Elite Academy Galkio Branch

Elite Academy Galkio Branch Languages & Techincal Skills Training Center

05/04/2026

Ogaysiis Muhiim ah (Qiimo Dhimis Balaaran)

Elite Academy Gaalkacyo Waxay munaasabada Maalmaha Eidul-Fidriga awgeed waxaa uu sameeyay Qiimo Dhimis Balaaran ( 50% Big Discount)

Ku dhigo Qiimo Dhimis gaaraysa 50% Dhamaan koorsooyinka Ka baxa Elite Academy Gaalkacyo

1) Journalism ( Saxaafad)
2) Nursing
3) Nutrition
4) Laboratory
5) Pharmacology
6) Computer
7) Graphic design
8) Photography & Vedio Editing
9) English Language
10) Solar system
11) Electricity
12) Mobile Repairing
13) Henna Arts
14) Makeup Arts
15) Tailoring

Diiwaangalinta Waa Lacag la aan (Free)

Fiiro Gaar ah Qiima dhimista Waxay bilaabanaysaa 01/04/2026 waxayna Ku ektahay 10/04/2026

Wixii faahdaahin dheeri ah Kala soo xiriir Tell : 0611337446 ama 0619032997 ama Watsapp 0617198959

.............Boos Shaqo Macalin Computer................Elite Academy Galkacyo Waxa uu Ku wargalinayaa Dhamaan aqoon yah...
31/03/2026

.............Boos Shaqo Macalin Computer................

Elite Academy Galkacyo Waxa uu Ku wargalinayaa Dhamaan aqoon yahanka Ku nool Magaalada Gaalkacyo in uu Machadku qaadan Doono Macalin Computer gaar ahaan Basic Computer

Shuruudaha laga rabo
1) in uu haysto Shahaado Degree (ICT)
2) in uu leeyahay waayo aragnimo 2 sano ugu yaraan

Wixii faahfaahin ah Kala soo xiriir 0619032997

Maamulka sare ee Machadka Xirfadaha Elite Academy ayaa booqasho ku tagey Dugsiga Horizon Primary and Secondary ee magaal...
31/03/2026

Maamulka sare ee Machadka Xirfadaha Elite Academy ayaa booqasho ku tagey Dugsiga Horizon Primary and Secondary ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kulan la yeesheen ardayda, macalimiinta iyo maamulka dugsiga.

Waxay ardayda uga warbixiyeen muhiimadda waxbarashada xirfadeed iyo fursadaha uu bixiyo machadku, iyagoo sidoo kale ballan-qaadyo dhiirrigelin ah u sameeyay ardayda si ay u horumariyaan mustaqbalkooda.

Maamulka Machadka Elite Academy ee magaalada Galkacyo ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Bilaal Adult, halkaa...
28/03/2026

Maamulka Machadka Elite Academy ee magaalada Galkacyo ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Bilaal Adult, halkaas oo ay ardayda kula wadaageen fursadaha waxbarasho ee kala duwan ee uu bixiyo machadku.

Intii ay booqashada socotay, waxay si faahfaahsan uga warbixiyeen xirfadaha iyo koorsooyinka ay ardaydu baran karaan, iyagoo dhiirrigeliyay muhiimadda ay leedahay barashada xirfadaha casriga ah.
Sidoo kale,
maamulka machadku waxay shaaciyeen qiimo dhimis gaaraysa 50%, taas oo ay sheegeen inay tahay fursad kooban oo loogu talagalay ardayda doonaysa inay iska diiwaan geliyaan koorsooyinka kala duwan.

Maamulka Machadka Elite Academy ee Galkacyo iyo Dhuusamareeb ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Adult Galkacy...
26/03/2026

Maamulka Machadka Elite Academy ee Galkacyo iyo Dhuusamareeb ayaa booqasho ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Adult Galkacyo, halkaas oo ay ardayda uga warbixiyeen fursadaha waxbarasho ee xirfadaha kala duwan.

Waxay sidoo kale shaaciyeen qiimo dhimis gaaraysa 50%, taas oo socon doonta muddo kooban.

26/03/2026

Machadka EliteAcademy ayaa si rasmi ah u soo bandhigay qaar ka mid ah ardaydiisa bartay xirfadaha ganacsiga online-ka, kuwaas oo durba gaaray guulo muuqda.

Ardaydan ayaa noqday kuwii ugu horreeyay ee dadaalkooda iyo aqoontooda u beddela natiijo dhab ah, iyagoo soo bandhigay horumar iyo hal-abuur mudan in lagu daydo.
Gaar ahaan.

