10/08/2026
Ardayda Dhammeystay Qur’aanka Kariimka, Axkaamta iyo Tajwiidka
Waxaa si qurux badan loo qabtay xafladda ardayda dhammeystay barashada Qur’aanka Kariimka, Axkaamta iyo Tajwiidka taas oo lagu qabtay Markazka Ummu Salama
Xafladdu waxay ahayd munaasabad lagu maamuusayo dadaalka iyo guusha ardayda, laguna dhiirrigelinayo inay sii wadaan barashada iyo ku dhaqanka Kitaabka Alle.
Hambalyo dhammaan ardayda!🤍📖
Alle ha ka dhigo Qur’aanka mid qalbiyadooda iftiimiya, camalkoodana u noqda hanuun iyo barako. Aamiin.