Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.

Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.

Share

JAMACADDA CAALAMIGA AH EE DAHA, WAA HOWGA TACLIINTA SARE

16/06/2026

Kalmadii gudoomiyaha midowga ardayda ayuub cawil abdi final exam.

Photos from Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.'s post 07/06/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Mudane Ayuub Cawil Cabdi, ayaa ka qaybgalay madal aqooneed ay soo qabanqaabisay Golol Development Research and Consultancy.
Mawduuca madasha ayaa ahaa “Maarowga Maskaxda”, iyadoo diiradda lagu saaray saamaynta ay baraha bulshada ku leeyihiin maskaxda iyo hab-dhaqanka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.
Barnaamijka oo ka qabsoomay Hotel Royal ayaa waxaa soo jeediyey aqoonyahanka Maxamed Shaaxuur, kaas oo si qoto dheer uga hadlay fursadaha iyo caqabadaha ka dhasha isticmaalka baraha bulshada.
Madashu waxay ku qabsoontay jawi deggen, habaysan, isla markaana aqoon-is-weydaarsi hodan ah xambaarsanaa. Waxaana ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ka faa’iidaystay doodaha iyo aragtiyaha lagu falanqeeyey mawduuca.
Ugu dambayn, madashani waxay ahayd mid kor u qaadday wacyiga bulshada isla markaana dhiirrigelisay fahamka saxda ah ee saamaynta baraha bulshada ku leeyihiin caafimaadka maskaxda iyo nolosha bulshada guud ahaan.

06/06/2026

Maamulka jaamacadda Daha International University iyo habhad jaamacadda waxay hambalyo iyo duco hawda u soo marinayaan Ardayda bari subax u fariisanaysa imtixaanka wasaaradda waxbarashad puntland iyo taliinta sare gaar ahaan fasalad sideedadka iyo fasalad for four waxaan u rajaynayaah guul, nasiib wanaagsan iyo buundooyin wanaagsan.

Waxaana illaahay ka rajaynaynaah in ku illaaliyo faham wanaagsan, xasilooni iyo garsho xeel-dheer.

iyo rajo wanaagsan dhammaan ardayda insha allaah.@

Photos from Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.'s post 06/06/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda, Ayyuub Cawil Cabdi, ayaa ka qayb galay kulan muhiim ah oo ay soo agaasintay Daladda Al-Khayriyah. Kulankan waxaa lagu falanqaynayay siyaasadda iyo tilmaamaha ay tahay inuu yeesho siyaasiga dhabta ah.
Guddoomiyuhu waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Daladda Al-Khayriyah qabanqaabada iyo diyaarinta barnaamijkan muhiimka ah ee kor u qaadaya wacyiga siyaasadeed iyo fahamka hoggaaminta wanaagsan. Sidoo kale, waxa uu bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay daladdu ku bixiso horumarinta aqoonta iyo kobcinta doorka dhalinyarada ee bulshada.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay ka faa’iidaystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada lagu soo bandhigay kulanka, si ay uga qayb qaataan dhismaha bulsho aqoon iyo hoggaan suuban leh.

Photos from Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.'s post 31/05/2026

gudoomiyaha midowga Ardada Ayuub Cawil Cabdi ayaa ka qayb galay kulan ay soo qabanqaabisay Waaxda adkaysiga iyo mareynta khatara ee dowlada hoose, kaas oo lagu casuumay wakiillo ka socday ururrada ka hawl gala degmada Gaalkacyo

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed dhexeeya ururrada kale duwan iyo Dowladda Hoose, iyadoo si gaar ah looga hadlay doorka ay ururadu ku leeyihiin Hormarka Bulshada iyagoona si weyn uga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ururada iyo Dowladda Hoose si loo gaaro horumar waara iyo waxqabad weyn.

-DHAMAAD-

26/05/2026

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda DIU, Mudane Ayuub Cawil Cabdi, ayaa si rasmi ah u magacaabay xubnaha Golaha Fulinta ee Midowga Ardayda. Magacaabistan waxay qayb ka tahay dardargelinta howlaha ururka iyo xoojinta wada-shaqaynta ardayda. Waxaan u rajaynaynaa xubnaha cusub guul, hufnaan iyo hoggaan wanaagsan.

Photos from Midowga Ardayda Jamacadda Daha Galkacyo Campus Puntland.'s post 20/05/2026

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta jaamacadda munaasabad kooban oo lagu kala wareegayey xilka Guddoomiyaha Midowga Ardayda. Guddoomiyaha cusub Mudane Ayuub Cawil ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii uu ku wareejiyey Guddoomiyihii h**e Mudane Maxamed Cabdiraxmaan.
Maamulka jaamacadda ayaa munaasabadda ka sheegay in Midowga Ardaydu uu laf-dhabar u yahay horumarka ardayda, ayna muhiim tahay in la ilaaliyo wadajirka, anshaxa iyo horumarka waxbarasho.
Guddoomiyaha cusub ayaa uga mahadceliyey maamulka jaamacadda kalsoonida iyo taageerada ay siiyeen, isagoo sheegay inuu la shaqeyn doono dhammaan ardayda si loo gaaro himilooyinka Midowga Ardayda.

14/05/2026

gudoomiye ku xigeenka cusub midowga ardayda DlU

14/05/2026

gudoomiyaha cusub ee midowga ardayda DlU
ayuub cawil abdi hambalyo

13/05/2026

is diiwaan galinta gudoonka sare ee ardayda
jaamacaddda

Want your school to be the top-listed School/college in Gaalkacyo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Israac
Gaalkacyo
137