10/08/2026
Ardayda Kulliyadda Arrimaha Bulshada iyo Sharciga, gaar ahaan Waaxda Public Administration (Maamulka Guud) ee Jaamacadda Gollis Erigavo, ayaa maanta booqasho waxbarasho iyo xog ururin ku tagay deegaanka Karin, Gobolka Sanaag.
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in ardaydu si toos ah ugu kuurgalaan hababka maamulka guud, adeegyada bulshada, iyo caqabadaha ka jira deegaanka, si ay aqoonta ay fasalka ku bartaan ugu dabaqaan xaaladaha dhabta ah ee bulshada.
Jaamacadda Gollis waxay sii waddaa inay kobciso waxbarasho ku salaysan cilmi-baaris, waayo-aragnimo goobeed, iyo adeeg bulsho, iyadoo ardaydeeda u diyaarinaysa hoggaamiyeyaasha iyo maamulayaasha mustaqbalka.
Waxbarasho tayo leh, waayo-aragnimo dhab ah, iyo adeeg bulsho.
08/08/2026
Booqasho Waxbarasho oo ay Ardayda Human Resource Management ku tageen Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqagelinta iyo Qoyska Ceerigaabo.
Ardayda Kulliyadda MSECO, gaar ahaan waaxda Human Resource Management ee Jaamacadda Gollis – Erigavo, ayaa booqasho waxbarasho ku tagay Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Shaqagelinta iyo Qoyska ee magaalada Ceerigaabo, iyagoo si gaar ah u booqday Waaxda Shaqada (Department of Labour).
Ujeeddada booqashadan ayaa ahayd in ardaydu ay si qoto dheer ugu fahmaan Xeerka Shaqaalaha, xuquuqda iyo waajibaadka shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, habraacyada shaqaalaysiinta, iyo doorka ay Waaxda Shaqadu ku leedahay ilaalinta iyo hirgelinta sharciyada shaqada.
Mas'uuliyiinta Waaxda Shaqada ayaa ardayda siiyey xog iyo casharro wax ku ool ah oo ku saabsan nidaamka shaqada, iyagoo ka jawaabay su'aalihii ay ardaydu qabeen. Booqashadani waxay ahayd fursad muhiim ah oo isku xirtay aqoonta fasalka lagu barto iyo khibradda dhabta ah ee goobaha shaqada, taasoo kor u qaaday fahamka ardayda ee maamulka kheyraadka aadanaha iyo shuruucda shaqada.
28/07/2026
Jaamacadda Gollis – Ceerigaabo
Kulliyadda Arrimaha Bulshada iyo Sharciga (Faculty of Social Science and Law)
Iyadoo la xaqiijinayo doorka Jaamacaddu ku leedahay adeegga bulshada iyo horumarinta bulshada, Waaxda Social Work ayaa ka fulisay deegaanka Kalsheikh ee Degmada Ceerigaabo Qiimayn Baahiyaha Bulshada (Community Needs Assessment) iyo Barnaamij Wacyigelin Bulsho.
Xog ururintan ayaa lagu qiimeeyey baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada, si loo helo xog sax ah oo saldhig u noqon karta qorshaynta iyo hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo waxtar u leh deegaanka.
Sidoo kale, ardayda Waaxda Social Work waxay bulshada u qabteen barnaamij wacyigelin ah oo diiradda lagu saaray iskaashiga bulshada, wadajirka, ka qaybgalka horumarinta deegaanka, iyo xoojinta nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, iyagoo adkeeyey in horumar waara lagu gaadhi karo oo keliya wada shaqayn iyo ka qaybgal bulsho.
Barnaamijkani wuxuu ka tarjumayaa himilada Jaamacadda Gollis ee ah in la isku xidho waxbarashada, cilmi-baarista, iyo adeegga bulshada, si loo soo saaro qalin-jebiyeyaal leh aqoon, xirfad, iyo masuuliyad bulsho.
Waxaan uga mahadcelinaynaa bulshada Kalsheikh soo dhoweyntii diirranayd iyo wada shaqayntii ay la yeesheen ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda.
📚 Gollis University – Knowledge in Action, Service to Society.
