28/04/2026
Centre For Postgraduate Studies-CPS
๐๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐๐ฌ-๐๐ข๐ข๐ฐ๐๐๐ง๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐ง๐๐๐ฆ๐ข๐ฃ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซโ๐ฌ ๐๐๐ ๐ซ๐๐
Xarunta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe waxay ku wargelinaysaa dhammaan daneeyayaasha in ay furan tahay is-diiwaangelinta barnaamijyada Masterโs Degree-ga
is-diiwaangelintu hadda way furan tahay
Waxaad iska diiwaangelin kartaa adigoo booqanaya Xarunta Daraasaadka Sare (CPS) ama la xiriiraya lambarradan:
๐ 0904 554411
๐ 0905 227733
27/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ข๐ฒ๐ฎ๐ฎ๐ญ๐๐ซ๐ค๐ (Data Science)
Ardayda sannadka 1aad ee Kulliyadda Culuumta Kombiyuutarka, gaar ahaan waaxda Data Science, ayaa ka qayb qaatay tababar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan cillad-bixinta (Troubleshooting) iyo aasaaska kombiyuutarada.
Intii uu socday tababarku, ardayda waxaa lagu baray:
โข Sida loo sameeyo Bootable USB (Duubidda cajiladda Operating System-ka)
โข Ku shubidda nidaamyada sida Windows 10 iyo Windows 11
โข Isticmaalka barnaamijka Rufus
โข Xallinta cilladaha hardware iyo software
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in ardaydu yeeshaan xirfado aasaasi ah oo ay ku rakibi karaan, ku hagaajin karaan, kuna maamuli karaan kombiyuutarada si hufan.
Tababarka waxaa bixinayay Eng. Harun Cabdirashiid, oo ka mid ah ardaydii h**e uga qalin-jabisay jaamacadda, kana qayb qaadanaya horumarinta jiilka cusub ee ardayda.
University of Bosaso โ Garowe
โBuilding Better Communityโ
27/04/2026
Ardayda dhigata Caafimaadka Bulshada (Public Health) ee sannadka u dambeeya ayaa ka faaโiidaystay tababar muhiim ah oo ay ku qaateen Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo diiradda lagu saaray xakamaynta dulinka sababa cudurrada.
Tababarkan qiimaha badan waxaa bixiyay Dr. Cabdixaafid Yaasiin Xuseen oo ka tirsan saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka, isagoo ardayda la wadaagay aqoon iyo khibrad wax ku ool ah.
Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Dr. Cabdixaafid dadaalkooda iyo doorka muuqda ee ay ku leeyihiin horumarinta aqoonta ardayda.
University of Bosaso - Garowe
26/04/2026
Jaamacadda Boosaaso - Garoowe ayaa si guul leh u qabatay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayey Falanqaynta Siyaasadda iyo doorka ay ku leedahay Maamul Wanaagga.
Tababarkan ayaa loo qabtay ardayda barata Waaxda Maamulka Dadweynaha (Public Administration) ee Jaamacadda Boosaaso - Garoowe, waxaana lagu qabtay Xarunta Daraasaadka Sare ee jaamacadda.
Tababarkan ayaa waxa bixinayey Dr. Maxamed Axmed Aadan, oo ah Wakiilka dalka Soomaaliya u qaabilsan hayโadda Centre for Humanitarian Dialogue. Dr. Maxamed waxa uu shahaadada sare ee PhD-da ka qaatay Jaamacadda Ankara ee dalka Turkiga, isaga oo ku takhasusay Cilmiga Siyaasadda (Political Science).
26/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ญ๐ ๐ค๐จ๐ฆ๐๐ข๐ฒ๐ฎ๐ฎ๐ญ๐๐ซ๐ค๐
Ardayda Sannadka 1aad Ee Kulliyadda Culuumta Computerka
ayaa ka qayb qaatay tababar ku saabsan cillad bixinta (Troubleshooting) iyo asaasiyaadka kombiyuutarada
Tababarka waxa lagu bartay:
Duubidda cajiladda Operating System-ka (Bootable USB)
ku shubidda nidaamka sida Windows 10 iyo Windows 11
Isticmaalka Rufus
Xallinta cilladaha hardware & software
Ujeedadu waa in ardaydu yeeshaan xirfado aasaasi ah oo ay ku rakibi karaan, ku hagaajin karaan, kuna maamuli karaan kombiyuutarada.
tababarka waxaa bixinayey Eng. Harun Abdirashiid oo ka mid ahaa ardaydii h**e uga baxday jaamacadda.
University of Bosaso - Garowe
"Building Better Community"
25/04/2026
๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ข๐ฆ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐๐ฎ ๐๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐๐๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ญ๐ข๐ฌ๐ฆ-๐ค๐ ๐ฅ๐ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ
Ardayda dhigata Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliimada (Medicine & Surgery) ayaa booqasho waxbarasho ku tagay xarun lagu xanaaneeyo carruurta la nool Autism-ka. Ardaydan oo Hadda Dhiganaya Qaybta Xannuunada Carruurta (Pediatrics) ayaa ujeeddadoodu ahayd inay si toos ah uga bartaan hababka daryeelka iyo baaritaanka carruurta qaba Autism-ka.
