05/06/2023
Dhibta u badan ee dhallinyaradeenna haysata waa xirfad la'aan, jaamacad ayuu ka soo baxay maaddooyin badan ayuu soo qaatay balse hal hawl oo uu si fiican u qaban karo way yar tahay.
Dunidu xilligaan casriga ah waxay qiimeysaa qofku muxuu qaban karaa ee ma qiimeyso muxuu soo bartay. Xirfad waa in aad leedahay aad hawl ku qaban karto. Adiga oo aan dugsi sare xitaa dhigan ayaad ka xirfado badnaan kartaa mid jaamacado ka soo baxay, waadna ka qiimo badnaanaysaa marka suuqa shaqada la joogo iyo marka ganacsiga la joogaba.
Xirfadaha ugu fudud uguna qiimaha badan waxaa kamid ah in aad website WordPress ku dhisi karto, kuna naqshadayn karto. Xirfaddaan haddii aad barato suuqa shaqada dalab fiican ayay ku leedahay maadaama hadda aad loogu soo baraarugayo "online presence", sidoo kale adiga ayaa project aad niyadda ku haysay dhaqaajin kara inta website u samaysid, ugu yaraan blog aad leedahay ayaad samaysan kartaa deedna Google adsense ku xiran kartaa. Albaabo badan ayaa kuu furmaya marka aad xirfaddaan barato.
Haddaba Isbademy waxay kuu diyaarisay koorso WordPress ah oo aad u faahfaahsan haddana wakhtigeedu kooban yahay, kaliya 6 saac iyo 44 daqiiqo oo wakhtigaaga ah ayay kaaga baahan tahay. Koorsada waxaa la socda 4 bog oo diyaarsan (webpage templates) oo aad la degi karto, deedna aad adeegsan karto si aad ugu tababbarato.