05/08/2026
Caweys wanaagsan 📖📖📖
Enter to learn leave to lead.
05/08/2026
Caweys wanaagsan 📖📖📖
30/06/2026
Hambalyo ummadda soomaaliyeed.
Dalka Illaahay ha inoo nabadeeyo. Sharaftii u lahaa cawaalana Illaahay dib ha usoo celiyo.
"1 da Luuliyoo labo midowdaye"
🇸🇴🇸🇴🇸🇴
17/06/2026
Dufcadii 17 aad ee dugsiga Gogol Primary School
Waxaan u rajeynaynaa guul in ay ka gaaraan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad ee sanadkaan.
Guulaysto guulaystayaal.
16/06/2026
You finally did it👏👏👏
Congratulations to all
13/06/2026
Day one (maalintii 1 aad).
Waxaa saaka noo furmay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8 aad sanad dugsiyeedka 2025 - 2026.
Guul baan idin rajeynaynaa dhammaantiin.
Gogol, the light of knowledge
Empowering all, yes me and you.
10/06/2026
Xaflad sagoontin iyo xil-wareejin is kugu jirto oo ay soo qaban qaabiyeen dufcadii 17 aad ee dugsiga Gogol Primary School ayaa shala ka dhacday dugsiga hoose/dhexe ee Gogol.
Intii ay socotay xafladaan, waxa ay ardayda soo bandhigeen waxqabadkoodii sanadkii ay hogaanka u hayeen dugsiga.
Hogaanka is-maamulka ardayda ee sanad dugsiyeedkii 2025 - 2026 Abdirahman Ahmed Hassan iyo Hodan Mohamud Mohamed ay si wadajir u wareejiyey xilkii hogaanka ardayda. Waxa ayna ku wareejiyeen hogaanka cusub ee ardayda Abdirisack Muhumed Ali iyo Fatumo Aden Hashi.
Ugu dambayn, is-maamulkii h**e ee ardayda ayaa hadiyado gudoonsiiyey dhammaan macalliminta dugsiga Gogol. Waxa ayna uga mahadceliyeen garab istaagii iyo juhdigii ay galiyeen mudadii ay ku jireen safarkooda waxbarashada. Sidookale, waxa ay si gaar ugu mahadceliyeen Ali Ziyech oo ahaa shakhsi garabkooda taagnaa waqti walbo.
Waxa aan u rajeynaynaa in ay guul ka gaaraan imtixaanka k**a dambaysta ah ee fasalka 8 aad
Ali Ziyech wuxuu xirfaddiisa ugu adeegaa bulshada. Wuxuu duubaa xafladaha waxbarashada, shirarka, aroosyada iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee bulshada. Sidoo kale, wuxuu bulshada u soo bandhigaa muuqaallo wacyigelin ah oo dadka ka caawiya inay helaan aqoon iyo warar muhiim ah.
Dad badan ayaa ku dayda dadaalkiisa, maadaama uu muujiyay in ardaygu marka uu waxbarasho iyo xirfadda isku daro uu gaari karo guul weyn. Ali Ahmed Mahamed wuxuu caddeeyay in xirfaddu tahay furaha horumarka qofka iyo bulshada.
Bahda Gogol Primary School waxa ay si wadajir oga mahadcelinayaan sida wanaaagsan ee uu oga qeyb qaato hormarka dugsiga.
Waad mahadsantahay in badan gacan dahabka degmada.
09/06/2026
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego
Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni
Mahadsanid 📷Ali Ziyech
21/05/2026
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
:قال الله تعالى
(كُلُّ نَفْسٍ ذَائِقَةُ الْمَوْتِ)
“Naft walba geeri way dhadhaminaysaa.”
Sidoo kale Alle SWT wuxuu yiri.
﴿وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ﴾
“U bishaaree kuwa samra, kuwa marka musiibo ku dhacdo yiraahda: Innalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.”
Nabigeenna Muxamed (NNKH) wuxuu yiri:
“Qofka mu’minka ah dhib kasta oo ku dhacda, Alle dambigiisa ayuu kaga dhaafaa.”
Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhammaan dadka uu ka baxay marxuum Soomow, oo si xaqdarro ah loogu dilay degmada Baled Xaawo.
Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa walaashiis oo ah ardayad ka tirsan iskuulkeenna, fasalka 8-aad, Maryan Mohamed Bare. Waxaan Alle uga baryeynaa inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeed.
Marxuum Soomow waxaan Alle uga baryeynaa:
Inuu janatul firdowsa ka waraabiyo.
Qabrigiisana u waasiciyo, dambigiisana dhaafo, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin.
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |