مركز الإمام ابن الجزري للإقراء والإجازة بالسند

مركز الإمام ابن الجزري للإقراء والإجازة بالسند

Share

Markazka Al-imaam Ibnu Al-jazari waa markaz lagu barto culumta qur`anka, sida qiraa`atka iyo tajwidka

28/02/2025
10/12/2024

Wargalin
Hadii aad doonaysid inaad noqoto macalin quraanka ka tilmaaman macalimiinta kale saamaynna ku yeesha ardaydiisa waxay mu'asasada alminhaaj faraca mudug kuu diyaarisay Aqoon kororsi balaaran oo lagu kobcinayo xirfadaha macalin quraanka ayna soo jeedinayaan culimo takhasus u leh qiraa'aatka quraanka.
Aqoon kororsigaan ayaa waxaa lagu qaadanayaa casharada kala ah:
1. Caqabadaha ay wajahaan Dugsi Quraanadu iyo sida looga gudbo oo uu soo jeedinayo Sh. Maxamed Khaliif Seed.
2. Habka loo soo saaro Ardayda Xifdisan Quraanka oo uu soo jeedinayo Sh. Maxamed Xasan (Shaadibi)
3. Habka saxda ah ee dhawaqa Xuruufta iyo Sifaatkooda oo uu soo jeedinayo Sh. Cumar Sh. Maxamed M. Axmed.
Aqoon kororsigaan waxaa uu gaar la yahay: fadhiyo Macalimiinta Carabka looga saxayo, Shahaado la aqoonsan yahay, Xiliyo Bareeg ah.
Aqoon kororsigaani waxaa uu bilaabanayaa Galabta Khamiista Bacda Casar 12/12/2024, waxaana lagu qabanayaa Markaska Imaamul jazari oo ku yaala Dabakha Sare ee Masjidka Ramadaan Gaalkacyo.
Jaaniskaan yuusan ku dhaafin oo is diiwaan gali, Barakalahu fikum

02/10/2024

#حفل تكريم وتسليم طلابنا بإجازة قراءة عاصم بن أبي النجود من كلا روايتيه شعبة بن عياش وحفص بن سليمان رحمهم الله جميعا، المعقدّة في مدينة جالكعيو- الصومال، يوم الجمعة الماضية، وأجازهم الفقير إلى عفو ربّه عمر بن محمد بن معلم الحرفي.
Markaska Ibnul Jazari oo Xaflad lagu bixinayo Ijaazada Quraanka u qabtay Dufcaddii 2aad ee Markasku soo saaro.

Xafladdaan oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Culimo, Dhakhaatiir, Ganacsato, Odayaal, Haween, Dhalinyaro iyo Ardayda markaska dhigata.

21/04/2024

#مقتطفات من قراءة سورة الكهف برواية شعبة عن عاصم، للقارئ: شيخ حسن أحمد حسن، حفظه الله ورعاه.

kamida suratu- alkahf/ riyawada shucbah e qira'ada caasim.
Al- qaari'i: sh Xasan axmed xasan

27/08/2023

| Markazka imaamu ibnu Jazari wuxuu Qaadanayaa Arday Cusub fadlan Horay ugaar yuu kaa buuxsamin
jazakumulahu khayr wixi faahfaahin kala xiriir numberkan 90-7233863

24/08/2023

|| Ogaysiis Muhiim ah

waxaa farxad galinaya Markazka Imaam Al jazari ee Qiraa`aadka iyo Ijaazada Magaalada Gaalkacyo inuu Idin kugu Bishaareeyo in la diiwaan galinayo ardayda Cusub ee danaynaysa Xifdinta Qur`anka iyo qaadashada Ijaazada Qira'atka tobanka hoose..
Waxuuna bixin doona markazku qaybaha soo socda:

Qaybta 1aad Tasxiixa iyo Ijaazada
Qaybta 2aad toosinta iyo Sugitaanka Xifdiga

Shuruudda laga Doonayo ardayda rabta Tasxiixa iyo Ijaazada
1) Qofka Doonaya /doonaysa inuu yahay qof akhlaaq iyo dhaqan Wanaagsan
2) inuu yahay qof haysta Caqiidada Manhajka Ahlu Sunna wal Jamaaca
3 ) Inuu yahay qof xifdisan Qur`anka Xifdi sugan oo dhammaystiran
4)inuu ku gudbo Ikhtibaarka darajo sarreysa
5) inuu yahay arday ku soo xaadiraya Xalaqaadka waqtigooda maalin walba
6) hadi xifdiga lagu celiyo muraajaco ahan, Wa inu maalinti kabaxa 2 maqro ugu yaraan.
Shuruudaha laga doonayo Qaybta adkaynta iyo sugitaanka 20 Juz illaa 15 Juz
1)Qofka doonaya /doonaysa qof Akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan
2)Inuu yahay qof haysta Caqiidada Manhajka Ahlu sunna wal jamaaca
3) inuu yahay qof xifdisan Ajzaa`ada aan kor ku soo sheegnay
4) inuu uga gudbo Ikhtibaarka looga qaadayo Darajo Mumtaaz ah
5) inuu soo xaadirayo Xalaqaadka waqtigana ilaalinayo
6) hadi xifdiga lagu celiyo muraajaco ahan, Wa inu maalinti kabaxa Hal maqro ugu yaraan.
Wxii Faahfaahin waxaad kala xiriiri kadhaan Lambarka hoos ku qoran
00252907233863, 00252667233863
Ama booqo Xafiiska Markazka oo ku yaalla dabaqa 1aad ee Masjidka Ramadaan.. Garsoor .Gaalkacyo.
[email protected]
What's up number : +252907233863

Ogaysiiskan waxaa ku saxiixan Maamulaha markazka Sheikh Al muqri Cumar Sh. Maxamed Macalin ...........

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Masjid Ramadaan
Gaalkacyo
252

Opening Hours

Monday 07:00 - 18:00
Tuesday 07:00 - 18:00
Thursday 07:00 - 18:00
Friday 16:00 - 18:00
Saturday 07:00 - 18:00
Sunday 07:00 - 18:00