Amiir Nor Secondary School

Amiir Nor Secondary School Amiir Nor Secondary School waa iskuulka ugu fiican gayiga soomalida, ee wax lagu barto.

31/08/2026

OGAYSIIS

Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan waalidiinta sharafta leh berri oo ay taariikhdu tahay 1/9/2026 in dib loo furi doono dugsi sare ee AMIIR NUUR.

Dugsi sare ee AMIIR NUUR waxaa uu diyaar oola yahay waalidiinta in ubad kooda uu siiyo waxbarasho Tayo leh iyo tarbiyo wanaagsan sidii horay looga bartay.

Wixii faah-faahin intaa dheer kala xariir lanbarrada hoos ku qoran
+252615158526
+252625158526

Hambalyo..........Waxaa saaka imtixanka shahaadiga ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Fasalka 12aad, usoo idlaad...
25/06/2026

Hambalyo..........Waxaa saaka imtixanka shahaadiga ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Fasalka 12aad, usoo idlaaday Ducfadii 15aad ee Dugsiga. Dadaalkii iyo dhabar adeegii aad muujiseen safarkiinii waxbarasho, Alle ha idin siiyo natijooyin ka sarreeya filashadiinna. Aamiin 🤲🏻

Guul iyo hormar! 🎓🇸🇴

03/12/2025

Hal-ku-dhigeennu waa in aan bixino waxbarasho tayo sare leh.

"Our motto is to deliver high quality education"

انا لله وانا اليه راجعون- «اللهمّ! اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه، وأكرم نزله، ووسع مدخله واغسله بالماء والثّلج والبرد، و...
26/11/2025

انا لله وانا اليه راجعون
- «اللهمّ! اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه، وأكرم نزله، ووسع مدخله واغسله بالماء والثّلج والبرد، ونقه من الخطايا كما نقيت الثّوب الأبيض من الدّنس، وأبدله دارًا خيرًا من داره. وأهلًا خيرًا من أهله وزوجًا خيرًا من زوجه، وأدخله الجنة
وأعذه من عذاب القبر (أو من عذاب النّار)»
ALLAHA u naxariisto Sharmaake Siciid Cabdiraxmaan. Oo ahaa Arday dhigto Fasalka 11aad (form 3),
Waxaan tacsi u dirayaa Dhammaan Ehelkii uu ka baxay Sharmaake oo ay ugu horeyso Hooyo Sahro Mohamed Hashi iyo Aabo Siciid Cabdiraxmaan Cabdille iyo Macalimiintii, Ardaydii iyo Saaxiibadiisa kale. Dhammaantood Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo,

Sharmaake Allaha Qabriga u waasiciyo kitaabkiisana midigta Allaha ka siiyo
Aamiin🤲

HAMBALYO IYO BOGAADIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED EE KU ASTEEYSAN 21 NOVEMBER Maanta waa maal...
22/11/2025

HAMBALYO IYO BOGAADIN KU AADAN MUNAASABADDA MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED EE KU ASTEEYSAN 21 NOVEMBER

Maanta waa maalin aad u qiima badan, waa maalin ay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u dabaal dagaan una mahad noqaan Macallimiinta iftiimiyay jidadka aqoonta iyo jiheenta waxbarashada, gacan weeyna ka geestay barbaarinta iyo hanuuninta ardayda.
21 NOVEMBER ee sanad walba waa maalin u gaar ah halgamaa kasta oo qalinka iyo afka ku hagay jiilalka mustaqbalka.
Mahadsanid Macalin meel kasta oo aad joogto...
Hal ku dhigeena macallinka ee maanta waa..
"Anigu Bare ayan ahay
Bare dhab ah ayan ahay
Bulshada toosiyaan ahay
Kan baraarugshaan ahay
Bidhaan lagu daydan ahay.."
Abwan Siraad Nuure (AUN)

Waxaa ino soo idlaaday tartan aqooneed aad loogu xifaaltamay oo u dhaxayeeyay fasallada dugsiga. Kaas oo  ardaydu kusoo ...
19/11/2025

