Teaching Technology Centre

Teaching Technology Centre

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Teaching Technology Centre, Education, Main Street town, near OSSS at kadhadaha, Gaalkacyo.

15/08/2025
03/07/2025

Inaad wax baratid waxaa kaa xiga moobeelkaaga oo aad si fiican u adeegsatid. Soodhawaada saaxiibayaal.

05/07/2024

Meelaha technology-yadda ee horumarka xooggan ku socdo waxaa ka mid ah:

1. Artificial Intelligence (AI): AI ayaa ku socda horumar xooggan, waxaana lagu isticmaalaa go'aaminta xogta, qalabka caqliga leh, iyo adeegyada digital ah ee la isticmaalo maalin kasta.

2. 5G iyo Isgaarsiinta: Teknolojiyada 5G ayaa ka dhigaysa isku xirnaanta internetka mid aad u degdeg badan oo wax badan laga qaban karo, sida internetka waxyaabaha (IoT), gawaarida iswada, iyo codsiyada AR/VR.

3. Blockchain iyo Cryptocurrencies: Teknolojiyada blockchain ayaa saamayn weyn ku leh ganacsiga, bangiyada, iyo sirdoonka internetka. Cryptocurrencies sida Bitcoin iyo Ethereum ayaa iyaguna si weyn ugu faafaya suuqa caalamiga ah.

4. Qalabka Caafimaadka: Teknolojiyada caafimaadka ayaa si degdeg ah u koraysa, sida qalabka caafimaadka ee smart, daawada ku saleysan AI, iyo robotic surgery.

5. Qalabka Caqliga leh ee Guriga (Smart Home Devices): Qalabka guriga sida smart speakers, smart thermostats, iyo qalabka amniga caqliga leh ayaa aad looga isticmaalaa guryaha casriga ah.

6. Cloud Computing iyo Xogta Weyn (Big Data): Cloud computing iyo xogta weyn ayaa isbeddel ku sameeyay sida xogta loo kaydiyo, loo shaqeeyo, iyo sida loo falanqeeyo, taas oo sare u qaaday awoodda ganacsiyada iyo hay'adaha inay si wax ku ool ah u maareeyaan xogtooda.

Horumarkan teknoolojiyadeed ayaa wax weyn ka beddelay nolosha dadka iyo habka ay u shaqeeyaan ganacsiyada.

01/11/2023

Technology-yaddu waxa ay ku socotaa xawaare aad u sarreeya🤔.

20/04/2023

MUHIIMADDA TECHNOLOGY-ADDA🤖

Assalamu calaykum walalaha aan halkan ku midownay. Maqaaalkaan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay technology-addu u leedahay bulshooyinka aduunka.

Laga soo bilaabo qarnigii 16aad waxa caalamaku ku wajahnaa bilaabida suuq shaqo, si looga gudbo xadaaradii h**e ee ku dhisnayd una badnayd iskaa u xamaalo. Ugu danbayna waxa qarnigii 19aad bilawmay kacaankii warshadaha (industrial revolution) kaas oo socday ilaa iyo dhamaadkii qarnigii 20aad.

Waxa ku xigay world wide web (www), shirkadaha iyo wadamada caalamka ugu horumarsan iyo bulshooyinkooduba waxa ay fahmeen saamaynta ay ku technology-ada oo la horumariyaa ku yeelan karto dhaqaalaha shirkadaha, wadamada iyo guud ahaan caalamka.
●Waxa ay shirkaduhu ogaadeen in ay fududaanayso inay alaabtooda ka gadaan dad fara badan hadii dunidu isku furanto, shirkad waliba waxay samaysatay website ay dunidu ka arki karto waxa ay hayaan.

●Dawladuhu waxay bilaabeen in adeegyada dawliga ah ee markii h**e dadku ay ku qasbanayeen inay xafiisyada safaf ugalaan hadda laga dhigi karo kuwo casri ah(digital) si dadka loogu kaydiyo waqtigooda iyo tamartooda.

