Amiir Nor Secondary School

Amiir Nor Secondary School

Share

Amiir Nor Secondary School waa iskuulka ugu fiican gayiga soomalida, ee wax lagu barto.

03/12/2025

Hal-ku-dhigeennu waa in aan bixino waxbarasho tayo sare leh.

"Our motto is to deliver high quality education"

26/11/2025

انا لله وانا اليه راجعون
- «اللهمّ! اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه، وأكرم نزله، ووسع مدخله واغسله بالماء والثّلج والبرد، ونقه من الخطايا كما نقيت الثّوب الأبيض من الدّنس، وأبدله دارًا خيرًا من داره. وأهلًا خيرًا من أهله وزوجًا خيرًا من زوجه، وأدخله الجنة
وأعذه من عذاب القبر (أو من عذاب النّار)»
ALLAHA u naxariisto Sharmaake Siciid Cabdiraxmaan. Oo ahaa Arday dhigto Fasalka 11aad (form 3),
Waxaan tacsi u dirayaa Dhammaan Ehelkii uu ka baxay Sharmaake oo ay ugu horeyso Hooyo Sahro Mohamed Hashi iyo Aabo Siciid Cabdiraxmaan Cabdille iyo Macalimiintii, Ardaydii iyo Saaxiibadiisa kale. Dhammaantood Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,

Sharmaake Allaha Qabriga u waasiciyo kitaabkiisana midigta Allaha ka siiyo
Aamiin🤲

Photos from Amiir Nor Secondary School's post 22/11/2025

HAMBALYO IYO BOGAADIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED EE KU ASTEEYSAN 21 NOVEMBER

Maanta waa maalin aad u qiima badan, waa maalin ay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u dabaal dagaan una mahad noqaan Macallimiinta iftiimiyay jidadka aqoonta iyo jiheenta waxbarashada, gacan weeyna ka geestay barbaarinta iyo hanuuninta ardayda.
21 NOVEMBER ee sanad walba waa maalin u gaar ah halgamaa kasta oo qalinka iyo afka ku hagay jiilalka mustaqbalka.
Mahadsanid Macalin meel kasta oo aad joogto...
Hal ku dhigeena macallinka ee maanta waa..
"Anigu Bare ayan ahay
Bare dhab ah ayan ahay
Bulshada toosiyaan ahay
Kan baraarugshaan ahay
Bidhaan lagu daydan ahay.."
Abwan Siraad Nuure (AUN)

19/11/2025

Waxaa ino soo idlaaday tartan aqooneed aad loogu xifaaltamay oo u dhaxayeeyay fasallada dugsiga. Kaas oo ardaydu kusoo bandhigayeen aqoontooda waxbarasho iyo hal-abuurkooda, qeybo ka mid ah Maadooyinka Arts ka iyo kuwa Scientific ga.
Waxaa kamadanbeystii is wajahay labada fasal ee kala ah Form 2 iyo Form 4, halkas oo guusha ku raacday form 2
Waxaan u hambalyaynayaa Fasalka form 2 oo noqday guulaystayaasha tartanka, oo ah fasalkii oogu dhibcaha sareeyey, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa Fasalka form 4 iyo fasallada kale oo muujiyay aqoon iyo dadaal badan.

Hambalyo Hambalyo..........

Photos from Amiir Nor Secondary School's post 15/11/2025

Waxaa sharaf noo ah in aan soo dhawayno martida sharafta leh ee na soo booqatay.

1️⃣ Guddoomiyaha Mu’asasada Safaa ee Dacwada iyo Horumarinta Gobolka Gedo, Sheikh Mohammed Macalin Hassan Ibrahim,
oo ka hadlay “ku dadaalida akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka iyo dhaqankeena suuban.”

2️⃣ Doctor ka Guud ee Gedo Hospital,
Dr. Liiban Abdi Hassan (Dr. Dinix),
oo kula dardaarmay ardayda “inay ka faa’iidaystaan caafimaadkooda iyo dhalinyaranimadooda.”

27/08/2025

بسم الله الرحمن الرحيم.
Taariikh: 27/08/2025.

OGAYSIIS MUHIIM AH.

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Maamulka Dugsiga Sare ee Amir Nur waxa uu ku wargelinayaa dhammaan waalidiinta sharafta leh in dugsigu dib u furmi doono, Insha Allaah, maalinta Isniinta ee 01/09/2025. Waxaana bilaaban doono Sanad Dugsiyeedka Cusub 2025/2026.

Qabashada: Ardayda Cusub...
Dugsigu waxa uu qaadan doonaa arday cusub sanad dugsiyeedkan 2025/2026.
Diiwaangelintu waxay bilaaban doontaa 28/08/2025.

Fadlan ka faa’iidayso fursaddan.

Mahadsanidiin.....

