1da-luuliyo primary and secondary school

1da-luuliyo primary  and secondary school this page for 1st july primary school in Bandiiradley Gal-mudug Somalia

22/09/2026
WARGELIN MUHIIM AHWaxaa la wargelinayaa dhammaan ardayda Dugsiga 1da-luuliyo primary  and secondary school  in dugsigu s...
04/09/2026

WARGELIN MUHIIM AH

Waxaa la wargelinayaa dhammaan ardayda Dugsiga 1da-luuliyo primary and secondary school in dugsigu si rasmi ah dib u furmi doono maalinta Sabtida, taariikhduna ku beegan tahay 5/9/2026.

Sidaas darteed, dhammaan ardayda waa inay waqtigooda ilaashadaan, una soo diyaar garoobaan bilowga sannad-dugsiyeedka cusub.

๐ŸŽ‰ HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO! ๐ŸŽ‰Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga 1da-luuliyo, oo dham...
15/08/2026

๐ŸŽ‰ HAMBALYO, HAMBALYO, HAMBALYO! ๐ŸŽ‰

Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Dugsiga 1da-luuliyo, oo dhammaantood si guul leh ugu wada baasay Imtixaanka Qaranka. ๐Ÿ‘๐ŸŽ“

Waxaan idiin rajaynaynaa guulo ka sii waaweyn, mustaqbal ifaya iyo horumar joogto ah. ๐ŸŒŸ๐Ÿ“š

Hambalyo mar kale, ardayda Soomaaliyeed! ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐ŸŽ“

17/06/2026

Waxaan guul iyo natiijo wanaagsan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Galmudug, gaar ahaan ardayda Dugsiga 1-da Luuliyo, kuwaas oo maanta si guul leh u soo gabagabeeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.

03/05/2026

1da-luuliyo primary and secondary school

Waxaa maantay oo Arboco ah si rasmi ah  inoogu soo gabangaboobey Tartan aqooneedkeennii sannadlaha ahaa ee Aqoon-kaab, k...
29/04/2026

Waxaa maantay oo Arboco ah si rasmi ah inoogu soo gabangaboobey Tartan aqooneedkeennii sannadlaha ahaa ee Aqoon-kaab, kaasi oo ay ku tartamayeen fasallada kala duwan ee Dugsiga
1da-luuliyo primary and secondary school.

Waxaana ugu dambayn isugu soo haray Fasallada
5aad iyo 4aad, waxaana ay guushu raacday fasalka 4aad.
Hambalyo, hambalyo, Hambalyo. ๐ŸŽ‰๐Ÿ‘

๐ŸŽ“๐™‚๐™–๐™—๐™–๐™ง ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™—๐™–๐™ง๐™–๐™ฉ๐™–๐™ฎ ๐™ฌ๐™–๐™– ๐™—๐™ช๐™ก๐™จ๐™๐™ค ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™—๐™–๐™ง๐™–๐™ฉ๐™–๐™ฎ๐ŸŽ“ Waxaa halkaan hambalyo iyo bogaadin ballaaran uga diraynaa ardaydaan dadaalka...
30/03/2026

๐ŸŽ“๐™‚๐™–๐™—๐™–๐™ง ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™—๐™–๐™ง๐™–๐™ฉ๐™–๐™ฎ ๐™ฌ๐™–๐™– ๐™—๐™ช๐™ก๐™จ๐™๐™ค ๐™ฌ๐™–๐™ญ ๐™—๐™–๐™ง๐™–๐™ฉ๐™–๐™ฎ๐ŸŽ“

Waxaa halkaan hambalyo iyo bogaadin ballaaran uga diraynaa ardaydaan dadaalka iyo guusha muujisay, oo ka mid ah ardayda Dugsiga
1-da Luuliyo Bandiiradley, kuwaas oo kala ah:

๐ŸŽ“ ๐‘๐ข๐๐ฐ๐š๐š๐ง ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐‚๐š๐ฅ๐ข
๐ŸŽ“ ๐’๐š๐ฅ๐ฆ๐จ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐š๐ช ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐
๐ŸŽ“ ๐Œ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ข ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ฅ๐ข๐ง ๐ƒ๐ก๐ข๐ข๐Ÿ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐
๐ŸŽ“ ๐…๐š๐ซ๐๐จ๐ฐ๐ฌ๐จ ๐Š๐š๐š๐Ÿ๐ข ๐‚๐š๐›๐๐ข
๐ŸŽ“ ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐๐จ ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ
๐ŸŽ“ ๐‘ญ๐’‚๐’‚๐’…๐’–๐’Ž๐’ ๐‘จ๐’™๐’Ž๐’†๐’… ๐‘บ๐’‚๐’๐’‚๐’‚๐’…

Ardaydaan waxay kaalimaha h**e ka galeen imtixaan ay ku qalin jebinahyeen 63 gabdhood, oo bartay culuumta caafimaadka gaar ahaan kalkaalisanimo, kuwaas oo uu si bilaash ah u baray mahadi haka gaartee Ururka Dhalinyarada ee Hiil.

Waxaan idin leenahay:
Halkaas kasii wada dadaalkiinna iyo hamigiinna waxbarasho.
๐ŸŽ“ Markale hambalyo.

Kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo u dhexeeyey Ardayda Dugsiga Ummadda Saddex-higlo iyo Ardayda Dugsiga 1da-Luuliyo Primar...
12/02/2026

Kulan ciyaareed saaxiibtinimo oo u dhexeeyey Ardayda Dugsiga Ummadda Saddex-higlo iyo Ardayda Dugsiga 1da-Luuliyo Primary and Secondary School ee Bandiiradley ayaa galabtay ka dhacay Magaalada Saddex-higlo.
Ciyaartaas oo ku soo idlaatay:
โ— 1da-Luuliyo Bandiiradley = 3
โ— Ummadda Saddex-higlo = 0

Hambalyo, hambalyo, hambalyo ๐Ÿ‘โšฝ

10/01/2026

Waxaa saakay oo sabti ah inoo billowday imtixaanka dhexe ee Sannad waxbarsheedka 2025-2026, waxaan dhammaan ardayda urajeenaynaa guul inshaa'allaah.

Waxaa saakay oo sabti ah inoo billowday imtixaanka dhexe ee Sannad waxbarsheedka 2025-2026, waxaan dhammaan ardayda uraj...
10/01/2026

Waxaa saakay oo sabti ah inoo billowday imtixaanka dhexe ee Sannad waxbarsheedka 2025-2026, waxaan dhammaan ardayda urajeenaynaa guul inshaa'allaah.

Address

Long Road
Gaalkacyo
252

Telephone

+252615169808

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when 1da-luuliyo primary and secondary school posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to 1da-luuliyo primary and secondary school:

Shortcuts

Share