18/07/2022
Ogeysiis, Ogeysiis, Ogeysiis.
Ujeeddo: shaacinta imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dawladda Puntland 2021-2022.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiintaba in berri oo Talaado ah, taariikduna tahay 19ka bisha Luulyo 2022, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee fasalka 8aad ee Puntland saacaddu marka ay tahay 12:00 PM ee duhurnimo.
Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana nambarkan 299 ee shirkadda Golis.
Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa ah ardaydii ugu badnayd oo imtixaan u fariisata sannadkan 2021-2022, tiro ahaanna ka badan sannadkii h**e.
Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.