28/07/2026
Booqasho Waxbarasho oo ay Ardayda Human Resource Management ku tageen Shirkadda Telesom – Ceerigaabo
Ardayda Waaxda Human Resource Management ee Jaamacadda Gollis – Erigavo Campus ayaa booqasho waxbarasho (Educational Visit) ku tagay Shirkadda Telesom ee magaalada Ceerigaabo.
Booqashadan ayaa ahayd qayb ka mid ah barnaamijka waxbarashada ee isku xidha aqoonta fasalka iyo khibradda goobta shaqada. Intii ay booqashadu socotay, ardaydu waxay fursad u heleen inay bartaan qaabka maamulka kheyraadka aadanaha (Human Resource Management), adeegyada shirkadda, hababka shaqaalaysiinta, horumarinta shaqaalaha, iyo sida Telesom u maamusho hawlaheeda si hufan.
Masuuliyiinta Telesom ayaa ardayda la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan maamulka casriga ah, adeegga macaamiisha, anshaxa shaqada, iyo fursadaha shaqo ee ka jira qaybta isgaarsiinta.
Jaamacadda Gollis waxay sii waddaa dhiirrigelinta booqashooyinka waxbarasho si ay ardaydu u helaan khibrad wax ku ool ah, una xoojiyaan xirfadahooda iyo diyaar garowgooda suuqa shaqada.
25/07/2026
Ardayda Waaxda Human Resource Management ee Jaamacadda Gollis – Erigavo ayaa booqasho waxbarasho (Educational Visit) ku tagay Hay'adda Shaqaalaha Rayidka (Civil Service Commission).
Booqashadan ayaa ahayd qayb ka mid ah isku xidhka waxbarashada iyo waayo-aragnimada shaqo, iyadoo ardaydu fursad u heleen inay si dhow uga bartaan nidaamka maamulka shaqaalaha dawladda, hababka shaqaalaysiinta, horumarinta shaqaalaha, iyo doorka ay Hay'adda Shaqaalaha Rayidku ku leedahay dhismaha iyo tayeynta adeegga shacabka.
Intii ay booqashadu socotay, masuuliyiinta Hay'adda Shaqaalaha Rayidka ayaa ardayda la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan maamulka kheyraadka aadanaha (Human Resource Management), anshaxa shaqada, iyo fursadaha shaqo ee adeegga rayidka.
Jaamacadda Gollis waxay si joogto ah u dhiirrigelisaa booqashooyinka waxbarasho si ay ardaydu ugu xirmaan deegaanka shaqada, una kobciyaan aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo.
25/07/2026
Jaamacadda Gollis – Xarunta Ceerigaabo
Jaamacadda Gollis – Xarunta Ceerigaabo ayaa u qabatay ardayda Waaxda Computer-ka tababar ku saabsan Qorista CV-ga (Curriculum Vitae) iyo Xirfadaha Wareysiga Shaqada (Job Interview Skills).
Tababarkan ayaa lagu xoojiyay aqoonta iyo xirfadaha ardayda ee la xiriira diyaarinta CV xirfad leh, fahamka habraacyada wareysiyada shaqada, iyo horumarinta xirfadaha lagama maarmaanka u ah guusha suuqa shaqada.
Jaamacadda Gollis waxay sii waddaa dadaalladeeda ay ku horumarinayso tayada waxbarashada iyo kobcinta xirfadaha ardayda, si ay u noqdaan qalin-jebiyeyaal u diyaarsan fursadaha shaqo iyo hoggaaminta mustaqbalka.
20/07/2026
Ardayda Kulliyadda Caafimadka Qaybta Shaybaadhka (Medical Laboratory) oo Galay Imtixaan Gacan Ka Qabasho ah (OSCE EXAM)
Ardayda kulliyadda Caafimadka qaybta shaybaadhka ee Jamacadda Gollis ee kujira kalka lixaad (Semester Six) ayaa waxay galeen imtixaan gacan ka qabasho ah (OSCE) oo kusaabsan habraacyada shaybaadhka (Practical procedures) ee ay kuso dhigteen kalkii shanaad (Semester Five).
Imtixaanka ayaa kusoo dhamaaday si guul leh, Waxana Maamulka Kulliyadda Caafimaadka iyo macalimiintii ku hawlanaa imtixaankan u rajaynayaan ardayda guul.