19/10/2025
Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Eyl, Mudane Maxamed Xaaji Muuse ayaa ku tagay degsiimada Qarxis ee Degmada Eyl safar shaqo oo uu ugu kuur galayo xaaladda Waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qarxis.
Gudoomiyaha ayaa kulamo la qaatay Maamulka Dugsiga, Guddiga Dugsiga (CEC) iyo bareyaasha Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Qarxis.
Gudoomiyaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Dugsigu ka kooban yahay xilli uu ka socdo imtixaanki billaha ahaa, wuxuuna warbixin ku saabsan xaaladda dugsiga ka dhegaystay Mas’uuliyiinta kor ku xusan .
Ugu dambayn, Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay bahda waxbarashada Degsiimada Qarxis in ay si wadajir ah xoogga u saaraan ka shaqeynta iyo dar dar gelinta waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Qarxis.
Dhammaad.
17/07/2024
Eyl: Anigoo ah Gudoonka Waxbarashada Degmada Eyl Maxamed Xaaji Muuse waxaan ku wareejiyay Dugsiga Sare ee Eyl agab Waxbarasho oo isugu jira Soolar dhammaystiran, Projector iyo Kumbuyuuraro.
Munaasabada wareejinta agabkan waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Degmada Eyl Mudane Faysal Khaliif Wacays, Xoghaya Degmada Eyl Mudane Cabdinaasir Yaasiin Cali , Maamulaha Iskuulka Sare Eyl Maxamed Cabdirisaaq iyo waalidiin.
Maamulka Degmada iyo kan Iskuulka Sare ee Degmada Eyl ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Gudoonka Waxbarashada Gobolka Nugaal, Hay'adda Kaalo Nederland soo gaarsiinta agabka Waxbarasho Dugsiga Sare ee Eyl.
Agabka waxbarashada lagu wareejiyay Dugsiga Sare ee EYL oo isugu jira Soolarka, Projector iyo Kumbuyuutarada ayaa qeyb weyn ka qaadan doona in ardaydu si wanaagsan wax u bartaan.
Dhammaad.
08/06/2023
( بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ )
10/June/2023 Sabti insha allah waxaa ka Bilaaban doona Degmada Eyl iyo guud ahaan Puntland Imtixaanka Shahaadiga ah ee 8aad iyo Form4 ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland, 2022/2023.
Ardayey noqda kuwa kuhawlan sidii aad u noqol lahaydeen jiil aqoon iyo karti kuhubaysan sidaa uga qayb qaadan lahaydeen horumarka deegaankiina iyo dalkaba kasocda.
waxaan allah idin waydiinayaa inaad imtixaanka ka gaartaan darajooyin sare, noqda kuwii faraxgaliya waalidkood, macalinkood iyo wasaaradooda.
17/04/2023
Dhammaan Maamulayaasha Dugsiyada Deg.Eyl waxaan ku wargalinayaa Jadwalka Halkan ka Muuqda ee Muujinaya Taariikhda Lagalayo labada Imtixaan ee Naqliga Iyo Shahaadiga kala ah.
04/04/2023
waxaa dhammaaday dhismihi goobti ardaydu ku quraacan lahayd ee Dugsiga H/Dhexe Daawad.
23/03/2023
Ramadaan Mubarak
Waxaan ugu bishaareynayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Ardayda, Macalimiinta, Maamulayaasha iyo Waalidiinta Degmada Eyl dhalashada bisha Soonqaad.
06/03/2023
labadaas fasal o cusub ee dugsiga H/dhexe Badey, waxaa loo dhisay ardayda banaanka fadhida ee sawirka idiinka muuqda.
06/03/2023
waa dugsiga H/dhexe biyo-cado oo gudoonku ku wareejinayo bugaagti manhajka ee wasaarada
21/02/2023
labo fasal oo lagu daray dugsiga Badey
21/02/2023
waa labo hool oo laga dhisayo dugsiyada Daawad iyo Badey.
21/02/2023
Waa dugsiga Daawad iyo xilligi quraacda