University of Bosaso Students Union Garowe

University of Bosaso Students Union Garowe

Share

Vision:
The Office of Student Life provides students with the opportunity to broaden their educational experiences and maximize their Education level.

07/08/2026

๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐จ๐จ ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐Ÿ”/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garoowe MAJB-G ayaa qabtay shir muhiim ah oo ay la yeesheen Guddoomiyeyaasha Class-yada, si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku- dubaridka howlaha ardayda inta lagu jiro sanad-dugsiyeedka cusub.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Midowga Ardayda Mudane Maxameddeeq Abdirashid Abdiqadir. waxaana kuwehlisay Madaxweyne Ku-xigeenka Midowga Caasho Axmed Jaamac, iyo ustaad khayre oo ah ๐€๐๐ฆ๐ข๐ง๐ข๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž ๐Ž๐Ÿ๐Ÿ๐ข๐œ๐ž๐ซ
jaamacada iyo ustaad Abdilaahi maroori oo ah ๐ƒ๐ž๐š๐ง ๐จ๐Ÿ ๐’๐ญ๐ฎ๐๐ž๐ง๐ญ๐ฌ Waxayna labada masuul adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah, isgaarsiin hufan, iyo in si mideysan loogu shaqeeyo danta guud ee ardayda.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii Guddoomiyeyaasha Class-yadu iyo Midowga Ardaydu sidii ay u yeelan lahaayeen xiriir joogta, iskaashi dhow oo u horseeda horumar, xalinta caqabadaha soo wajaha ardayda baahiyaha gaarkaa qaba, kuwa waxbatashada awoodi waaya, kor u qaadidda adeegyada iyo matalaadda ardayda.

Ugu dambayn Midowgu wuxuu boorinayaa dhiirananta gudoomiyaasha iyo sida ay ugu heelan yihin classyadooda.

dhammaan Gudoomiyaashu waxay muujiyeen diyaar-garow iyo ballanqaad ay ku wada shaqeynayaan, Gudoomiyasha, midowga iyo jaamacada si loo xaqiijiyo himilooyinka Midowga loona horumariyo jawiga waxbarasho ee jaamacadda.

Afhayeenka xukuunada dan-arday.
Mudane Abdinaasir Abdikhaliif Axmed.

29/07/2026

๐–๐€๐‘-๐’๐€๐—๐€๐€๐…๐€๐ƒ๐„๐„๐ƒ.

Garowe Arbaco,29,july,2026

Madaxwaynaha Midawga Ardayda Jamacadda Bosaso Mudane Mohamed Abdirashid Abdulqadir Mohamed-Deak iyo qayb kamida xubnaha labada golle ee xukuumada dan arday ayaa Xafiiska Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso ee magaalada Garowe si diirran ugu soo dhoweeyay Mudane Abdilaahi Mohamed Cumar Jabane, oo ah Gudoomiyaha midowga Ardayda Jaamacadda EAU, QARDHO oo baryahaan Caasimadda Dhul Udug ku joogay safar shaqo ayaa Jaamacadda Bosaso ku yimi booqasho qaybeheda kala duwan.

Booqashadan muhiimka ah ayaa ah mid ka tarjumaysa kororka xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jaamacadaha dhul udug, gaar ahaan dhinacyada hogaaminta ardayda, horumarinta aqoonta, iyo wadaagista waayo-aragnimada wax ku oolka ah. Kulankan ayaa sidoo kale salka ku haya dhiirrigelinta midnimada ardayda Puntland iyo horumarinta kartida hogaamineed ee dhalinyarada waxbarashada ku jirta ay lee yihiin.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in la abuuro jawi iskaashi oo joogto ah oo u dhexeeya ururrada Jaamacadda Puntland.

Gudoomiye Abdilaahi ayaa uga mahadceliyay Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso-Garowe sida diirran ee loo soo dhaweeyay, kuna baaqay ina ay booqashada Jaamacadaha tahay mid ay ku xoojin karaan iskaashiga labada dhinac.

Xukuumadda Dan Arday oo uu gar-wadeenka u yahay Madaxwayne Mohamed-Deak waxaa ka go'an kor u qaadista xiriirada iyo wada-shaqaynta dhamaan Jaamacada Puntland si waafaqsan xeerarka u yaal Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garowe, sidoo kale xubnaha labada golle ayaa dhankooda muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay sii amba-qaadidda xiriirkaas, iyagoo caddeeyay in kulamo hor leh la qorsheynayo oo lagu adkaynayo wadashaqeynta labada xukuumadood.

