaalinta akhlaaqda wanaagsan ee lagu yaqaanay Dugsiga Al-Muntada.

31/07/2026

π™„π™Žπ™ π™Žπ™Šπ™Š π™‰π™Šπ™Œπ™Šπ˜Ώ π™’π˜Όπ™‰π˜Όπ˜Όπ™‚π™Žπ˜Όπ™‰ – π™Žπ˜Όπ™‰π˜Όπ˜Ώ π˜Ώπ™π™‚π™Žπ™„π™”π™€π™€π˜Ώ π˜Ύπ™π™Žπ™π˜½ 2026–2027

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Ardayda iyo Waalidiinta sharafta leh in waxbarashadii si rasmi ah dib ugu bilaaban doonto Maalinta Isniinta, haddii Alle idmo.

Waxaan idinka codsaneynaa inaad soo xaadirtaan waqtigii loogu talagalay, si firfircoonna ugu bilowdaan sannad dugsiyeedka cusub ee 2026–2027.

Soo noqo adigoo wanaagsanaan, isu soo laabo wanaagsanaan, kuna soo dhawoow sannad dugsiyeed cusub oo guul iyo horumar leh.

Ku soo dhowaada Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda.

Al-Muntada Burtinle Secondary School

kusoo dhawow page-ka Rasmiga ah ee Dugsiga sare ee Al-Muntada Burtinle

31/07/2026

Halkaan ka daawo qeyb kamid ah ardaydii ka faa'iidaysatay Computer Lab-ka casriga ah ee Dugsiga Sare ee Al-Muntada Burtinle Secondary School kuwaas oo la wadaagay dareenkooda.

27/07/2026

Qeybo kamid ah ardaydii ka faa'iidaysatay tababarka CCTV Camera ayaa ka hadlay dareenkooda iyo aqoonta ay ka kororsadeen tababarka.
Waxay la wadaagayaan sida uu tababarku u kordhiyay fahamkooda ku saabsan rakibidda, isticmaalka iyo maamulka nidaamyada CCTV, iyagoo uga mahadceliyay Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle iyo Eng. Xudayfe Cabdiraxmaan Axmed dadaalka ay geliyeen hirgelinta iyo qabashada tababarkan.

Diiwaangalinta oo socota iyo furitaanka dugsiga oo soo dhawaaday
26/07/2026

Diiwaangalinta oo socota iyo furitaanka dugsiga oo soo dhawaaday

26/07/2026

Daawo: Maamulaha Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle oo ka hadlaya horumarka cusub ee dugsiga.
Sidoo kale, wuxuu si diirran u soo dhaweeyay dhammaan ardayda ka soo gudubtay dugsiyada dhexe ee Degmada Buurtinle iyo deegaanada hoos yimaada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay ku soo biiraan Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle.
Ugu dambayn, wuxuu mahadnaq gaar ah u jeediyay Eng. Xudayfe Cabdiraxmaan Axmed, oo bixiyay labadii tababar ee practical-ka ugu dambeeyay, kana qayb qaatay horumarinta xirfadaha farsamo ee ardayda.

Horumar Cusub oo ka Hirgalay Dugsiga Sare ee Al-Muntada BuurtinleAyadoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada w...
24/07/2026

Horumar Cusub oo ka Hirgalay Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle

Ayadoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo amniga dugsiga, Dugsiga Sare ee Al-Muntada Buurtinle ayaa sanadkan markii ugu horreysay ku rakibay nidaamka CCTV Camera, kaas oo daboolaya dhammaan fasallada dugsiga.
Sidoo kale, qaar ka mid ah ardayda ayaa la siiyay tababar ku saabsan qaabka loo rakibo (installation), loo xiro (wiring), loona maamulo CCTV Camera-yada, si ay u helaan xirfado farsamo oo casri ah oo waxtar u leh mustaqbalkooda.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Eng. Xudayfe Cabdiraxmaan Axmed, oo bixiyay tababarkan qiimaha badan, kana qayb qaatay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda. Alle ha ku barakeeyo dadaalkiisa iyo adeeggiisa bulshada.
Tallaabadan ayaa ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee dugsigu ugu jiro horumarinta waxbarashada, kor u qaadidda amniga, bedqabka, akhlaaqda iyo ku qalabaynta ardayda xirfado la jaanqaadaya tiknoolajiyadda casriga ah.
Al-Muntada Secondary School – Buurtinle
Hoyga Aqoonta iyo Akhlaaqda

Address

Al-Muntada_Burtinle
Garowe

Opening Hours

Monday 05:00 - 17:00
Tuesday 05:00 - 17:00
Wednesday 05:00 - 17:00
Thursday 05:00 - 17:00
Saturday 05:00 - 17:00
Sunday 05:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-Muntada Burtinle Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category