03/11/2023
Wadadda guusha
Erayo qalbi dajin ah kala soco mar walba insha allah❤🌺🌹
03/11/2023
06/11/2022
Yoolalkaaga meel sare ku laal, hana istaagin ilaa aad halkaas
gaadhid🌻🌺
__ Bo Jackson
06/11/2022
هزاع البلوشي - سورة الحجر || ﴿ نَبِّئْ عِبَادِي أَنِّي أَنَا الْغَفُورُ الرَّحِيمُ ﴾ ليصلكم كل ماهو جديد تابعونا على الحسابات التالية:( تويتر )https://mobile.twitter.com/abdllhfrhan( انستقرام )https://instagram.com/abdllhfrhan?igshid=1rodinjf...
06/11/2022
۞ وَسَارِعُوٓاْ إِلَىٰ مَغْفِرَةٍۢ مِّن رَّبِّكُمْ وَجَنَّةٍ عَرْضُهَا ٱلسَّمَٰوَٰتُ وَٱلْأَرْضُ أُعِدَّتْ لِلْمُتَّقِينَ (آل عمران - 133)
"U dheerreeya dambi dhaaf ka ahaaday xagga Rabbigiin iyo janno ballaceedu le,eg yahay cirarka iyo dhulka , taas oo loo diyaariyay kuwa illahay ka baqda"
Degdega waayo; waadku cidna ma sugayo. Barri ayaa aan toobad keenayaa , barri ayaa aan samaysan barnaamij akhris, barri ayaa aan hagaajinayaa habka aan wax u cuno. Barri waa aynu gaadhaynaa, balse waxba k**a fulinayno arrimihii maanka ku haynay nolosha miyaa, waxa aynu wada rumaysannahay wadku in uu innaga dheer yahay, waana isla sidii ay aamminsanayeen kuwii daqiiqado ka hor dhintay . Degdega waayo; daqiiqado aad habsaanto ayaa noloshaada oo dhan dib-dhigaya . Sheekaba sheeko ayay keentaa ee sunaabixi ayaa yidhi : "yemen ayaannu ka so baxnay annaga oo u soconna madiina , ammintii aannu so cagadhigannayna waxa la inagu yidhi "rasuulkii alle shan habeen ka hor ayuu xijaabtay " shan habeen oo ay dib -dhaceen ayaa u diiday sharaftii saxaabinimada. Degdega waayo; waxaa suuraggal ah saacad aad dib -dhacdeen in ay idiin baalmariso jannada.
"Dhambaallada Quraanka"
W/Q: Ad'ham Sharqaawi.
W/T: Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye.
Page 9
06/11/2022
{{Anagaa shay walba qadarnay}}
﴿ إنا كل شيء خلقناه بقدر ﴾
Cabsidaada, welwelkaaga , dhibaatadada..
Qalbigaaga ka buuxi yaqiin , xasiloonina ku soco ..
Qadarka "Alle " oo dhan waa khayer🌹
Turjumid
06/11/2022
Mar walba 💟
Nicmadda waxay u baahantahy shukrin ...
Imtixaanka iyo dhibaatadana sabir...
Denbigana wuxuu u bahanyahy ka tawbadkeen....
Qofka shukriya, sabra, tawbadkeena ,
Wuxuu gaaray liibaan🌺🌹
05/11/2022
{{وَقَاسَمَهُمَآ إِنِّى لَكُمَا لَمِنَ ٱلنَّٰصِحِينَ } الأعراف: 21
"Ibliis waxa uu ugu dhaartay labadooda (Aadan iyo xaawo)
Waxa aan idiin ahay mid idiin khayer miiraya"
Aadan iyo xaawa, kuma soo dhicin maankooda qof ayaa magaca illahay ugu dhaaranaya been, balse ibliis ayaa falkaa falay oo uu wax-sheegiisii noqday in uu walxaha ugu bixiyo magacyo qurxoon; si uu u lumiyo . Geedkii xumaanta , ayuu ugu sheegay kii waaritaanka , isla shaqadanna maanta waxa haysa xerta ibliis. Khamrigu waa cabbitaan ruuxi ah , Qaawanaantu waa qurux, xumaantu waa xarrago, gogoldhaafkuna waa furfurnaan iyo fayoqab. Haku dagmin magacyada qurxoon, si kasta oo ay isku dooriyaan.