Afhayeenka Midawga Ardayda Jaamacadda Bosaaso-Garowe: Mudane: Abdinaasir Abdikhaliif Ahmed.

ALLA-MAHADLEH.

arday

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 27/07/2026

Isniin, 27/7/2026.

Magacaabis Rasmiya.

Madaxweynaha Midawga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garoowe, Mudane Mohamed-deeq Abdirashid Abdiqadir (M.Deak) Mohamad A. Deak isaga oo gudanaya waajibaadka iyo awoodaha uu siinayo dastuurka Midawga Ardayda, isla markaana tixraacaya baahida loo qabo horumarinta, tayeynta iyo xoojinta howlaha mediaha ee Midawga Ardayda, markii uu latashi lasameeyay madaxwayne kuxigeenka midowga ardayda jaamacadda Bosaaso Garowe, waxa uu garwaqsaday inuu si rasmi ah ugu magacaabo agaasimaha mediaha, Mudane Maxamed Cabdikariim Cali (Jimcaale).

Magacaabistan ayaa dhaqan-galaysa laga bilaabo maanta, iyadoo Agaasimaha mediahu uu yeelan doono, masuuliyadda qorshaynta, maamulka iyo horumarinta dhammaan howlaha mediaha ee Midawga Ardayda, diyaarinta iyo wararka iyo muuqaalada rasmiga ah, maamulka baraha bulshada, kobcinta sumcadda Midawga, iyo taageeridda dadaallada lagu gaarsiinayo Ardayda xog sax ah oo waafaqsan siyaasadaha iyo himilooyinka Midawga Ardayda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Agaasimaha cusub xilka loo igmaday, wuxuuna ku boorriyay inuu si hufan, hal-abuur leh, xilkasnimo iyo daacadnimo ku dheehan tahay u guto waajibaadkiisa, isagoo ka shaqaynaya horumarinta agaasimka iyo kor u qaadidda maqaalka Midawga Ardayda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Midawga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garoowe ayaa ugu baaqay dhammaan ardayda iyo bahda jaamacadda inay la shaqeeyaan Agaasimaha cusub si loo xoojiyo wada-shaqaynta, isfahamka iyo horumarinta howlaha warbaahinta ee Midawga Ardayda.

Af:hayeenka Xukuumadda Dan Arday: Mudane Abdinaasir Abdikhaliif Ahmed Abdinasir Elmi .

of Bosaso - Garowe #
University of Bosaso Students Union Garowe

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 15/07/2026

๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž ๐Œ๐€๐‰๐-๐†, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐ฌ๐ข ๐๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐ง ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข๐ ๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ ๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž ๐ž๐ž ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐ฌ๐š๐Ÿ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐š.

Safarkan muhiimka ah wuxuu astaan u yahay himilada Jaamacadda ee ku wajahan horumarinta tayada waxbarashada, ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, iyo u abuuridda ardayda fursado waxbarasho iyo cilmi-baaris oo heer caalami ah.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynaynaa maamulka Jaamacadda guusha laga gaaray saxiixa Heshiiska Is-afgaradka (MoU) ee lala galay International Islamic University Malaysia (IIUM), kaas oo albaab cusub u furaya iskaashi wax-ku-ool ah oo faa'iido u leh ardayda, macallimiinta, iyo guud ahaan Jaamacadda.

Anagoo ah Midowga Ardayda, waxaan aaminsanahay in iskaashiyadan caalamiga ahi ay sare u qaadi doonaan tayada tacliinta, kobcin doonaan cilmi-baarista, isla markaana ay ardayda u horseedi doonaan fursado cusub oo ay kula tartamaan heerarka caalamiga ah.

Waxaan maamulka iyo wafdiga Jaamacadda uga mahadcelinaynaa dadaalka ay u galeen matalaadda Jaamacaddeenna iyo horumarinta mustaqbalka ardayda.

Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku guuleeyo himilooyinka iyo qorshayaasha horumarineed ee Jaamacadda.

