01/01/2026
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxa ay ogeysiineysaa dhammaan gabdhaha soo codsaday Deeqda Waxbarashada Gabdhaha ee heerka 2aad ee Mashruuca Rajokaaba, gaar ahaan kuwa usoo gudbay imtixaanka in imtixaanku ka dhici doono xarumaha hoos ku xusan:
๐น Jubaland
๐ Jaamacadda Kismaayo (Kismayo University)
๐น Koonfur Galbeed (SWS)
๐ Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USS)
๐น Hirshabelle
๐ Plasma University โ Jowhar
๐ Central University โ Beledweyne
๐น Galmudug
๐ Macadka Macallimiinta Galmudug,
kuna yaalla Dugsiga Sare ee Galgaduud โ Dhuusamareeb
๐น Gobolka Banaadir
๐ Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed โ Qeybta KM4
๐ Maalinta: Sabti, 3 Janaayo 2026
โฐ Waqtiga: 2:00 PM (Duhur kadib)
โ๏ธ Nooca Imtixaanka: Qoraal
๐ Luqadda: English
Waxa laga codsanayaa dhammaan gabdhaha imtixaanka galaya in ay soo xaadiraan waqtigooda, isla markaana wataan aqoonsigooda.
Si aad u hubiso in aad usoo gudubtay imtixaanka Fadlan booqo mareegta hoose, gali Ciwaankaaga iyo fure-siraadkaaga.
https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Xafiiska warfaafinta iyo xiriirka bulshada
Abdiaziz Wali
Email: [email protected]
23/12/2025
Taariikh: 23/12/2025
Goobta: Degmada Cadaado
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Tababare Xasan Yarrow, oo ka mid ah tababarayaasha Machadka Tababarada Macallimiinta Galmudug, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay Iskuulka Hoose/Dhexe ee Cumar Al-Faaruuq, oo ka mid ah dugsiyada dowliga ah ee Degmada Cadaado.
Masuuliyiintaasi waxay kormeereen macallimiinta, iyagoo fasal-fasal u galay si ay u hubiyaan habsami u socodka casharrada iyo sida macallimiintu u gudbinayaan manhajka waxbarasho.
Kormeerka kaddib, Tababare Xasan ayaa kulan la yeeshay maamulka iskuulka, wuxuuna kala hadlay arrimo la xiriira horumarinta tayada waxbarashada iyo dhiirigelinta macallimiinta.
Machadka Tababarada Macallimiinta Galmudug wuxuu sii wadi doonaa kormeerka joogtada ah iyo tababarada macallimiinta.
DHAMMAAD
Waad mahadsan tihiin.
27/11/2025
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ku wargelinaysaa Gabdhaha Soomaaliyeed Deeq Waxbarasho jaamacadeed Heerka oo 2aad ah. Deeqdaan oo qeybka ah Mashruuca Rajo Kaaba oo ay iska kaashanayaanWWH&TS iyo Bangiga Adduunka, waa fursad waxbarasho sare, oo kor loogu qaadayo karaanka iyo kartida gabdhaha Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka helidda shaqada iyo ka qaybgalka hoggaanka dalka.
Deeqdan waxbarasho oo ay ka faaโideysandoonaan 250 gabdhood, waxaana lagu baran doonaa 15 Takhasus oo si toos ah uga jawaabaya baahiyaha Tacliinta sare ee dalkeenna, gaar ahaan xagga Waxbarashada, Cluumta Deegaanka, Hoggaaminta iyo hal-abuurka kobcinta karaanka bulshada, Tiknoloojiyadda, Sayniska, iyo Culuumta Bulshada. Waxbarashada waxaa fulindoona Jaamacadda Kenyatta oo kaashaneysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Shuruudaha Xulashada iyo Aqbalaadda:
1) Codsaduhu waa inuu noqdaa gabar Muwaadinad Soomaaliyeed oo haysata aqoonsi qaran (Warqad dhalasho, Passport ama NIRA ID).
2) Inay haysato shahaadada heerka kowaad ee jaamacadeed (bachelorโs degree) iyo shahaadada Dugsiga Sare oo ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare DFS.
3) Codsaduhu waa inuu ka gudbo imtixaanka/qiimaynta Afka Ingiriisiga ee ay qaadayso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
4) Codsaduhu waa inuu doorto Takhasus la xariira shahaadadiisa heerka koowaad taas oo celceliska darajada shahaadada aysan ka hoosayn 2.7.
5) Deeqda waxbarasho waxaa la bixin doonaa kaliya marka codsaduhu helo aqbalaadda oggolaanshaha Jaamacadda ee Takhasus ka uu doortay.
6) Codsaduhu waa inuu soo gudbiyo warqad uu ku qeexayo sababta uu u doonayo in la siiyo deeqda waxbarasho, baahida dhaqaale ee codsadaha, yoolalka tacliimeed iyo xirfadeed, iyo saameynta la filayo ee deeqda waxbarasho, ha noqoto horumarka shaqsiyadeed iyo horumarka guud ee Soomaaliya.
7) Deeqdaan waxbarasho waxay u furantahay haweenka ka shaqeeya qaybaha dowladda (Public Sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private Sector).
