12/03/2026
Kulanka 4aad ee Tartanka Aqooneedka dugsiyada magaalada Mareergur
Waxaa si xiiso leh u qabsoomay kulankii 4aad ee tartanka aqooneedka dugsiyada ku yaalla magaalada Mareergur, kaas oo dhex maray Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Gaheyr iyo Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee jalaludiin.
Kulankan oo ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana ay ka muuqatay tartan aqooneed oo heer sare ah, ayaa ugu dambeyn waxaa guusha ku raacday Dugsiga Jalaalu Diin, iyagoo 17โ6 kaga badiyay Dugsiga Gaheyr.
Tartankan aqooneed wuxuu door weyn ka qaadanayaa dhiirrigelinta ardayda, kor u qaadista aqoonta, iyo xoojinta isdhexgalka dugsiyada magaalada Mareergur.
09/03/2026
๐ Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Maamulka iyo macalimiinta School GaHeYR Waxay hambalyo u diraynaa ardayda Gaheyr primary and secondary school oo guul ka gaaray kulankii labaad ee tartankan, iyagoo 12-11 kaga adkaaday dhiggooda School jalaludiin.
Tartankan wuxuu astaan u yahay kor u qaadidda aqoonta, dhiirrigelinta tartanka caafimaadka qaba, iyo xoojinta midnimada ardayda iyo dugsiyada ku sugan magaalada Mareergur.
08/03/2026
Waxaan aad ugu faraxsannahay ka qeybgalka tartan aqooneedka. oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Mareergur. Tartankan waxa uu ujeedkiisu yahay isdhexgalka ardayda, xoojinta wada shaqeynta dugsiyada, iyo horumarinta waxbarashada deegaanka.
๐ Hambalyo!Maamulka iyo macalimiinta School GaHeYR Waxay hambalyo u diraynaa ardayda Gaheyr Primary and Secondary School oo guul ka gaaray kulankii kobaad ee tartankan, iyagoo 7-5 kaga adkaaday dhiggooda Mareergur School.
Tartankan wuxuu astaan u yahay kor u qaadidda aqoonta, dhiirrigelinta tartanka caafimaadka qaba, iyo xoojinta midnimada ardayda iyo dugsiyada ku sugan magaalada Mareergur.
18/02/2026
Waxaan ugu hambalyayneynaa umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda muslimiinta meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Allah waxaan ka baryeynaa in uu naga dhigo kuwii ka faa'iideysta fadliga bishan barakeysan.
15/01/2026
Khamiis , 15/01/2026,
waxaa si nabad ah noogu soo gebagaboobey imtixaanka dhaxe(middle exam)ee Sanad-dugsiyeedka 2025-2026,
Natiijo wax ku ool ah ayaan u rajeyneynaa dhammaan ardeyda Dugsiga.
10/12/2025
Waxaa maalintii labaad ka qabsoomay dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Gaheyr tartanka aqooneed ee Aqoon-wadaag, waxaana ku loolamay fasalka 8-aad iyo fasalka 6-aad.
Waxey guusha ku raacday 4 dhibcood tartamayaasha fasalka 6-aad.
Hambalyo tartamayaasha fasalka 6-aad!โ
02/12/2025
Isku aadka tartan Aqooneedka "Aqoon wadaag" ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026.
Berrito ayuu si rasmi ah inoogu bilaaban doonaa I.a.
Fasalka form 2 vs Fasalka Form 1.
Ujeedada Tartanka
In la kobciyo aqoonta iyo hufnaanta ardayda
In fasalladu yeeshaan wada-shaqeyn, is-xilqaam, iyo xafiiltan wanaagsan
In la dhiirrigeliyo ardayda leh kartida maskaxeed ee degdegga ah
In la abuuro jawi farxad, barasho iyo tartan caafimaad
22/11/2025
Hambalyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Gaheyr primary and secondary school
15/11/2025
SABTI, 15/11/2025
Waxaa si rasmi ah saaka uga bilowday xarunta dugsiga Gaheyr primary and secondary school imtixaanka shahriyaha (Monthly Exam) ee sanad-dugsiyeedka 2025-2026.
Guul ayaan rajaynaynaa dhammaan ardayda saaka imtixaanka u fariisatay