University of Bosaso - Garowe Students Union

University of Bosaso - Garowe Students Union Vision:
The Office of Student Life provides students with the opportunity to broaden their educational experiences and maximize their Education level.

05/09/2026

๐“๐€๐๐€๐๐€๐‘ ๐€๐๐Ž๐Ž๐-๐Š๐Ž๐‘๐Ž๐‘๐’๐ˆ

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐ŸŽ๐Ÿ“/๐ŸŽ๐Ÿ—/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland ayaa tababar aqoon-kororsi ah u qabatay ardayda ๐ƒ๐š๐ญ๐š ๐’๐œ๐ข๐ž๐ง๐œ๐ž โ€“ ๐’๐ž๐ฆ๐ž๐ฌ๐ญ๐ž๐ซ ๐…๐ข๐ฏ๐ž ee Jaamacadda Bosaasoโ€“Garoowe.

Tababarka waxaa qayb ka ahaa ๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š, ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จโ€“๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐

Intii uu tababarku socday, ardaydu waxay booqdeen oo ay si toos ah u soo mareen ๐ฐ๐š๐š๐ฑ๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ช๐š๐ฒ๐›๐š๐ก๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐๐ฎ๐ฐ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š, iyagoo ka faaโ€™iidaystay aqoon iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqada iyo adeegyada Wasaaradda.

๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐š๐๐š ๐ญ๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐ฎ waxay ahayd in ardayda la siiyo aqoon wax-ku-ool ah iyo waayo-aragnimo kaabaya waxbarashadooda jaamacadeed.

Af-Hayeenka: Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso-Garowe,
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed

(Sawirro)Tababar Aqoon Kororsi
31/08/2026

(Sawirro)
Tababar Aqoon Kororsi

31/08/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฐ๐ž, ๐ˆ๐ฌ๐ง๐ข๐ข๐ง, ๐Ÿ‘๐Ÿ/๐ŸŽ๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐๐Ž๐Ž๐๐€๐’๐‡๐Ž ๐€๐๐Ž๐Ž๐-๐Š๐Ž๐‘๐Ž๐‘๐’๐ˆ ๐€๐‡

Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso Garoowe, Mudane:Mohamad A. Deak, ayaa maanta hoggaaminayay booqasho aqoon-kororsi ah oo lagu tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Booqashada waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee MAJBG, Mudane:Yacquub Abdulqadir Abdikhadar, iyo ardayda fasalka HRM semester5, kuwaas oo fursad wanaagsan u helay inay si dhow uga faaโ€™iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada laga bixiyey hababka maamulka iyo maaraynta kheyraadka aadanaha.

Ujeeddada booqashadu waxay ahayd in ardaydu helaan faham dhab ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan hayโ€™adaha dowladda, gaar ahaan maamulka shaqaalaha, qorsheynta kheyraadka aadanaha, horumarinta awoodda shaqaalaha iyo tayeynta waxqabadka hayโ€™adaha.

Booqashadu waxay ahayd fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Ardayda, Jaamacadda iyo hayโ€™adaha Dowladda, iyadoo ardaydu ay ka heleen aqoon iyo waayo-aragnimo ka baxsan fasalka, taas oo wax weyn ka tari karta kobcinta xirfadahooda mustaqbalka.

Midowga Ardayda Jaamacadda Boosaaso-Garoowe wuxuu uga mahadcelinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland soo dhoweynta iyo waqtiga ay u hureen ardayda, waxaana rajaynaynaa in wada-shaqayntani ay sii socoto, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha jiilka soo koraya.

AFHAYENKA MAJB-G
MUDANE Abdinasir Abdikhalif Ahmed.

ALLA MAHADLEH.

10 maalin oo keliya ayaa innaga xiga maalinkii waynaa
31/08/2026

10 maalin oo keliya ayaa innaga xiga maalinkii waynaa

๐Ÿ๐ŸŽ ๐ƒ๐š๐ฒ ๐‹๐ž๐Ÿ๐ญ!

Waxaa inaga xiga kaliya 10 cisho munaasabadda qalinjebinta Dufcaddii 10-aad ee Jaamacadda Boosaaso - Garoowe.

๐Ÿ“… 10-ka September 2026 | Khamiis
๐Ÿ“ Ardaaga Weyn ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe

Wali Ma u diyaar-garowday maalintan weyn?

30/08/2026

๐ŸŽ“๐–๐€๐‘ ๐…๐€๐‘๐—๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡!

