Biciid

Biciid Xarunta uruurinta, keydinta iyo faafinta xogaha Soomaalida. Dhul & Dhaqan. Waxaa leh Soomaali, waxa uu na u adeegayaa ayaga.

Faa'iido doon ma ahan, waa keydiyeha, u adeegaha keydinta xogaha Soomaalida ee ku saabsan: deegaanka, duurjoogta, duunyada, sawraca, suugaanta, sooyaalka iyo dhirta, dhaqanka, hiddaha iyo afka.

22/09/2026

Saaka qaalinkaan baan markii koowaad rarnay. Bilo beydad iyo beyr ah, saaka waa lammaysan yahay. Haba beyr badnaadee, waa qaalin xoog iyo qaad leh.

21/09/2026

Duhurkii marka libaax ama dhurwaa xoolaha dhex galo oo uu mid kala haado, dhaawaco ama isaga dhadaabaynaya uu dhex dhuuheeyo oo shanba meel ku dhacdo. Waxaa loo yaqaannaa DHARAARGALE.

Bilowga Dayrta iyo Godka Dirir  Waxaa shalay galab dhicitaankiisu bilowday godka Dirir, oo Soomaalidu ku Astaystaan bilo...
20/09/2026

Bilowga Dayrta iyo Godka Dirir
Waxaa shalay galab dhicitaankiisu bilowday godka Dirir, oo Soomaalidu ku Astaystaan bilowga xilliga dayrta iyo gu’ga.

Odayadeenna qaybtood waxay qabaan in dayrta wakhtigeedu bilowdu markuu Dirirku maqribka marka laga baxo galbeedka ka muuqdo; oo waa tii ay ahayd oraahdii abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid, AHUN, ” Kolba hadday danbaabayaan, markay dayr sugayaanna markay salaadda maqrib asalaamu calaykum bidix u yiraahdaan may yiraahdaan dayri waa joogtaa; hadday gu’ dhawrayaanna, markay midigta asalaamu calaykum u yiraahdaan maqribka may yiraahdaan gugii waa joogaa”.

Oo laga wado xilliga guga Dirirku maqribkii ayuu bari ka soo baxaa, halka xilliga dayrta kolka ay Qorraxdu dhacdo uu galbeedka ka muuqdo.

Haddaba waxaa maanta bilowday xilligii dayrta, ee ku dhisnaa godadka dhacaya, marka la eego odayadeenna qaybtood sida ay qabaan.

FIIRO GAAR AH: Waxaa dhammaan la farayaa in laga dheeraado meelaha godan, maadaama in badan oo astaamihii odayadeennu wax ka saadaalin jireen ay muuqdaan.

WQ: Cirday

20/09/2026

Jirkii xalay na helay, saaka iyo jarmaadada. Deyrtu dhaxan waa leedahay, waa na ka dambaysaa. Balse hadda xaalad hagaagsan baan ku jirnaa.

19/09/2026

Galabta iyo guulaamooyinkii is ceshaday.

Ninkay ku da’daa,
Daruurta cusboon
Diihaaliyo wuxuu
Reebay daalkii.
— heello.

Gufaaco roob.
19/09/2026

Gufaaco roob.

19/09/2026

Saaka waa noo toostay. Walow, geed qoyan aan kala dhambalnay hadda na tani waa mid mar nasoo martay. Gawskeeda iyo gaayadeeda ba waa isku ruugnay, miidna waa ka mashuuqnay.

Saddex baa sida caadiga ah malabka ama surta sameeya — shinniweynta, shinniyaro iyo dhurdaha. Kani aan saaka mooraduugnay waa dhurdo.

Subax wanaagsan.

18/09/2026

Daad ma soo rogay! Eebbe nimcada uu bixiyo xisaab ma leh. Soomaalidu waxa ah dhahdaa “ammaan lama dhudhumiyo”. Hadda barwaaqada Eebbe lama dhudhumiyo!

Waxa aan aad uga helay maqaal ay qoreen Pierre Carette iyo Henri Neuville 1906, oo ka hadlaya laba goobood oo raadad h**...
17/09/2026

Waxa aan aad uga helay maqaal ay qoreen Pierre Carette iyo Henri Neuville 1906, oo ka hadlaya laba goobood oo raadad h**e ay ku duuganyihiin ( Dhagax Siyaaro iyo Dhagax Bayd), kuwaas oo u dhaw Dawanle xadka Jabuuti, calaamadaha muuqda waxay barbar dhigayaan summadaha reeraha aagga ku noola ee Ciise ka soo jeeda.

Kooxaha degelbaadhayaasha ee hadda yimaadda goobaha ku yaalla Somaliland, waa kooxa bislaysta mashruucyo ay si degdeg ah u helaan, raadadkaa marka ay ka hadlayaanna kuma dhisaan maqaalladooda aragti la xidhiidha dhaqanka Soomaalida iyo taariikhdooda.

WQ: Cumar Cabdi Iidaan

XUURCADXuur Cad waa shimbir magaceeda cilmiga ah yahay Ciconia ciconia Waa shimbir guurta oo laga helo qaybo ka mid ah Y...
17/09/2026

XUURCAD
Xuur Cad waa shimbir magaceeda cilmiga ah yahay Ciconia ciconia Waa shimbir guurta oo laga helo qaybo ka mid ah Yurub, Aasiya iyo Afrika balse aan hal meel ku nagaannin sannadka oo dhan.

