16/12/2022
16/DEC /2022 ▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎JIMCE
Waxaan Rabnaa Inaan Cadayno Qoraal Iyo Sawiro Maanta Lasoo Galiyay warfidiyeenKa Kaas oo ahaa In Goobo Katirsan Xaafada kowda agoosto garowe Qashinkii La Isugu Geeyay Shalay Oo Ahayd Maalintii Nadaafada Caasimada In Goobtii La Isugu Geeyay Lagaga Tagay
Balse sidaas maahan, Waxaa Laga Shaqaynayay Gudaha Iyo Dhinacyada Xaafada, Ayadoo Laan Walba Ay Jirtay Goob Loo Asteeyay Halkaasna Ay kamid Tahay Goobaha In La Isugu Geeyo Qashinka Xaafada Gudihiis Yaala Loo Asteeyay Shacabka. shaqadu Waa Socotay Ilaa Maanta .
Goobtiina Isla maanta Galinkii dambe Ayaa Si Deg Deg Ah Looga Qaaday, Ayadoo Aysan Ahayn Maalin Shaqo Oo Shaqaalaha Badankiis Fasax Ahaayen Hadana waan ka jawaabnay.
Anagoo Ka Duulayna Wax walba oo Bilicda Xaafada Hoos Udhigaya, Mar walba Waxaan Utaaganahay Inaan Ka shaqayno Quruxda Iyo Bilicda Xaafada iyo Degmada Garoowe
Waxaan Umahad Celinaynaa Shirkada Nadaafada Ee Oo Qayb Wayn Ka qaadatay Nadiifinta Xaafada Iyo Caasimada
.........DHAMAAD..........