๐€๐Ÿ-๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐€๐‰๐-๐†
๐Œ,๐ง๐ž ๐€๐›๐๐ข๐ง๐š๐š๐ฌ๐ข๐ซ ๐š๐›๐๐ข๐ค๐ก๐š๐ฅ๐ข๐Ÿ ๐š๐ก๐ฆ๐ž๐

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 14/07/2026

๐๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ข๐ข ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก๐š๐ฒ๐ ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ - ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐†๐š๐›๐š-๐ ๐š๐›๐จ๐ฐ๐๐š๐ฒ

Waxaa si guul leh u soo idlaatay booqashadii shaqo ee rasmiga ahayd ee madaxda sare ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe ay ku joogeen dalka Malaysia.

Maamulka Jaamacaddu waxay booqashadooda ku soo xireen indho-indhayn iyo wada-hadallo iskaashi oo ay la yeesheen qaybaha caafimaadka ee Jaamacadda caalamiga ah ee IIUM (International Islamic University Malaysia). Booqashadu waxay si gaar ah u taabatay xarumaha soo socda:

- ๐…๐š๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐Œ๐ž๐๐ข๐œ๐ข๐ง๐ž
- ๐…๐š๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐๐ฎ๐ซ๐ฌ๐ข๐ง๐ 
- ๐…๐š๐œ๐ฎ๐ฅ๐ญ๐ฒ ๐จ๐Ÿ ๐€๐ฅ๐ฅ๐ข๐ž๐ ๐‡๐ž๐š๐ฅ๐ญ๐ก ๐’๐œ๐ข๐ž๐ง๐œ๐ž๐ฌ
- ๐‚๐ข๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐–๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ˆ๐”๐Œ
(๐’๐ฎ๐ฅ๐ญ๐š๐ง ๐€๐ก๐ฆ๐š๐ ๐’๐ก๐š๐ก ๐Œ๐ž๐๐ข๐œ๐š๐ฅ ๐‚๐ž๐ง๐ญ๐ซ๐ž โ€“ ๐’๐€๐’๐Œ๐„๐‚)

Ujeeddada guud ee booqashadan waxay ahayd xoojinta xiriirka tacliimeed ee ka dhexeeya labada jaamacadood, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta cilmiyeed, iyo u kuur-galka hab-dhaqanka casriga ah ee wax-barashada iyo tababarka cilmiga caafimaadka. Tallaabadani waxay qayb ka tahay dadaallada Jaamacadda Boosaaso ee lagu hirgelinayo nidaam waxbarasho oo tayo sare leh, kulana jaan-qaadi kara heerarka caalamiga

"Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacada Bosaso-Garowe,"
M.ne Abdinasir Abdikhalif Ahmed Elmi

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 09/07/2026

๐–๐š๐Ÿ๐ญ๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ข๐“๐Œ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐š.

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Boosaaso (UOBG) oo maalmahan ku sugnaa dalka Malaysia, ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Teknolojiyadda ee Malaysia (UiTM).

Booqashadan ayaa timid ka dib markii maamulka sare ee Jaamacadda Boosaaso ay casumaad rasmi ah ka heleen dhiggooda Jaamacadda UiTM. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta jaamacadda UiTM MARA oo ku taal gobolka Selangor, duleedka caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur.

Kulanka ayaa waxaa looga falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tacliinta sare, gaar ahaan arrimaha cilmi-baarista iyo is-dhaafsiga ardayda (Student exchange iyo Student Mobility). Waxaa la isla gartay in iskaashigan lagu billaabo Kulliyadda Caafimaadka iyo ardayda heerka labaad (Master-ka).

University of Bosaso - Garowe
โ€œBuilding better communityโ€

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacada Bosaso-Garowe,
M.ne Abdinasir Abdikhaliif Ahmed Elmi .

09/07/2026

Jaamacadda Boosaasoโ€“Garoowe iyo International Islamic University Malaysia IIUM ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU), kaas oo xoojinaya iskaashiga dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista, iyo horumarinta tacliinta.

Heshiiskan ayaa astaan u ah tallaabo muhiim ah oo ay Jaamacadda Boosaso Garoowe ku ballaarinayso iskaashigeeda caalamiga ah.

