SHaafici Secondary School Erigavo

SHaafici Secondary School Erigavo

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SHaafici Secondary School Erigavo, Education, Street 30, Erigavo.

page kan waxad kala soconkartaa dhaqdhaqaaga dugsiga iimaamu Shaafici Secondary school Erigavo, sida bandhiyada ardaydu samyso xafladaha qalinjebinta,tartamada,iclaamada,duruusta uu bixiyo dugsigu iwm

Photos from SHaafici Secondary School Erigavo's post 13/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
18-may-2026

13/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
Dabaaldega sanadguuradii 35 ee somaliland

Photos from Elsar Media Production's post 13/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo

Photos from SHaafici Secondary School Erigavo's post 13/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
Sanadguuradii 35 ee somaliland

13/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
Munaasabada dabaaldega maalinta gooni isutaaga sanad guuradii 35aad ee somaliland

01/05/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
OGEYSIIS MUHIIM AH
Maamulka Dugsiga Sare ee Shaafici, isaga oo tixraacaya warqadda ka soo baxday Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL ee ku taariikhaysan 30/04/2026, kuna saabsan munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxa uu halkan ku ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo shaqaalaha dugsiga in:
Dugsigu fasax noqon doono maalinta Sabti, 02 May 2026,
Fasaxu waxa uu quseeyaa dhammaan ardayda, macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee dugsiga.
Waxbarashadu waxa ay dib u bilaaban doontaa maalinta Axada, 03/05/2026, sida caadiga ah.
Maamulka dugsigu waxa uu dhammaan macalimiinta,ardayda iyo shaqaalaha kale ee dugsiga u rajaynayaa fasax nabad iyo caafimaad leh.
Mahadsanidiin.

Photos from SHaafici Secondary School Erigavo's post 09/04/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
Maamulka Dugsiga Sare ee Iimaamu Shaafici ayaa qabtay tartan aqooneed dhiirrigelin ah oo loogu talagalay ardayda fasallada 8aad ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee isla Iimaamu Shaafici. Tartankan aqooneed waxa uu ujeedkiisu yahay in kor loo qaado heerka aqoonta ardayda, lana dhiirrigeliyo tartan caafimaad qaba oo waxbarasho. Intii uu socday tartanka, ardaydu waxay muujiyeen dadaal iyo karti sare. Ugu dambayntii, maamulka dugsigu waxa uu abaalmarinno guddoonsiiyay ardaydii ku guulaysatay tartanka, si loogu bogaadiyo waxqabadkooda loona sii xoojiyo dhiirrigelintooda waxbarasho.

22/03/2026

SHaafici Secondary School Erigavo
Wargelin muhiim ah
Maamulka dugsiga sare ee iimamu Shaafici wuxuu ogaysiinayaa dhamaan ardayda dhigata dugsi sare in uu dugsigu Dib u furmayo maalinta beri ah OO ku beegan 23-3-2026 maalin isniin ah sidoo kale xisadihii aanay ardaygu gelin imtixaankooda beri ayuu Dib u bilaabmayaa sidaa daraadeed ardaydu sidaa how ogaadaan
Waad mahadsan tihiin

16/01/2026

SHaafici Secondary School Erigavo Wargelin Muhiim ah. Aniga oo tixraacaya warqadda ku taariikhaysan 15/01/2026 ee ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, taas oo uu u cuskaday Qodobka 63-aad ee Xeerka Shaqaalaha iyo Maalmaha Fasaxa Qaranka, waxaan ku wargelinayaa dhammaan macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta in Shaafici Secondary School uu fasax yahay Maalinta Sabtida, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2026, taas oo ku beegan Habeenkii la dheelmiyay Suubbanaha Nebi Muxamed (NNKH) ee Israa wal-Micraaj, kuna waafaqsan 27 Rajab, 1447 Hijriga.
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabaddan barakaysan ee Nebigeenna suubban (NNKH). Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu inoo barakeeyo maalintan maalinteeda, bishan bisheeda iyo sanadkan sanadkiisa

02/01/2026

SHaafici Secondary School Erigavo Wargelin muhiim ah maamulka dugsiga sare ee iimaamu shaafici wuxuu ku wargelinyaa waalidiinta ay ardaydoodu dhigtaan dugsiga in beri OO ku beegaan Sabti 03-01-2026 uu dugsigu Dib u furmi doono islamarkaana xiisaduhu bilaabi doonaan sidaa daraadeed ardayda waxa lagu wargelinyaa inuu inuu dugsigu furmi doono beri insha allah Allah Mahad leh

31/10/2025

Wargelin muhiim ah. waxa lagu wargelinayaa dhamaan ardayda iyo macalimiinta dugsiga sare ee SHaafici Secondary in maalinta beri ah uu dugsigu fasax yahay roob doonta awgeed.

Want your school to be the top-listed School/college in Erigavo?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Street 30
Erigavo
0252