24/05/2019
5 tallaabo oo aad ku xoojin kartid kalsoonida naftaadadad ka oo dhan waxay ku dedaalaan inay kasbadaan kalsoonida naftooda si ugu guuleystaan xaqiijinta himiladdooda iyo riyooyinkooda , kalsoonida naftu waa aasaaska iyo bilowga wadada saxda ah .hadaba sidee ayaad ku siyaadin kartaa kalssoonida naftaada ?
maqaalkan ayaanu idinkusoo gudbin doonaa talooyin muhiima iyo talaabooyin kuu soo gelinya kasbada kalsoonida naftaada.
1.sameyso saaxiibo wanaagsan: arrimaha ugu waaweyn ee qofka ka caawiya inuu kordhiyo kalsoonida naftiisa waxa ka mida isagoo sameysta saaxiibo wanaagsan, saaxibada wanaagsani waxay ka caawiyaan inaad ku guuleysto xaqiijinta himilaada waqtiga adagna way ku garab taagan yihiin .hadaba waxa kugu waajiba inaad ka fogaato saaxibada xun xun , saaxibada xun xun waa kuwa aan kaa caawin inaad howlahaaga ku guuleysato,waqtigaagan ka khasaareeya ,waqti adagna aan ku garab taagnayn.markasta oo aad la saaxiibto saaxibo wanaagsan waamarkasta oo aad awoodid inaad xaqiijiso himiladaada,kalsoonida naftooduna korodho.
2. naftaada dhiirigeli: o dhaahayada aad naftaada ku tidhaahdid waxay saameeyaan kalsoonida naftaada tusaale ahaan haddaad ku fashilanto inaad ku guuldareysato howl ama aad imtixaan hooseyso ama mansab aad gaadhi waydo ,waxa hubaala inaad naftaada kula hadasho ereyo niyad jab ah “waan guuldereystey ” , “mar dambeiskuma dayi doono “, “derejadaa ma gaadhi karo ” iyo qaar kale .hadaladani waxay saameyn togan ku qofka iyo kartidiisa hadaba waxa kugu waajiba inaad naftaada mar walba dhiirigeliso ,kelmado wanaagsana aad kula hadasho “haa waan awoodaa ” ,”waan gaadhi karaa derejedaa “, hadaan mar guul dereysto mar dambe maguuldereysan doono” kelmadahani waxay kordhinayaan awooda nafsiyadeed ee kugu kaydsan iyo kalsoonida naftaada
.3. Ilaali muuqaalkaaga: muuqaalkaagu wuxu si wayn u saameeya kalsoonida naftaada .waxa kula gudboon inaad mar walba ku lebisato dhar xarago badan ,ilaalisana nadaafada jidhka iyo dharka ,markasta oo aad hagaajiso muuqaalka waa mar kasta oo ay korodho kalsoonida naftaada dadka marka aad ku dhexjirtana waxaad dareemeysa kalsooni taas oo sababaysa inaad hagaajiso ficiladaada iyo hadalaada.
4. Akhri buugaagta: haddaad jeceshahay inaad kordhiso kalsoonida naftaada isku day inaad akhrido buugaag badan gaar ahaan kuwa ka sheekeeya toosnanta qofka ,wacdiga diiniga,iyo horumarinta qofka . shaki kuma jiro in akhrinta buugaagta ay saameyn taban ku leedahay kalsoonida qofka , fadlan iska ilaalli inaad akhrido buugaagta ay ku qoranyihiin sheekooyinka khiyaaliga ah kuwaas oo kugu reebi kara xasuuso xun xun
5. raadi isbedel joogta ah : addunkan ma jiro qof dhamaystiran oo aan lahayn dhaliil ama ceeb dhamasytirku ilaahay keliya ayay u sugnaatay ,haddi lagu dhaliilo ama laguu sheego ceeb aad leedahay tusaale ahaa ku degdega go’aamada waxa kugu waajiba inaad bedesho hab dhaqankaa kana takhlustid .tanna waxay ka qayb qaadata hormarka qofka,markasta oo aad isku aragto dhaliil isku day inaad si dhakhso ah u baabiisid
Mahdsanidin akhristayaal
Sii share gareeya