20/09/2026
HANKAAB SCHOLARSHIP | EAU-GAROWE
20/09/2026
Jaamacadda Bariga Africa – Garowe (EAU-Garowe) ayaa maanta qabatay Imtixaanka Hankaab Scholarship, oo ah deeq waxbarasho loogu talagalay ardayda dugsiyada sare ee leh aqoon, karti iyo himilo waxbarasho.
Madaxweynaha Ururka Ardeyda JBA-GAROWE, Mudane Abdulqadir Hasan Qarandoon , ayaa bogaadiyey dadaalka Jaamacadda, isagoo hambalyo iyo dhiirrigelin u diray dhammaan ardaydii ka qaybqaadatay imtixaanka.
Ururka Ardeyda JBA-GAROWE waxay ku bogaadinaysaa EAU-Garowe dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo waxbarashada iyo dhiirrigelinta jiilka aqoonta leh.
DHAMMAAD
_____________
EAUSDO OFFICE
E-mail: [email protected]
Garowe -Puntland Somalia