25/08/2025

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii ku guuleysatay imtixanka Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, ee Fasalka 12-aad.
Guushiinu waa mid ku timid dadaal, adkaysi iyo juhdi aad geliseen safarkiinii waxbarasho.

Si gaar ah, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardaydii ka qalin-jabisay Dugsiga Sare ee Amir Nur. Dhibcaha sare ee aad soo bandhigteen waxa ay ka tarjumaysaa dadaalkii, dulqaadkii iyo juhdiga aad ku bixiseen muddadii waxbarashada.

Sidoo kale waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa waalidiinta garab istaagay ubadkooda iyo macallimiintii juhdiga badan ku bixiyey barbaarinta, waxbaridda iyo hanuuninta jiilka cusub. Guushan waa mid wadajir loo horseeday, waana mid ku dayasho mudan.

Hambalyo mar kale! 👏👏👏

14/06/2025

" اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلا وأنت تجعل الحزن إذا شئت سهلا "

Maanta oo Sabti ah taariikhduna ay tahay 14/6/2025, waxaa Imtixaanka Qaranka u fadhiisanayo dhamaan ardayda Fasalka 12aad.

Waxaan Allah (swc) ka baryeynaa Inu u fududeeyo imtixanka dhamaan ardayda Soomaaliyeed, Waxaan si gaar ah ugu duceynaynaa Bahda Amiir Nor Secondary School waxan idin leenahay Rabbi ha idinku sugo jawaabta saxda ah.

Insha Allah wan wada guulaysan doonaa ..

10/06/2025

GABAYGA DULUC REEB”

Gabaygan wuxuu ka tarjumayaa:

✅ Jidkii adkaa ee ay ardaydu soo mareen
✅ Himilada iyo hammiga nolosha
✅ Qiimaha waxbarashada iyo sabirka
✅ Iyo kalsoonida in mustaqbalku yahay mid ifaya haddii la dadaalo

Waxaan kugu dhiirigelinaynaa in aad sii waddo hibadaada suugaaneed, una adeegsatid horumarka bulshada iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.👏

Alle ha kuu barakeeyo fikirkaaga wanaagsan iyo dadaalka aad gelisay. Guul iyo gobannimo baan kuu rajaynaynaa, adiga iyo dhammaan ardayda la qalinjabineysa.🙏✅

09/06/2025

Bismillah
Xalfada sogootinka arday fasalka 12 aad ee sannad dugsiyeedka 2024-2025 ee dusiga Amiir Nor Secondary School Garbahareey Gedo Somalia

Waxaa noo qabsoomay tarikhdu markee aheed 9/6/2025 qodobadan hoos kuxusan

1. xalafda sogootinta ardayda fasalka 12aad oo ay maamulka , macalimiin iyo Marti sharafkii kasoo qeybgasha xalfada ay kuladardarmeen ardayda in ay dadaalan inta yar oo waqtiga kaharsan iyo duca ay uduceeyen in Allah SWC uu ufudideeyo imtixaanka

2. Ardayda ayaa gudoonsiiyay macallimiinta shahaado sharaf 👏✅

Photos from Amiir Nor Secondary School's post 09/06/2025

📅 Taariikhda: Isniin 9 jun 2025
🕘 Waqtiga: 7:00 subaxnimo
📍 Goobta: Amiir Nor Secondary School

🎓 Xafladdii Sagootinta Ardayda Dugsiga Amiir Nuur 🎉

Maanta oo kale waa maalin taariikhi ah oo qalbiyadeena farxad iyo xusuus gaar ah leh — Xafladdii sagootinta ardayda Dugsiga Sare ee Amiir Nuur ee sanad-dugsiyeedkan 2024–2025! 🎉🎓

Muddo sanado ah ayaan kusoo dhax jirnay waxbarasho, dadaal, iyo halgan joogto ah. Waxaan ka gudubnay caqabado badan, waxaana helnay aqoon iyo anshax nagu hagi doona mustaqbalka

📝 Mahadnaq Gaar ah: Waxaan si kal iyo laab ah u mahadnaqaynaa macalimiinta iyo maamulka Dugsiga Amiir Nuur oo gacan weyn ka geystay horumarka ardayda. Aqoon iyo akhlaaq ayaa nalagu koriyay, waxaana noogu haray xasuus aan weligeen naga go'i doonin. Mahadsanidiin macalimiin, waxaad ahayd tiirarkii nolosheenna waxbarasho 🫶🏽 Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida, dulqaadka, iyo hagida aad nala garab istaagteen.

✨ Barnaamijka:

Khudbadaha sagootinta

Abaalmarino & shahaadooyin

Mahadnaqyo & hadiyado

Madadaalo & sawir qaadis

Photos from Gogol Primary School's post 04/06/2025

Gogol Primary School

Want your school to be the top-listed School/college in Garbahaarrey?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Garbahaarrey