Xilliyo gaar ah ayay qaaradaha isaga kala gudubtaa, iyadoo raadinaysa cunto, cimilo ku habboon iyo goobo ay ku taranto, Waxayna quudataa cayayaanka, rahyada, xamaaratada, kalluunka yaryar iyo xayawaanno kale oo yaryar.

Waxaase shimbirtan si gaar ah loogu yaqaannaa safarrada dhaadheer ee ay samayso Marka ay guurayso, waxay ka faa'iidaysataa hawooyinka diiran ee dhulka ka kacaya, kuwaas oo ka caawiya inay cirka ku dul duusho iyadoo tamar yar isticmaalaysa.

Safarka noocaas ah ayaa mid ka mid ah xuur-cadahan ku keenay Soomaaliya si gaar ahna Puntland.

Xuur-caddii Dhuudo lagu helay

Deegaanka Dhuudo oo hoos taga degmada Bandarbayla ee bariga Puntland, ayaa laga helay xuur-cad dhimatay.

Markii h**e waxay u muuqan kartaa dhacdo caadi ah Laakiin lugta shimbirtan waxaa kaga xirnaa giraan aqoonsi, kaas oo markii la akhriyey bixiyay xog muhiim ah oo ku saabsan halka ay shimbirtu ka timid.

Shimbirta ayaa qayb ka ahayd mashruuc cilmi-baaris oo ay waddo hay'adda MME ee dalka Hungary, oo muddo dheer ka shaqaynaysay calaamadeynta iyo daraasaynta shimbiraha.

Arrintan ayaa markii dambe Puntland soo saartay xog ku saabsan shimbirta, halka ay ka timid iyo safarkii ay soo martay.

Sida muuqata, shimbirta laguma arag calaamado muujinaya in la ugaarsaday ama xayawaan kale weeraray. Si kastaba, sababta saxda ah ee dhimashadeeda lama xaqiijin karo baaritaan caafimaad la'aan.

Maxaa Lugta Uga Dhagan Shimbirahan?

Lugta shimbirtan waxaa kaga xirnaa giraan aqoonsi (bird ring) oo qayb ka ah cilmi-baarista shimbiraha.

Giraantu waxay wadatay koodh gaar ah oo ahaa UK43, kaas oo ahaa aqoonsi lagu garto shimbirtan marka meel kale lagu arko ama laga helo.

Ujeeddadu ma aha in shimbirta lagu raadraaco GPS balse Giraantu waxay cilmi-baarayaasha ka caawisaa inay ogaadaan halka ay shimbirtu u guurto, meelaha ay marto, goobaha ay ku hakato iyo haddii ay dib ugu soo noqoto meelihii ay h**e uga tagtay.

Sidaas darteed, giraanka yar ee lugta kaga xirnaa ayaa suurageliyay in la ogaado in xuur-caddan ay Hungary ka timid, kadibna safar dheer ku timid Puntland.

Sidoo kale Shimbirta maanta laga helay deegaan hoostaga garoowe ayaa ahayd mid guur-guurta taas oo iyadana ka timid goob daraaseysa ama baaritaan cilmi ku wada shimbirahan.

Safarka Shimbirku Ma Aha Mid Aan Ujeeddo Lahayn

Socdaalka shimbiraha guur-guura ma aha safar aan qorshe lahayn, Waxaa ka dambeeya baahi nololeed.

Cunto yaraanta, isbeddelka xilliyada, heerkulka iyo baahida taranka ayaa ka mid ah sababaha ku riixa xayawaanno badan inay masaafooyin aad u fog u safraan.

Xuur-cadduna waxay leedahay dariiqyo guuritaan oo jiilal badan ay soo mareen.

Qaar ka mid ah xuur-caddaha Yurubta Bari waxay u gudbaan Afrika iyagoo mara dhanka Turkiga, Bariga Mediterranean-ka iyo aagga Suez, kadibna qaar badan waxay u sii gudbaan Bariga Afrika.

Taasi waxay Puntland ka dhigaysaa meel muhiim ah oo ku dhex jirta juqraafi ahaan dunida ay shimbirahaasi ku kala safraan.

Wacyiga Bulshada: Shimbir Sirdoon Ah Mise Shimbir Guure Ah?

Dhacdadan waxay sidoo kale banaanka soo dhigtay arrin kale oo mudan in laga hadlo waana heerka aqoonta bulshada ee ku saabsan xayawaannada guur-guura.

Ka dib markii xuur-caddii Dhuudo laga helay ku xigtay mid kale oo deegaan hoos-taga garoowe bulshadu ka qabteen xuur-cad kale oo nool.

Hadallada laga duubay qaar ka mid ah dadkii qabtay ayaa muujinayay in aysan aqoon badan u lahayn nooca shimbirta iyo sababta ay meel fog uga timid.

Qaar waxay ku tilmaameen inay tahay “shimbir sirdoon ah” ama shimbir dal shisheeye laga soo diray.

Fahamka noocaas ah wuxuu muujinayaa in marka xayawaan aan caadi ahaan indhaheena u baran deegaanka uu kasoo muuqdo, ay fududahay in loo sameeyo fasiraad aan cilmi ku dhisnayn.

Laakiin shimbir lugteeda giraan ku xiran yahay ma aha caddayn muujinaysa sirdoon ama hawl qarsoon.

WQ: Yasir Abdiladif

Address

Soomaali
Garowe
090

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Biciid posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Biciid:

Shortcuts

Share