"Dhambaallada Quraanka"
W/Q: Ad'ham Sharqaawi.
W/T: Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye.
Page 8
04/11/2022
Nin ayaa la weydiiyay"dadka ku xumeeya maxaad uga aargoosan la'dahay?' Markaa ayuu asi oo qoslaya yidhi "haddii uu Ey ku qaniino ma qaniini lahayd?
04/11/2022
Marka hadalo ku xanuujiyo hortaada laga dhaho , hadal Qalbigaada cidhidhi geliya ,
Samee sidaan : , u dulqaado , hadal ha ka dabagayen , iska cafi qofkii ku dhahy , Allahna u bari inuu cafiyo , adigana ku cafiyo
Waxaad helysaa🌹
Allah ayaa Qalbigaaga Qaboojinaya , daganaan gelinaya, hadalkii lagugu dhahyne ku iloowsiinaya , Alle wax ku farxad geliyana wuu ku siin .. intaas iyo ka badan Wuu ku siin
03/11/2022
Wuxuu yiri ibnul Qayim Alla ha u naxariistee: "macaasidu waxay baabiisaa cumrigaaga barakadiisa, iyo risqigaaga barakadiisa, iyo cilmigaaga barakadiisa, iyo camal kaaga barakadiisa, iyo wanaagyadaad samayso barakadooda."
Aljawaab alkaafii 101
U fiirsada.
03/11/2022
{{عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبْدِلَنَا خَيْرًا مِّنْهَآ }} القلم - 32
"Waxa dhab ah , Rabbigayo in uu noogu beddelayo wax ka wanaag badan ayada"
Aayaddan sare , kaga naso xanuun kasta oo ka dhashay fursad kaa ,dayacantay , shaqo walba oo aad wayday, jacayel kasta oo aad kala irdhowdeen iyo saaxiib kasta oo aad u haysatay daacad , balse gadaal kaaga xumaaday . Ilahay , waxa uu kaa qaado xikmad ayuu ka leeyahay , waxa uu kuu daayana waa naxariis xaggiisa ka ahaatay, ee haddii aad fahanto xikmadda mahadnaq, haddii kalena iska adkayso maxaa yeelay; guud ahaan qorshayaashiisu waa wada wanaag haba ku xanuujiyaane.
"Dhambaallada Quraanka"
W/Q: Ad'ham Sharqaawi.
W/T: Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye.
Page 7
02/11/2022
{{وآتاكم من كل ما سألتموه }} ابرهيم :34
"Alle ayaa idin siiyay shay walba oo aad waydiisateen"
Isagu waa Alle oo qofka u yimaadda isga oo baqanaya ammaan buu siiyaa , ka u yimaadda isga oo qalbi jabsan , niyadda ayuu u dhisaa , ka u yimaadda isga oo hiil u baahan waa uu u hiiliyaa, ka u yimaadda isga oo murugaysan waa uu farxadgeliyaa , ka u yimaadda isga oo lunsannaa waa uu hanuuniyaa . Adigu ,xulo wakhtiyada ducada la aqbalo , baahidaadana u bandhigo Alle. Ka kac hurdada habeenka qaybtiisa dambe oo isga bari, ducadana ku dedaal oo ha quusan. Eebbahaa ku kalsonoow waayo ; gacmo loo taagay xaggiisa ma soo celiyo ayaga oo madhan . Intaas oo dhan ka horna , noqo xalaal miirad, xadiiskuna waxa uu leeyahay : " HAGAAJI HUNGURIGAAGA , WAXA AAD NOQONAYSAA MID LA AQBALO DUCDIISA E."
"Dhambaallada Quraanka"
W/Q: Ad'ham Sharqaawi.
W/T: Cabdulxakiim Muxammad Obsiiye.
Page 6
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Website
Address
Garoowe