●Dhakhaatiirtu waxay fahmeen in bukaanada ay ula tacaali karaan si ka wanaagsan sidii h**e haddii ay helaan system patient- walba lagu kaydiyo xogtiisa si loo siiyo dawooyin sax ah. Sidoo kale waxay arkeen haddii ay kaydiyaan xogaha bukaanada qaba xanuunada qaar ay sii saadaalin karaan inta qof ee uu xanuunkaasi asiibayo si looga hortago, taasoo albaabada u furtay in la ikhtiraaco dawooyin iyo talaalo lagula dagaalamayo xanuunadaas.

●Gaadiidka dadwaynsha (Public transportation) sida basaska, tagaasida, tareenada iyo diyaaraduhu waxa caqabad ku ahayd war galinta macaamiishooda waqtiyada ay u baxayaan safarada haddii ay noqon lahayd mid magaalada gudaheeda ah ama mid wadan ka wadan ah, waxay xaliyeen dhibkaas iyaga oo isticmaalaya technology-ada.

●Police-ku waxay arkeen baahida loo qabo xogta lagu kaydiyo Internet-ka(database) oo casri ah, oo lagu kaydiyo dadka danbiyada gaysta si looga hortago danbiyo kale oo dhaca ama loo qabto danbiilaha si aanu dad kale u dhibaatayn. Diwaan kaydinaya danbiilayaasha si aanay dadku ugu dhiiran inay dabi galaan.
Haddii aan idhaahdo tilmaan goob walba oo ay technology-adu saamaysay waxay igu qaadanaysaa buug dhan se, waxaan rajaynayaa inaad fahantahay halkaan u socdo.

Suuqa shaqada ee mustaqbalku waa mid ifaya, waa haddii uu qofku si il dheer u eego halka dhaqaalaha adduunku u jihaysan yahay. Waxyaabaha aan dugsiyada iyo jaamacadaha badankooda lagu dhigin waxa ka mid ah in ardayda la baro sida ay u dooran lahaayeen waxbarasho iyo xirfadaha ugu wanaagsan ee bulshada caalamku u baahan tahay mustaqbalka dhaw iyo midka fog.

●Iyada oo ay halkaa marayso, wadamada dhaca dunida saddexaad, geeska africa siiba wadankeenna hooyo waxaad moodaa in bulshadu aanay ku baraarugsanayn horumarka uu adduunka kale ka gaadhayo technology-adda. Jaamacadaha wadanku malaha qorshe fiican oo ay ka leeyihiin soo saaridda arday u diyaarsan suuqa shaqada iyo waxa ay bulshadu baahida u qabto.

Wixii aad nagu biirin kartid hoos noogu reeb mahadsanid.

10/02/2023

Dhanka dhaqalaha iyo technology-yada waxaa la hadal hayaa shirkada google oo maanta khasaartey 100billion oo doller, kadib markii chatbox kii ay samaynaysey ee Bard Ai uu ku guuldaraystey tijaabadii koobad waxa uuna 90% su'aalihii la waydiiyey uu ka bixiyey jawaabo qaldan taas oo keentey in 9% uu hoos u dhaco qiimaha shirkada.

Bard Ai ayaa ahaa tool-ka la doonayay in uu suuqa kula tartamo chatgbt.

25/10/2022

"Hooyadu markuu baybigii, baadi ka hallaabo
Bam markay tiraahdoo, shamsadu nuurku bixiwaayo".

Eebbe hanaga badbaadsho caradiisa, ciqaabtiisa iyo cadaabkiisaba.

13/10/2022

Qur'aanku waxa uu dadka u qaybshay afar qaybood oo kala duwan. Haddaba adigu qaybtee tahay? Eebbe towfiiqda iyo tubta toosan hana waafajiyo. Waxaa sharraxay Sh. Cabdisalaam Xasan Muuse.

12/10/2022

❤️

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Culinary Team

Attire

Telephone

Website

Address

Main Street Town, Near OSSS At Kadhadaha
Gaalkacyo
123ABC