07/07/2020
Alxamdulillaah Dugsiga H\Dhexe iyo Sare ee Bali Busle waxuu hambalyada soo afmeerida imtixaanka shahaadigaa u dirayaa dhammaan ardayda reer Puntland ee maanta ku guulaysatay soo inay dhammeeyaan dugsiyada sare iyo ardayda fasalka 8 aad oo iyaguna ka sii horeeyay
Dhammaantiin waxaan idiin Rajaynaa mustaqbal ifaya iyo horu socosho wanaagsan insho allaah.
Agaasimaha Guuud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u diray dhammaan hawl wadeenadii Imtixamadka Dowlada Puntland.
Waxuu Yirii Agaasimaha Guud" Waxaan si habsami leh ku soo gaba gaboobay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dawlada Puntland sanad dugsiyeedkii 2019 - 2020 dhamaan xarumihii 132."
"Waxaan u mahad celinayaa dhamaan masuuliyiinta wasaarada shaqaalaha imtixaanka kormeerayaashii imtixaanka macalimiintii gudoomiyayaasha 9 Gobol, degmooyinka taliyayaasha qaybaha police Puntland taliyaha ciidanka Police iyo wasaarada Cafimaadka dawlada puntland iyo masuuliyiinta kala duwan ee imtixaanka nagala qayb qaadatay. Waa wada guulaysanay"
"Waxaan si gaara ugu maahad celinayaa madaxweynaha dawlada Puntland oo gacan nagu siiyey qabsoomida imtixaanka" . Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mohamed Cali Faarax Farmayeeri
Puntland waxbarasho Tayo leh oo qiimaynteedu sarayso.