23/08/2024
إنا لله وانا إليه راجعون كل نفس ذائقة الموت.
Alle haw naxariisto Sh.Jamaal xaaji Axmed Ducaale oo ku geeriyoodey magaalada ceerigaabo alle haw raxmadee shiikhu waxa uu kamid ahaa culimada foolaadka ah ee gobolka sanaag.
Waxay Maamulka,Barayaasha,Ardayda iyo Dhammaan bahda dugsiga Daarul Bayaan School tacsi u dirayaan ehelka, qaraabada iyo asxaabta, alle janadiisa haka waraabiyee shiikh jamaal gaar ahaan macalmiinta kala ah: Nasrudiin Cabdisamed Ducaale iyo Aasiya Jamaal axmed.
Iyo ardayda Dugsiga Daarul Bayaan ee kala ah: Ducaale jamaal Axmed iyo Amiira Jamaal Axmed,
oo labaduba kamid ah ardayda dugsiga.
Alle haw naxariistee shiikhu waxa uu ahaa shaqsi ku suntan dacwada diinta,kaalmaynta danyarta iyo danta guud ee bulshada.
Alle samir iyo iimaan haka siiyo ehelka iyo Asxaabta uu ka baxayba.