Munaasabadda Qalinjabinta Dufcadda 10-aad Ee Jaamacadda Boosaaso - Garoowe

๐Ÿ“… 10-ka Sebtembar 2026 | Khamiis
๐Ÿ“ Goobta: Ardaaga Weyn ee Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garowe

U diyaar garow... maalinta weyn! ๐ŸŽ“

Maalin wayn
30/08/2026

Maalin wayn

๐ŸŽ“ ๐Ž๐†๐€๐˜๐’๐ˆ๐ˆ๐’ ๐Œ๐”๐‡๐ˆ๐ˆ๐Œ ๐€๐‡ | ๐—๐€๐…๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐๐€๐‹๐ˆ๐-๐‰๐€๐๐ˆ๐๐“๐€

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe ee dhammaystay hayaankoodii waxbarasho ee ay muddada dheer soo wadeen inay u diyaar garoobaan Xafladda Qalin-jabinta Dufcadda 10aad.

U diyaar garooba maalinta weyn ee aad inta badan Sugayseen ee Guusha iyo farxadda ah!

๐Ÿ“… ๐’๐š๐ฏ๐ž ๐ญ๐ก๐ž ๐ƒ๐š๐ญ๐ž โ€”๐Ÿ๐ŸŽ-๐ค๐š ๐’๐ž๐›๐ญ๐ž๐ฆ๐›๐š๐ซ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Jaamacadda Boosaaso โ€“ Garoowe
๐ŸŽ“10th Graduation Ceremony

26/08/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž, ๐€๐ซ๐›๐š๐œ๐จ/๐Ÿ๐Ÿ”/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ-๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š,

Golaha Wakiillada Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaaso-Garoowe ayaa ka qayb galay tababar aqooneed oo uu u qabtay ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

Tababarka waxaa diiradda lagu saaray sida dowladnimadu u shaqeyso, doorka hayโ€™adaha dowladda, wakiillanimada iyo masuuliyadda ka saaran wakiilka inuu si hufan ugu shaqeeyo dadka uu matalayo.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Puntland ayaa si faahfaahsan oo aqoon ku dhisan ugu sharaxay Golaha Wakiillada Dastuurka Dowladda Puntland, isagoo ka hadlay qodobbada muhiimka ah, qaab-dhismeedka dowladnimada iyo doorka dastuurku ku leeyahay hagidda hayโ€™adaha iyo bulshada.

Tababarkani wuxuu Golaha Wakiillada u ahaa fursad muhiim ah oo ay ku kobcinayaan aqoontooda, fahamka dastuurka, masuuliyadda wakiillanimada iyo isla-xisaabtanka, si ay si wanaagsan ugu gutaan waajibaadka ay u hayaan ardayda ay wakiilka ka yihiin.

Waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinaynaa Baarlamaanka Puntland iyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Puntland, sida qiimaha leh ee ay aqoontooda iyo khibraddooda ula wadaageen ๐‘ฎ๐’๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’Œ๐’Š๐’Š๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’Š๐’…๐’๐’˜๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’“๐’…๐’‚๐’š๐’…๐’‚ ๐‘ฑ๐’‚๐’Ž๐’‚๐’„๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ฉ๐’๐’”๐’‚๐’”๐’-๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’๐’˜๐’† .

Wakiillanimadu waa masuuliyad, aqoontuna waa furaha hoggaan hufan.

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso-Garowe,
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed Elmi

๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž, ๐€๐ซ๐›๐š๐œ๐จ/๐Ÿ๐Ÿ”/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ-๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š...
26/08/2026

๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž, ๐€๐ซ๐›๐š๐œ๐จ/๐Ÿ๐Ÿ”/๐Ÿ–/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐š๐›๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐Œ๐ข๐๐จ๐ฐ๐ ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐ฌ๐จ-๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š,

Golaha Wakiillada Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaaso-Garoowe ayaa ka qayb galay tababar aqooneed oo uu u qabtay ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—น๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฃ๐˜‚๐—ป๐˜๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ.

Tababarka waxaa diiradda lagu saaray sida dowladnimadu u shaqeyso, doorka hayโ€™adaha dowladda, wakiillanimada iyo masuuliyadda ka saaran wakiilka inuu si hufan ugu shaqeeyo dadka uu matalayo.

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Puntland ayaa si faahfaahsan oo aqoon ku dhisan ugu sharaxay Golaha Wakiillada Dastuurka Dowladda Puntland, isagoo ka hadlay qodobbada muhiimka ah, qaab-dhismeedka dowladnimada iyo doorka dastuurku ku leeyahay hagidda hayโ€™adaha iyo bulshada.

Tababarkani wuxuu Golaha Wakiillada u ahaa fursad muhiim ah oo ay ku kobcinayaan aqoontooda, fahamka dastuurka, masuuliyadda wakiillanimada iyo isla-xisaabtanka, si ay si wanaagsan ugu gutaan waajibaadka ay u hayaan ardayda ay wakiilka ka yihiin.

