Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Galkacyo

Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Galkacyo

Share

Dugsigan Farsamada gacantu waa Laba qaybood oo kala ah qayb dugsisare iyo qayb xirfado 9bilood ah.

16/06/2026

OGEYSIIS OGAYSIIS OGAYSIIS

Dhamaan bahda jecel waxbarashada ee joogta Galkacyo, gaar ahaan kuwa daneeya xirfadaha farsamada gacanta, waxaa la ogeysiinayaa in Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag) uu hayo fursad waxbarasho oo bilaash ah.

Tobabarkan waxaa iska kaashanaya:
• Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
• Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
• Hay’adda Windle International Somalia
• Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag)

Xirfadda Labaranayo
Fursadaan waxaa lagu baranayaa maadada Renewable Energy, gaar ahaan Xirfadda Solar-ka (Solar Energy Systems).

Dadka Mudnaanta La Siinayo
Waxaa si gaar ah loo tixgelinayaa:
• Dadka baahiyaha gaarka ah qaba
• Gabdhaha
• Dadka qaxootiga ah
• Dadka laga tirada badan yahay
• Iyo cid kasta oo ka faa’iidaysan karta fursaddan

Shuruudaha Codsadaha laga rabo
Qofka codsanaya waa inuu:
• Leeyahay ugu yaraan waxbarasho dugsi dhexe ama wax u dhigma
• Haystaa aqoonsi rasmi ah
• In da’diisu u dhaxayso 15 ilaa 25 sano
• Inuu awood u leeyahay inuu ka qayb galo waxbarashada wakhti kasta oo loo qorsheeyo

Xilliga Diiwaangelinta
Waxaa la qaadanayaa tiro kooban oo arday ah. Sidaa darteed, dhammaan dadka danaynaya waxaa lagu wargelinayaa inay yimaadaan xarunta Iskuulka Farsamada Gacanta Galkacyo (Gotenbaag).
Saacadaha Diiwaangelinta:
🕣 08:30 subaxnimo – 04:30 galabnimo
Muddada Diiwaangelinta:
📅 04/06/2026 ilaa 18/06/2026
Contact:- 907661676/7793346/7795434

10/05/2026

Maamulka, macallimiinta iyo waalidiinta Dugsiga Farsamada Gacanta Galkacyo Gotenbag ayaa qado sharaf soodhawayn iyo sagootin usameyey Wafdigii qaadayey imtixaanka finalka ee ka yimid wasaarada waxbarashada ee dowlada Masar.
Kulanka oo ka dhacay Beerta Bilan ayaa lagu maamuusay macallimiintii h**e, halka sidoo kale lagu soo dhaweeyey gudiga imtixaanka oo sooxiray imtixankii 07/05/2026 oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada dalka Masar.
Bahda dugsiga gotenbag iyo waalindiinta ayaa si weyn u bogaadiyey doorka muuqada ee Waasarada waxbarashada dalka masar iyo horumarinta waxbarashada ardayda rer puntland, somaliyed.
Sidoo kale waxaa loo mahadceliueu wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland oo sabab u ahayd keenista macalimiintaan.

Photos from Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Galkacyo's post 03/05/2026

Waxaa maanta si rasmi ah looga daahfuray
Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Galkacyo (Galkacyo Technical Secondary School - GTSS)
Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Sanad Dugsiyeedka 2025/2026.
Imtixaankan oo ah dufcaddii labaad ee dugsiga sare, ayaa waxaa ka qaybgalaya arday ku kala takhasusay saddex qaybood oo muhiim ah:
🔹 Beeraha (Agriculture)
🔹 Faarada (Carpentry)
🔹 Korontada (Electrical)
Munaasabadda daahfurka waxaa si rasmi ah u furay:
• Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Ahmed Huruuse
• Wafdi ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Masar
• Duqii h**e ee Galkacyo C/casiis Jaamac Nugal, ahna Guddoomiyaha Board-ka Sare ee Dugsiga
• Maamulaha Dugsiga Farsamada gacanta Mohamud Abdirahman Farah (Kilwe)
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda imtixaanka u fariisatay guul iyo natiijo wanaagsan, iyadoo tani ay tahay tallaabo muhiim ah oo ay ku gaadhayaan mustaqbal ifaya iyo xirfad ay ku horumariyaan naftooda iyo bulshadooda.
🎓 Garsamada Gacantu waa furaha horumarka iyo mustaqbalka ifaya.

Photos from Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Galkacyo's post 11/02/2026

📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Iskuulka Farsamada Gacanta ee Galkacyo (Gotenbaag)
wuxuu ku wargelinayaa Bulshada in koorsooyinkii cusub ay furmeen.
Haddii aad danaynayso barashada xirfad gaar ah,
is-diiwaangelintu waa socotaa hadda.
🎓 Koorsooyinka la bixinayo waxaa ka mid ah:
Computer, Tuubiste, Graphic Design, Cilaansaar iyo Makeup, CCTV Camera, Faarad, Harqaan, Makaanik, Cunto karinta, Decoration, Dab ka Gawaarida, Qaboojinta gawaarida iyo qaboojiyaasha, Aasaaska Xisaabaadka iyo Alxanka.
💡 Xirfaddu waa shaqo abuur.
Waxay kuu noqon kartaa albaab cusub oo aad ku dhisato mustaqbalkaaga.
Ardayda maanta wax baranaysa waxay noqon karaan xirfadlayaal shaqo abuur sameeya berrito.
📌 Ha lumin fursaddan qiimaha leh.
Is-diiwaangeli maanta!
📞 Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
090 7661676/ 090 7173251/7501910/7783346
Mahadsanidiin dhammaan Bulshada jecel Aqoonta iyo Xirfadaha.

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Puntland
Gaalkacyo