01/03/2025
War-Saxaafadeed: Hambalyo Ramadaanka 1446
Maanta oo ah maalinta kowaad ee bisha barakaysan ee Ramadaanka 1446 hijriya, Gudoomiyaha Ururka Ardayda Dugsiga Sheikh Haamid Secondary School, Mudane Muumin Maxamed Xasan, ayaa u diraya shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, hambalyo diiran oo ku saabsan bilowga bisha Ramadaan.
Mudane Muumin Maxamed Xasan waxa uu hambalyo gaar ah u dirayaa bahda Dugsiga Sheikh Haamid, oo ay ku jiraan ardayda, macallimiinta iyo maamulka dugsiga, isagoo ku boorinaya in ay ka faa'ideystaan fursadda Ramadaanka si ay u xoojiyaan cibaadada, akhlaaqda, iyo waxbarashada.
Gudoomiyaha Ururka Ardayda, Mudane Muumin Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale xusuusinaya dhammaan ardayda maamulka iyo macalimiinta iyo bulshada in Ramadaanku uu yahay waqti mudan in laga faaideysto kheyrkiisa iyo in laga shaqeyo midnimada bulshada. Waxa uu rajeynayaa in dhammaan ardayda ay ku dadaalaan sidii ay u horumarin lahaayeen naftooda iyo aqoontooda, iyadoo ay sidoo kale la qabsadaan niyad wanaagga iyo sabirka bisha barakaysan.
Mudane Muumin waxa uu Ilaah uga baryayaa in uu Ramadaankan ka dhigo mid barako leh oo ay ku helaan naxariista, sabirka, iyo guusha dhammaan ardayda,maamulka macallimiinta, iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Xafiiska Warfaafinta
Dugsiga Sheikh Haamid Secondary School
Puntland, Soomaaliya.