Intii ay booqashadu socotay, dhakhaatiirta wax u dhigta ayaa ardayda tusay farsamooyinka saxda ah ee loo wajaho carruurtaas, iyagoo siinaya khibrad dhab ah oo kaabaya aqoontooda fasalka.
Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe waxay si gaar ah ugu mahadcelinaysaa maamulka xarunta, gaar ahaan Dr. Saynab, oo si heer sare ah u soo dhawaysay ardayda isla markaana gacan ka geysatay hirgelinta booqashadan waxbarasho.
University of Bosaso - Garowe
"Building Better community"
24/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐
Jaamacaddu waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda barata Maamulka Dadweynaha (Public Administration) in la qabanayo tababar aqoon-kororsi ah oo muhiim u ah horumarinta xirfadda aqooneed iyo fahamka maamul wanaagga.
Tababarkan waxa soo qaban qaabisay Xarunta Horumarinta, Hal-abuurka iyo Cilmi-baadhista Jaamacadda Boosaaso - Garoowe
๐๐๐ฐ๐๐ฎ๐ฎ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐
Falanqaynta Siyaasadda iyo Doorka ay ku leedahay Maamul Wanaagga
Tababarkan waxaa diiradda lagu saari doonaa hababka casriga ah ee falanqaynta siyaasadaha dowladeed, kuwaas oo door weyn ka ciyaara horumarinta hufnaanta iyo tayeynta adeegyada bulshada.
๐
๐๐๐ก๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐
Tababaraha: Dr. Mohamed Ahmed Adan
๐Goobta: CPS, Garoowe
๐
Taariikhda: Sabti, 25-ka Abriil
โฑ๏ธWaqtiga: 4:00 PM โ 8:00 PM
22/04/2026
๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐จ๐๐๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐ซ๐๐๐ฒ๐๐
Xarunta Horumarinta, Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista ee Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe ayaa soo qabanqaabisay tababar muhiim ah oo lagu kobcinayey aqoonta iyo xirfadaha cilmi-baarista ardayda, gaar ahaan ardayda Kuliyadda Culuumta Bulshada.
Intii uu socday tababarku, ardayda waxaa lagu baray hababka ururinta iyo falanqaynta xogta, ilaalinta anshaxa cilmi-baarista, habraacyada saxda ah ee xigashada, soo koobidda maqaalada cilmiyeed, iyo arrimo kale oo la xiriira hufnaanta iyo casriyeynta cilmi-baarista.
Tababarka waxaa bixinayey Mr. Ahmed Hussein Suleiman oo ah cilmi-baare ka tirsan bahda Jaamacadda.
Tababarkan ayaa lagu qabtay Xarunta Daraasaadka sare ee jaamacadda Boosaaso Garoowe
21/04/2026
๐๐จ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข-๐๐๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ก
Ardayda kuliyadda Ganacsiga iyo Maamulka Casriga ah ee jaamacadda Boosaaso - Garoowe ayaa ka faaโiidaystay tababar ku saabsan โXirfadaha Cilmi-baarista Dijitaalka ah (Digital Research Skills)โ, kaas oo lagu xoojiyey awooddooda cilmi-baariseed ee casriga ah.
Tababarku wuxuu diiradda saarayey:
โข Hababka xog ururinta
โข Helitaanka ilo xog oo lagu kalsoonaan karo
โข Adeegsiga kaydadka aqoonta
โข Tixraaca saxda ah (referencing)
โข Ka fogaanshaha xatooyada (plagiarism)
Tababarkan qiimaha leh waxaa bixiyey Ustaad Ahmed Hussein, oo ah cilmi-baare ka tirsan bahda jaamacadda Boosaaso - Garoowe.
20/04/2026
๐๐๐๐๐๐๐ซ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐จ๐ซ๐จ๐ซ๐ฌ๐ข ๐๐ก
Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe, gaar ahaan Kulliyadda Computer Science and Technology, ayaa maanta tababar aqoon-kororsi ah u geysay qaar ka mid ah ardayda dhigata Waaxda Data Science ee Jaamacadda, Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Dowladda Puntland (Puntland Information Management Centre for Water & Land Resources).
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii ay ardaydu si toos ah ugu arki lahaayeen hababka casriga ah ee xog ururinta, tiknoolajiyada la adeegsado, iyo agabka (tools) muhiimka u ah ururinta iyo falanqaynta xogta.
Intii uu socday tababarku, ardaydu waxay fursad u heleen inay la kulmaan madaxda hayโadda, iyagoo ka faaโiidaystay khibrado iyo talooyin wax ku ool ah.
Jaamacaddu waxay uga mahadcelinaysaa hayโadda doorkeeda muhiimka ah ee ay ka qaadatay kobcinta aqoonta ardayda iyo fududeynta fursaddan tababarka ah.
University of Bosaso - Garowe
Building Better Community
19/04/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ง
Jaamacadda Boosaaso โ Garoowe waxay hambalyo diirran u diraysaa dhammaan xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, kuwaas oo maanta uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Jaamacaddu waxay bogaadinaysaa kalsoonida iyo masuuliyadda culus ee loo igmaday guddigan cusub, iyadoo rajaynaysa in ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan horumarinta, hagidda iyo tayeynta waxbarashada sare ee Puntland.
Hambalyo