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacada Bosaso-Garowe
M.ne Abdinasir Abdikhaliif Ahmed

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 07/07/2026

๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จ ๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž (๐”๐Ž๐-๐†) ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐ˆ๐ˆ๐”๐Œ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฆ๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐’๐ข ๐‘๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐” ๐ฐ๐š๐๐š ๐’๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐–๐š๐๐š๐ฃ๐ข๐ซ (๐Œ๐จ๐”)

Waftigii ka socday University of Bosaso - Garowe ee maalmahan ku sugnaa dalka Malaysia ayaa si rasmi ah u saxiixay Heshiis Is afgarad iyo Iskaashi Wadajir (Memorandum of Understanding) oo ay la galeen International Islamic University Malaysia IIUM

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa dhabbaha u xaaraya iskaashi qoto dheer oo dhex mara labada jaamacadood, kaas oo diiradda lagu saarayo:
โ€ข Kor u qaadista tayada waxbarashada,
โ€ข Horumarinta cilmi baarista,
โ€ข Is-dhaafsiga khibradaha tacliimeed,
โ€ข Kobcinta barnaamijyada wada-shaqaynta ee mustaqbalka fog.

Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee International Islamic University Malaysia (IIUM Gombak Campus), Kuala Lumpur, Malaysia iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac.

Dhanka Jaamacadda Boosaaso - Garoowe University of Bosaso - Garowe, saxiixa waxaa ku matalayay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Mohamed Ali Mohamoud, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku xigeenka iyo Hormuudka Daraasaadka Sare.

Dhanka IIUM. waxaa heshiiska ku matalayay Rectorka Jaamacadda IIUM Prof. Emeritus Datuk Dr. Osman Baker, oo ay weheliyaan xubno sare oo ka socda Kulliyadda Caafimaadka ee IIUM.
Heshiiskan cusub ayaa waddada u xaaraya mashaariic ballaaran oo iskaashi oo mustaqbalka dhow la hirgelin doono

University of Bosaso - Garowe
"Building Better Community"

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacada Bosaso-Garowe,
M.ne Abdinasir Abdikhaliif Ahmed Elmi.

Photos from University of Bosaso Students Union Garowe's post 07/07/2026

OGEYSIIS

Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhammaan ardayda iyo bahda Jaamacadda Bosasoโ€“Garowe in habeenimada Sabtidu soo galayso Jimcuhuna Baxayo lagu qaban doono munaasabadda daah-furka Buugga CILMI-BAARE, oo uu soo bandhigayo Ustaad Abdiqani Mouse Abdi (Galaydh).

Munaasabaddan qiimaha leh waxaa marti ku ah bahda Family U.O.B-G iyo Bulshada Casimada ku nool, waxaana la filayaa inay noqoto kulan aqooneed muhiim u ah cidkasta oo rabta inay hormariso aqoonteda cilmi-barista, laguna xoojinayo akhriska, cilmi-baarista, iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Sidaas darteed, waxaa si xushmad leh loogu casuumayaa dhammaan ardayda iyo daneeyayaasha inay ka soo qaybgalaan munaasabaddan, kana faaโ€™iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada halkaas lagu soo bandhigi doono.

Fadlan ha moogaanina fursaddan qiimaha badan.

Goobta : waa Jamacada Bosaso-Garowe Qaybteeda Daraasadka sare ama Post-graduationka

Wakhtiga๐Ÿ“…: 10/7/2026

Mahadsanidiin๐Ÿ™๐Ÿพ.

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacada Bosaso-Garowe,
M.ne Abdinasir Abdikhaliif Ahmed Elmi.

01/07/2026

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐‡๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ-๐๐š ๐‹๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ฒ๐จ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Maanta waa 1-da Luulyo, maalin taariikhi ah oo astaan u ah midnimada, gobannimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, Waa maalin aynu ku xusuusanno halgankii geesiyaasha Soomaaliyeed ee naftooda u huray xorriyadda iyo mideynta ummadda soomaaliyeed.

Anagoo ah Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaso โ€“ Garowe (MAJB-G), waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

1-da Luulyo waxay ina xasuusinaysaa in horumarka dalkeenna lagu gaari karo aqoon, wadajir, nabad iyo isku duubni. Ardaydu waa laf-dhabarta bulshada, waana jiilka laga filayo inay hoggaamiyaan mustaqbal ifaya oo Soomaaliya yeelato.

Waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan waxbarashada, waddaniyadda iyo ka shaqeynta horumarka dalkooda.

Hambalyo markale Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed.

Alle ha dhowro Soomaaliya. ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Af-hayeenka Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaso โ€“ Garowe (MAJB-G)
M.ne Abdinasir Abdikhalif Ahmed Elmi.

Want your school to be the top-listed School/college in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


30 KM Street Road, Garowe-Puntland
Garowe