معهد الحافظ الذهبي جربهاري

معهد الحافظ الذهبي جربهاري

Share

Waa Boogga Rasmiga ah Ee Machadka Xaafid Al-dahabi Ee Degmada Garbahaarreey Caasimadda Gobalka Gedo

Photos from ‎معهد الحافظ الذهبي جربهاري‎'s post 19/05/2026

🎓🎓🎓Hanbalyo Hanbalyo Hanbalyo waxaan halkaan ooga hanbalyaynaynaa Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim oo ka qalin jabiyay, 🎓🎓🎓 heerka 1aad ee Jamaacadda ee dalka 🇸🇦المملكة العربية السعودية Waxaan leenahay ilaahay SWT hakaa yeelo kii anfaco Diinta, Dadka iyo Dalkaba .

F.G Cabdiqaadir Maxamed Ibraahim waxa uu kamid ah ardaydii iyo mirihii uu soo saaray, معهد الحافظ الذهبي waxay inoo tahay marka farxad wayn oo lasoo koobi karin

17/05/2026

Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Maalmaha dunida waxa ugu fadli badan maalmaha tobanka ah.”
–Tobanka maalmood ee bisha Dil-Xijjah ugu horreeya.

Fadliga maalmahan waxa ina tusinaya Ilaahay SWT ayaa ku dhaartay. Ilaahay SWT waa weyn-yahay waxa uu ku dhaartayna waa wax agtiisa weyn.

{وَٱلۡفَجۡرِ۝١وَلَیَالٍ عَشۡرࣲ۝٢}
'Waagaan ku dhaartay. Iyo Habeeno (ayaan ku dhaartay) toban ah.'

Culimada tafsiirka badankoodu waxa ay ku fasireen in looga jeedo tobanka maalmood ee u horreeya bisha Dil-Xijjah.

Maalmahan fadliga badan ayaa innagu soo fool-leh waxa aynu u baahannahay inaynu u diyaar garawno oo ka faa'idaysanno Insha Allaah.❤️💐

13/05/2026

waxaa galabta nagu soo booqday machadka xaafidu al-dahabi Sh maxamed maxamuud ( faradheere) isagoo markaasi kula hadlay ardayda daabuurka , runtii waxay ahayd kalmadiisa maanta mid dhinacyo badan taabanayso, allaha inagu anfaco waanadaas qayimka ah.
F.g barnaamijkaan wacyigalinta ah waxa uu noqon doonaa mid sii socon doono ilaahay idankii.

16/04/2026

Maamulaha machadka xaafidu al-dahabi Sh Asad Axmed Ashkir xafidahullah

16/04/2026
12/04/2026

Ogaysiis Ogaysiis 🎤
Waxaa ka dhici doono machadka xaafidu al- dahabi 14/4/2026 maalinta talaadada ah , dood cilmiyeed( depate) oo luuqada carabiga ah kaas oo uu soo qaban qaabiyay gudoomiyaha رابطة الطلاب وخريجي معهد الحافظ الذهبي
Gudoomiye Shucayb Xadde Maxamed.
Dood cilmiyeedkaan waxa uu udhexeeyo afarta fasal ee dugsiga sare iyagoo markaas labo dhinac kala ah.
الفصل الرابع / الأول VS الفصل الثالث / الثاني
~عنوان المسابقة .
تعليم البنين أفضل من تعليم البنات
waxaan rajaynaynaa in ay noqoto dood aad iyo aad xamaasadeeda uwadato kasoo qaybgal wacan .

Mahadsanidiin

11/04/2026

Waa waqti muxaadaro sh maxamed nuur caynab jazaahullah ustaad . Ilaahay haku barakeeyo .

07/04/2026

Alxamdullilah waa galab qurux badan oo ardaydu ay kasoo dareerayaan machadka , wiilashu waxay isku diyaarinayaan salaada maqrib iyagoo markaas ku tukanayo masaajidka .

19/03/2026

CIID WANAAGSAN

Dhammaan umadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidda barakaysan ee Fidriga, anaga oo Alle ka baryayno in uu naga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aynu gudannay bishii Ramadaan.

Munaasabaddan farxadda Ciidul Fidriga waxaan ku boorrinaynaa muwaadiniinta soomaaliyeed meel kastooy joogaan in ay gacan ka geystaan farxad gelinta dadkeenna la tabaaleysan abaaraha.

Ugu danbayntii, Eebbe waxaan ka baryaynaa in uu ciiddan ciiddeeda nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah. Ciid wanaagsan.

عيد مبارك
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

Want your school to be the top-listed School/college in Garbahaarrey?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

3. 329732, 42. 221894
Garbahaarrey