16/08/2026
TACSI
Sin-u-jiif Aug 16 2026
maamulaha dugsiga Sin-u-jiif Mudane Abdinuur Ahmed Mohamed ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle ha u naxariistee Mohamed Aadan oo ku geeriyoodey magaalada Garowe .
Marxuum Mohamed waxa uu ka mid ahaa Shaqaalaha Dugsiga oo mar walbana u taagnaa ka shaqaynta arimaha bulshada
Ugu Maamulaha Dugsiga Abdinuur Ahmed Mohamed waxa uu uga tacsiyaynayaa geerida marxuumka eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay, waxaana uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su'aasha qabrigana u sakhiro, kuna Abaal mariyo Janatul Fardawsa.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA DUGSIGA