Ibraahiim Shuudhaa

Ibraahiim Shuudhaa Waxan kuso bandhiga xogaha asaasiga ee Dalalka, Caafimadka, Dinta, Dhaqanka Somalida iyo Dhiragalinta

12/01/2026

Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabtu waxay ka mid tahay dowladaha saameynta weyn ku leh gudaha dalka Soomaaliya. Si gaar ah, waxay xiriir dhow la leedahay dowladaha Puntland, Jubbaland iyo Somaliland, iyadoo ka taageerta dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, mashaariicda bini’aadannimada iyo kabidda miisaaniyadda.

Xiriirka u dhexeeya Dowladda Puntland iyo Imaaraadka Carabta wuxuu bilowday intii u dhaxaysay sannadihii 2010–2011, xilligii madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Muddadii uu xiriirkaasi socday, Imaaraadku waxay Puntland ka hirgeliyeen mashaariic ay ka mid yihiin ballaarinta dekedda, maxjarka iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale, waxay dhiseen, qalabeeyeen, una bixiyeen mushaar Ciidanka Badda Puntland (PMPF), oo ka mid ah ciidamada ugu tayada iyo tirada badan ciidamada Dowladda Puntland.

Howlgalkii Hillaac ee ay Puntland gashay sannadkii 2025, isla markaana ay ku qaaday kooxda Daacish, Dowladda Imaaraadka Carabta waxay ka qaadatay door lama illaawaan ah, iyagoo ka taageerayay Dowladda Puntland hub, dhaqaale iyo duqeymo cirka ah.

Iyadoo ay arrimahaasi oo dhan jiraan, ayaa Golaha Wasiirrada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay galabta soo saareen go’aan ay ku sheegeen in Soomaaliya ay ka baxday heshiisyadii ay la lahayd Dowladda Imaaraadka Carabta. Haddaba, waxaa is-weydiin mudan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya heshiisyada ay Imaaraadka kula jirtay ma ku jireen heshiisyada ay ku joogaan Puntland, Somaliland iyo Jubbaland?
Imaaraadku ma waxay Puntland ku yimaadeen rabitaanka iyo ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya?
Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar ma u tahay inay buuxiso booska ay Imaaraadku uga jireen Puntland, sida taageerada miisaaniyadda, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gacan-ku-haynta Ciidanka PMPF?

Jawaabtu waa maya.
Ibraahiim Shuudhaa

29/12/2025

Naafanimadu maaha nolol la'aan, sida aysan nolushuba u ahayn naafo la'aan

Address

Garowe
NONE

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibraahiim Shuudhaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share