👀 👀 👀
Abdulkadir ali hassan
ku soo dhowoow page kayga rasmiga ah fadlan like, and follow my official page
13/01/2024
23/12/2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Oo Kulan Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti
Jabuuti-23-12-2020-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu ka degay Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa halkaa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
Waxaana madaxweynuhu qadar nasosho ah uu ku qaatay qolka gaarka ah ee nasashada, iyadoo looga sii gelbiyey weftiga madaxweynaha dhinaca qasriga madaxtooyada Jabuuti oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Iyadoo ay labada madaxweyne-yeesheen kulan muhiima oo ay kaga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.
Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, mudane Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo ay wehelinayeen labada safiir ee Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada dal, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo mudane Xuseen Cumar Kawaaliye.
Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo.
Wa-bilaahi Tawfiiq
23/12/2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.
23/12/2020
WAR-SAXAAFADEED: 23/12/2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo Baxay Dalka jabuuti
Hargeysa:23/12/2020()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti.
Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal iyo danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Fadlan saar page kan
Abdulkadir ali hassan ku soo dhowoow page kayga rasmiga ah fadlan like, and follow
Like saar fadlan
Abdulkadir ali hassan ku soo dhowoow page kayga rasmiga ah fadlan like, and follow
Fadlan like saar page kan
Abdulkadir ali hassan ku soo dhowoow page kayga rasmiga ah fadlan like, and follow
Fadlan like noo Saar
13/04/2017
Azxapta waa laydin salaamay
Waaan laydin salaamay azxaapta
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Erigavo