Ahmed Abdi Nor oo ka mid ah ardaydii qalin-jabisay ayaa guul weyn gaaray, isagoo helay dalabkiisii ugu horreeyay—tallaabo muhiim ah oo muujinaysa in dadaalku miro dhalo

Ogaysiis Muhiim ah (Qiimo Dhimis Balaaran)Elite Academy Gaalkacyo Waxay munaasabada Maalmaha  Eidul-Fidriga awgeed waxaa...
23/03/2026

Ogaysiis Muhiim ah (Qiimo Dhimis Balaaran)

Elite Academy Gaalkacyo Waxay munaasabada Maalmaha Eidul-Fidriga awgeed waxaa uu sameeyay Qiimo Dhimis Balaaran ( 50% Big Discount)

Ku dhigo Qiimo Dhimis gaaraysa 50% Dhamaan koorsooyinka Ka baxa Elite Academy Gaalkacyo

1) Journalism ( Saxaafad)
2) Nursing
3) Nutrition
4) Laboratory
5) Pharmacology
6) Computer
7) Graphic design
8) Photography & Vedio Editing
9) English Language
10) Solar system
11) Electricity
12) Mobile Repairing
13) Henna Arts
14) Makeup Arts
15) Tailoring

Diiwaangalinta Waa Lacag la aan (Free)

Fiiro Gaar ah Qiima dhimista Waxay bilaabanaysaa 23/03/2026 waxayna Ku ektahay 28/03/2026

Wixii faahdaahin dheeri ah Kala soo xiriir Tell : 0611337446 ama 0619032997 ama Watsapp 0617198959

22/03/2026

ardayda dhigata machadka Elite Accdamey galkio ee barta cilmiga Graphic Design ayaa si rasmi ah u soo bandhigay mashruucyadoodii ugu dambeeyay (Final Project). Bandhiggan ayaa ahaa mid muhiim u ah ardayda, maadaama uu yahay qiimeynta ugu dambeysa ee aqoontii iyo xirfaddii ay barteen muddadii waxbarashada.
Ardaydu waxay soo diyaariyeen naqshado kala duwan oo muujinaya hal-abuurkooda, sida:
Logo design
Poster design
Branding projects
Digital illustrations

Maamulka ugu sarreeya ee Machadka Elite Academy (Boqor bashiir boqor ciise) aya hambalyo diirran u diraya dhammaan ummad...
21/03/2026

Maamulka ugu sarreeya ee Machadka Elite Academy (Boqor bashiir boqor ciise) aya hambalyo diirran u diraya dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda ciidda barakaysan awgeed.

Waxaan uu Eebbe uka baryey inuu ciiddaan inagu gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo bashbash, isla markaana uu inaga aqbalo camalkeennii suubanaa.

Ciid Mubaarak dhammaan! 🎉

Maamulka iyo macallimiinta Machadka Elite Academy ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey tababar ku saabsanaa( Blood Group)...
13/03/2026

Maamulka iyo macallimiinta Machadka Elite Academy ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyey tababar ku saabsanaa( Blood Group), kaas oo socday muddo laba maalmood ah. Tababarkan ayaa ahaa mid loogu talagalay in lagu kordhiyo aqoonta iyo xirfadaha ardayda ee ku saabsan fahamka noocyada kala duwan ee dhiigga iyo muhiimadda ay u leeyihiin caafimaadka.
Intii uu tababarku socday, ardayda waxaa la baray noocyada kala duwan ee blood group-yada, sida loo aqoonsado, iyo doorka ay ka ciyaaraan xaaladaha caafimaad gaar ahaan marka la sameynayo dhiig ku shubista.
Ugu dambeyn, maamulka machadka ayaa ardaydii ka qayb gashay tababarka guddoonsiiyey shahaadooyin caddeynaya ka qayb-galkooda tababarka, iyagoo ku bogaadiyey dadaalkooda iyo sida ay uga faa’iideysteen fursaddan waxbarasho.
Tababarkan waxaa bixiyey Macallin Cabdifitaax Macallin Farax, oo ka mid ah macallimiinta Machadka Elite Academy, kaas oo ardayda siiyey aqoon iyo faham ku saabsan mawduuca Blood Group.
Maamulka iyo macallimiinta Machadka Elite Academy ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay sii wadi doonaan qabashada tababaro iyo barnaamijyo waxbarasho oo kor u qaadaya aqoonta iyo xirfadaha ardayda.

Qaar ka mid ah ardayda Scholarship-ka ka faa’iideystay ee dhigta Machadka Elite Academy, kuwaas oo barta xirfadda cilaan...
12/03/2026

Qaar ka mid ah ardayda Scholarship-ka ka faa’iideystay ee dhigta Machadka Elite Academy, kuwaas oo barta xirfadda cilaan-ka (Hena) ayaa saaka u fariistay imtixaanka lagu qiimeynayo aqoontooda iyo xirfaddooda.

Address

Golobal Garden Street
Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Elite Academy Galkio Branch posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share