19/09/2026
๐๐จ๐ฅ๐๐ง๐๐๐ก๐๐ ๐ซ๐๐ฅ๐จ๐ก๐ง๐ 2๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ฃ๐๐๐ฆ๐ ๐ ๐๐ข๐๐ข๐๐๐ ๐ ๐จ๐๐จ๐
Jaamacadda Plasma waxay si rasmi ah u daahfurtay Xarunteedii Labaad ee Gobolka Mudug, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu ballaarinayo adeegyada waxbarasho ee tayada leh ee ay Jaamacaddu u fidiso bulshada.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Galmudug, Mudane Hersi Yusuf Barre, Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdinaasir Cabdulkadir Mareexaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug Mudane Maxamed Cabdullaahi Cali Wardheere, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Mudane Axmed Jaamac Qoodeeye, Guddoomiyaha Jaamacadda Plasma ee Xarunta Mudug, Mudane Maxamed Sheekh Siciid iyo sidoo kale maamulka Jaamacadda, macallimiin, arday iyo marti sharaf kale.
Furitaanka xaruntan cusub wuxuu ka tarjumayaa himilada Jaamacadda Plasma ee ah in la ballaariyo helitaanka waxbarasho tayo leh, lana abuuro jawi aqooneed oo horumariya kartida iyo hibada dhallinyarada. Jaamacaddu waxay ka goโan tahay inay bulshada u soo saarto aqoonyahanno iyo xirfadlayaal door muuqda ka qaata horumarka dalka.
Waxaan si diirran u soo dhowaynaynaa dhammaan ardayda doonaysa inay ku biiraan safarka aqoonta iyo horumarka, si ay uga faaโiidaystaan fursadaha waxbarasho ee ay bixiso Jaamacadda Plasma.
๐ Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir:
61 5010676 / 610707416