Waxaa ino soo idlaaday tartan aqooneed aad loogu xifaaltamay oo u dhaxayeeyay fasallada dugsiga. Kaas oo ardaydu kusoo bandhigayeen aqoontooda waxbarasho iyo hal-abuurkooda, qeybo ka mid ah Maadooyinka Arts ka iyo kuwa Scientific ga.
Waxaa kamadanbeystii is wajahay labada fasal ee kala ah Form 2 iyo Form 4, halkas oo guusha ku raacday form 2
Waxaan u hambalyaynayaa Fasalka form 2 oo noqday guulaystayaasha tartanka, oo ah fasalkii oogu dhibcaha sareeyey, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa Fasalka form 4 iyo fasallada kale oo muujiyay aqoon iyo dadaal badan.

Hambalyo Hambalyo..........

Waxaa sharaf noo ah in aan soo dhawayno martida sharafta leh ee na soo booqatay.1️⃣ Guddoomiyaha Mu’asasada Safaa ee Dac...
15/11/2025

Waxaa sharaf noo ah in aan soo dhawayno martida sharafta leh ee na soo booqatay.

1️⃣ Guddoomiyaha Mu’asasada Safaa ee Dacwada iyo Horumarinta Gobolka Gedo, Sheikh Mohammed Macalin Hassan Ibrahim,
oo ka hadlay “ku dadaalida akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka iyo dhaqankeena suuban.”

2️⃣ Doctor ka Guud ee Gedo Hospital,
Dr. Liiban Abdi Hassan (Dr. Dinix),
oo kula dardaarmay ardayda “inay ka faa’iidaystaan caafimaadkooda iyo dhalinyaranimadooda.”

27/08/2025

بسم الله الرحمن الرحيم.
Taariikh: 27/08/2025.

OGAYSIIS MUHIIM AH.

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Maamulka Dugsiga Sare ee Amir Nur waxa uu ku wargelinayaa dhammaan waalidiinta sharafta leh in dugsigu dib u furmi doono, Insha Allaah, maalinta Isniinta ee 01/09/2025. Waxaana bilaaban doono Sanad Dugsiyeedka Cusub 2025/2026.

Qabashada: Ardayda Cusub...
Dugsigu waxa uu qaadan doonaa arday cusub sanad dugsiyeedkan 2025/2026.
Diiwaangelintu waxay bilaaban doontaa 28/08/2025.

Fadlan ka faa’iidayso fursaddan.

Mahadsanidiin.....

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii ku guuleysatay imtixanka Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarash...
25/08/2025

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii ku guuleysatay imtixanka Shahaadiga ah ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, ee Fasalka 12-aad.
Guushiinu waa mid ku timid dadaal, adkaysi iyo juhdi aad geliseen safarkiinii waxbarasho.

Si gaar ah, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ardaydii ka qalin-jabisay Dugsiga Sare ee Amir Nur. Dhibcaha sare ee aad soo bandhigteen waxa ay ka tarjumaysaa dadaalkii, dulqaadkii iyo juhdiga aad ku bixiseen muddadii waxbarashada.

Sidoo kale waxaan mahad gaar ah u jeedinaynaa waalidiinta garab istaagay ubadkooda iyo macallimiintii juhdiga badan ku bixiyey barbaarinta, waxbaridda iyo hanuuninta jiilka cusub. Guushan waa mid wadajir loo horseeday, waana mid ku dayasho mudan.

Hambalyo mar kale! 👏👏👏

" اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلا وأنت تجعل الحزن إذا شئت سهلا "Maanta oo Sabti ah taariikhduna ay tahay 14/6/2025, waxaa...
14/06/2025

" اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلا وأنت تجعل الحزن إذا شئت سهلا "

Maanta oo Sabti ah taariikhduna ay tahay 14/6/2025, waxaa Imtixaanka Qaranka u fadhiisanayo dhamaan ardayda Fasalka 12aad.

Waxaan Allah (swc) ka baryeynaa Inu u fududeeyo imtixanka dhamaan ardayda Soomaaliyeed, Waxaan si gaar ah ugu duceynaynaa Bahda Amiir Nor Secondary School waxan idin leenahay Rabbi ha idinku sugo jawaabta saxda ah.

Insha Allah wan wada guulaysan doonaa ..

Address

Garbahaarrey

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amiir Nor Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category