Garowe Primary and Secondary School
Garowe Primary school is an entity that delivers Education service
21/07/2025
Bishaaro iyo Ogeysiin Dugsiga hoose/Dhexe Ee Garowe Primary School wuxuu xarun ka furay Xaafada halgan aaga Adeegsame , ka soo horjeedka Masjidka Qudus . Dugsigu wuxuu qaadanaya fasalada Dugsi Hoose/dhexe , Is qoristu way socotaa , Horey u gaar , wixii faahfaahin kala xiriir Numberada kala ah ; 7744796 ama 7653909
Waxbarta Aan Barwaaqo Gaarnee .
07/06/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh, Geerida Marxuum Shiikh Abshir Aw-Siciid
Garoowe, Jun 07, 2025; Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehelada iyo bahda waxbarashada Puntland ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Shiikh Abshir Aw-Siciid Faarax.
Marxuumku waxa uu door muuqda ka qaatay kobcinta iyo horumarinta waxbarashada Puntland, gaar ahaan heerka dugsiyada sare, isagoo ka mid ahaa aas-aaseyaasha dugsiyada Imaamu Shaafici iyo Al-Najaax.
Alle waxaan naxariistiisa janno u weydiinaynaa Marxuumka, ehelada iyo bahda waxbarashada ee uu ka geeriyoodayna haku mannaysto sabur iyo iimaan.
DHAMMAAD
24/05/2025
Bismilaah ;
Saaka oo ay taariikhdu tahay 24/5/2024 , waxaa dhamaan deegaanada Puntland si toosa uga bilaamay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada standard 8ka , iy form fourka , wuxuuna socon doonaa Mudo asbuuc ah , waa imtixaan sanad kasta ay Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland ay qaado , waxaan u rajayneynaa ardayda Ka socota Garowe Primary School oo saaka Examka standard 8ka u fariisanaysa in ilaahay u fududeeyo Examka iyo Guud ahaan aradada saaka examku ubilawday .
Garowe Primary School
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Garowe
0025290