8 ) Codsade-yaasha ka howlgala qaybaha dowladda, waa inay soo gudbiyaan warqad kasoo baxday xafiiskooda oo taageeraysa codsigooda (recommendation letter) taasoo damaanad qaadaysa islamarkaasna caddeynaysa sida ay uga bixi karaan ugana faaโiidaysan karaa deeqda waxbarasho.
9) Codsade-yaasha ka socda qaybaha gaarka loo leeyahay, waa inay soo gudbiyaan warqad kasoo baxday xafiiskooda oo taageeraysa codsigooda taasoo damaanad qaadaysa islamarkaasna caddeynaysa inay ka bixi karaan kana faaโiidaysan karaa deeqda waxbarasho.
10) Dhamaan warqadaha codsiyadu (Recommendation and intent letters) waa in ay ku qoranyihiin Afka Ingiriisiga.
Codsi gudbintu waxay ku egtahay 6-ka December 2025.
Haddii aad shuruudahan buuxin karto fadlan mareegta kusoo dir codsiga iyo dhamaan documents-ka
https://scholarship.moe.gov.so/auth/signin
DHAMMAAD.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Guud
Abdiaziz Wali
Email:[email protected]
WhatsApp Raja kaaba +252613869714
19/11/2025
Maalinta macallinka Soomaaliyeed.
๐ซ๐๐ฆ๐จ๐จ๐ฆ๐๐ก
Macallin, waalid, bulsho iyo madaxba ma ku baraarugsanahay in ay hal maalin naga xigto Maalinta weyn ee Macallinka Soomaaliyeed ee ku astaysan 21 Nofeembar, 2025.
19/11/2025
Muhiim!!
OGEYSIIS MUHIIM AH โ FURSAD WAXBARASHO OO BILAASH AH
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo kaashaneysa Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, waxay ogeysiinaysaa dhammaan waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed in la billaabay fursad waxbarasho oo lacag-laโaan ah oo lagu baranayo xirfadaha farsamada gacanta iyo mihnadaha muhiimka ah ee dugsiyada sare.
Barnaamijkan waxaa loo qorsheeyay:
โข Ardayda ka baxay dugsiga dhexe, ama
โข Kuwa dhexda kaga tagay dugsiga sare,
si ay u helaan xirfad dhammaystiran oo ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada. Ujeedkiisu waa in la soo saaro xirfadlayaal tayo leh oo kaalin muuqata ka qaata horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada dalka.
DHAMMAAD.
Faafaahinta kala xiriir
Agaasinta warbaahinta iyo xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
Email: [email protected]
06/11/2025
Raโiisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdibarre ayaa maanta daah-furay Deeq waxbarasho oo heerka 2aad ee Jaamacadda ah, taasoo loogu tala galay in ay ka faaโideystaan gabdhaha Soomaaliyeed.
Wixii faahfaahin fadlan kala xiriir
Agaasinka warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Abdiaziz Wali
[email protected]
Facebook.com/moechesomalia
Twitter.com/moechesomalia
25/08/2025
๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฑ๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐๐ก๐ฎ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ซ๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐ข๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐ฆ๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐.
โ
Dufcaddii 1aad ee 2023 waxay imtixaankan kusoo xirteen tababarkii labada sano ee ay qaadanayeen.
โ
Dufcaddii 2aad ee 2024 waxay dhammaysteen sannadkii koowaad, waxayna u gudbi doonaan sannadka labaad.
Imtixaanka waxaa qaaday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale bixin doonta shahaadooyinka rasmiga ah ee macallimiinta dhammeeya tababarka.
Ku dhowaad 800 macallin oo ka kala yimid degmooyinka iyo deegaannada Galmudug ayaa ka qayb qaatay imtixaankan, taas oo muujinaysa dadaalka Wasaaradda Waxbarashada ee tayeynta waxbarashada dalka iyo dhismaha macallimiin aqoon iyo xirfad leh.
26/07/2025
Machadka Tababarka Macallimiinta Galmudug, oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug, ayaa qabtay tababar socday muddo bil ah, kaasoo diiradda lagu saaray xoojinta xirfadaha baridda ee macallimiinta.
Tababarkan ayaa ka dhacay xarunta machadka ee magaalada Dhusamareb, iyadoo ay ka faaโiideysteen 150 macallin oo ka kala yimid dhammaan deegaannada Galmudug, miyiga iyo magaalooyinkaba.
Ujeedada tababarka ayaa ahayd in kor loo qaado tayada iyo aqoonta macallimiinta hadda ka howlgala goobaha waxbarashada, si loo helo jawi waxbarasho tayo leh oo u adeegaya mustaqbalka ardayda Galmudug.
19/07/2025
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ , ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐ฑ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐ข ๐๐๐๐ซ๐ข๐ฒ๐, ๐๐ฒ๐๐ ๐ฑ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฆ๐ฎ๐ง๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐จ-๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐จ๐ฐ๐๐ฒ๐ง ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ๐, ๐๐ก๐๐ฑ๐, ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ .
Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug, ayaa waxaa ka soo qeyb galay ku dhowaad 600 oo macallin oo iskugu jira bareyaal wax ka dhiga dhammaan dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare ee Galmudug, maamulka iyo tababarayaasha Machadka Tababarka Macalimiinta Galmudug, madax ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, senatarro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dhammaan macallimiinta kasoo qeyb galay munaasabadda, isagoo ku amaanay dadaalka iyo duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.