Waxaan mahad iyo bogaadin u jeedinaynaa Baarlamaanka Puntland iyo Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Puntland, sida qiimaha leh ee ay aqoontooda iyo khibraddooda ula wadaageen ๐‘ฎ๐’๐’๐’‚๐’‰๐’‚ ๐‘พ๐’‚๐’Œ๐’Š๐’Š๐’๐’๐’‚๐’…๐’‚ ๐‘ด๐’Š๐’…๐’๐’˜๐’ˆ๐’‚ ๐‘จ๐’“๐’…๐’‚๐’š๐’…๐’‚ ๐‘ฑ๐’‚๐’Ž๐’‚๐’„๐’‚๐’…๐’…๐’‚ ๐‘ฉ๐’๐’”๐’‚๐’”๐’-๐‘ฎ๐’‚๐’“๐’๐’˜๐’† .

Wakiillanimadu waa masuuliyad, aqoontuna waa furaha hoggaan hufan.

Af-Hayeenka Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso-Garowe,
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed Elmi

24/08/2026

๐’๐€๐๐ƒ๐”๐”๐๐€ ๐‚๐€๐๐€๐’๐‡๐€๐ƒ๐€ & ๐“๐€๐‹๐Ž ๐’๐Ž๐Ž ๐‰๐„๐„๐ƒ๐ˆ๐๐“๐€ ๐€๐‘๐ƒ๐€๐˜๐ƒ๐€

๐Š๐ฎ: ๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐๐จ๐ฌ๐š๐š๐ฌ๐จโ€“๐†๐š๐ซ๐จ๐ฐ๐ž

Xukuumadda Dan-Arday ee Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaasoโ€“Garowe waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa dhammaan ardayda in la diyaariyey ๐’๐š๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐‚๐š๐›๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š & ๐“๐š๐ฅ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐‰๐ž๐ž๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š.

Sanduuqan wuxuu ka mid yahay ballanqaadyadii Xukuumadda Dan-Arday ay u qaaday ardayda, waxaana loogu talagalay in ardaydu si fudud ugu soo gudbiyaan cabashooyinkooda, talooyinkooda iyo soo jeedimahooda, si loo helo xalal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada iyo nolosha ardayda.

Munaasabadda xarig-jarka Sanduuqa Cabashada & Talo Soo Jeedinta Ardayda waxaa qayb ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Jaamacadda University of Bosasoโ€“Garowe, Marwo Fowsiyo Cabdullaahi Cilmi, Madaxweynaha Midowga Ardayda Jaamacadda Bosaasoโ€“Garowe, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cabdulqaadir, Madaxwayne ku xigeenka Midowga Ardayda iyo qayb ka mida xubnaha golaha Xukuumdda.

Xukuumadda Dan-Arday waxay mar walba diyaar u tahay inay dhageysato ardayda, kana shaqeyso sidii cabasho kasta oo la xiriirta arrimaha ardayda loogu heli lahaa jawaab iyo xal ku habboon.

Codkaaga waa muhiim. Fikraddaada waa qiimo. Cabashadaadana waa nasoo gaarsiin kartaan.

Af-Hayeenka: Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso-Garowe
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed

Dan-Arday.

23/08/2026

๐€๐ƒ๐Œ๐ˆ๐’๐’๐ˆ๐Ž๐ ๐Ž๐๐„๐ | ๐Š๐”๐’๐Ž๐Ž ๐ƒ๐‡๐Ž๐–๐€๐€๐ƒ๐€ ๐‰๐€๐€๐Œ๐€๐‚๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐๐Ž๐Ž๐’๐€๐€๐’๐Ž ๐†๐€๐‘๐Ž๐Ž๐–๐„

Jaamacadda Boosaaso Garoowe waxay si rasmi ah u shaacinaysaa in ay furan tahay diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad- jaamacadeedka ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”โ€“๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ•.

Haddii aad doonayso inaad bilowdo safarkaaga aqooneed, Jaamacadda Boosaaso Garoowe waxay kuu diyaarisay fursad aad ku kobcin karto aqoontaada, xirfadahaaga iyo kartidaada, si aad ugu diyaar garowdo mustaqbal ifaya.

Diiwaangelintu way furan tahay
Kusoo biir Jaamacadda Boosaaso Garoowe, halka aqoontu ka dhisanto mustaqbalka.

Af-Hayeenka: Xukuumadda Midowga Ardayda Jamacadda Bosaso Garowe,
Mudane: Abdinasir Abdikhalif Ahmed

Address

30 KM Street Road, Garowe-Puntland
Garowe

Telephone

+252906487143

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when University of Bosaso - Garowe Students Union posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to University of Bosaso - Garowe Students Union:

Shortcuts

Share