Dhusamareb Primary School

Dhusamareb Primary School

Share

Aqoon iyo Akhlaaq

22/04/2026

Barqo wanaagsan:

Waxaa soo idlaaday tartan aqooneedkii Maalintiisa koowaad kaas oo u dhexeeyey fasalda 7aad iyo 6aad subax waxuuna kusoo dhamaaday 14=14 si barbardhac ah .
Waxaan u rajaynaynaa guul dhamaan ardayda Dugsiga.
Mahadsanidiin

Photos from Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug's post 12/03/2026

Dugsiga hoose iyo dhexe ee Dhusmareb primary waxaan ka maamul ahaan, macalimiin iyo arday ahaanba ku faraxsanahy booqashada masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug iyo partnerka Unicef Somalia .

Waxaan rajo wayn ku qabnaa iyo kalsooniba inaan sii xoojino howlaheena shaqo iyo inaan gaarno hubinta himilada waxbarasho ee wasaarada noo wakiilatay .

Mahadsanidiin

14/01/2026

Dhusamareeb Primary School waxay si rasmi ah u soo gabagabeysay imtixaanka term-ka sanad dugsiyeedka 2025–2026. Mahadcelin dhammaan macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta.

📝 Imtixaanka Ardayda oo Nabad & Guul ku Dhamaaday.

Photos from Dhusamareb Primary School's post 14/01/2026

Waxaa si rasmi ah inoo soo gabagaboobay imtixaanka term-ka ee sanad dugsiyeedka 2025–2026 ee Dhusamareeb Primary School.
🗓 Bilowga imtixaanka: 10/01/2026
🗓 Dhammaadka imtixaanka: 14/01/2026
Sidoo kale, ardayda iyo macallimiinta waxaa lagu wargelinayaa in
🏫 dib loogu soo noqon doono iskuulka: 31/01/2026
Maamulka iskuulka waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta dadaalkooda iyo wada shaqeyntooda intii uu socday imtixaanku.
Maamulka Dhusamareeb Primary School 🏫✨

Photos from Dhusamareb Primary School's post 30/12/2025

BOOQASHO TAARIIKHI AH OO KA DHACDAY DHUUSAMAREEB PRIMARY SCHOOL (EX-SHIMBIRAALE)

Maalintii shalay ahayd waxaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah ku yimid Dhuusamareeb Primary School, oo h**e loogu aqoon jiray Ex-Shimbiraale, Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, haatana ah musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Mudane Saacid oo ka mid ah ardayda h**e ee dugsigan wax ka soo bartay, ayaa booqashadiisu ahayd mid xusuus iyo qiimo gaar ah u leh dugsiga, macallimiinta iyo ardayda, maadaama uu yahay tusaale guul iyo himilo waxbarasho.

Booqashada waxaa sidoo kale ku wehliyay:
Wasiirka Waxbarashada Galmudug, Mudane Mohamed Hashid Dh**e
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Mudane Albashiir Elmi Hussain
Wasiiro kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug
Xubno sare oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada Galmudug

Martida sharafta leh waxaa si diirran u soo dhaweeyay:

Maamulaha Dugsiga, Mudane Shafi’i Cabdisalaan Xuseen
Xoghayaha Dugsiga, Mudane Yoonis Cabdisalaan Xuseen

Booqashadan ayaa ahayd mid taariikhi ah, kuna suntan dhiirrigelin, is-xasuusin horumarineed iyo adkeyn doorka waxbarashada ee dhismaha mustaqbalka dalka.

Mas’uuliyiintii booqashada sameeyay ayaa muujiyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada, iyagoo bogaadiyay dadaalka maamulka iyo macallimiinta dugsiga.
Ugu dambayn, booqashadan waxay noqotay dhiirrigelin weyn oo niyad-dhis ah oo ku wajahan ardayda, kana reebtay raad waara taariikhda Dhuusamareeb Primary School.

25/11/2025

Photos from Dhusamareb Primary School's post 23/11/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka November, ayaa ardayda Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Dhuusamareeb Primary School waxay si heer sare ah u qabteen xafladda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed taas oo ku beegneed 21-ka November. Munaasabaddan waxaa si toos ah u soo qaban-qaabiyay Barlamaanka Ardayda, iyagoo muujiyay kartidooda, hal-abuurkooda iyo qadarin weyn oo ay u hayaan macalimiintooda.

Xafladda oo ahayd mid si habsami leh loo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dugsiga, macalimiinta iyo ardayda.

Ardaydu waxay soo bandhigeen:

Mahadcelin iyo hadallo qiimo leh oo ay u jeediyeen macalimiinta.Guddoonsiin hadiyado astaamo u ahaa mahadnaq.

Heeso iyo gabayo kuwaas oo muujinayay dhaqanka, hiddaha iyo ixtiraamka macalinka Soomaaliyeed.

Munaasabadda intii ay socotay, ardaydu waxay si gaar ah u xuseen kaalinta muhiimka ah ee macalinka uu ku leeyahay dhismaha bulshada, horumarinta aqoonta iyo hagidda jiilka soo koraya. Waxaa sidoo kale ka dhex muuqday farxad, is-fahm iyo kalgacal ka dhexeeya macalimiinta iyo ardayda oo ah tiirka ugu weyn ee waxbarashada tayada leh.

Maamulka Dhuusamareeb Primary School ayaa uga mahadceliyay ardayda dadaalka, ixtiraamka iyo waqtiga ay geliyeen diyaarinta munaasabaddan, iyagoo ku adkeeyay in macalimiintu ay mudan yihiin maalin gaar ah oo lagu maamuuso.

Ugu dambeyntii, xafladda maanta waxay noqotay mid xasuus gaar ah reebtay, isla markaana kor u qaaday xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda iyo macalimiinta. Waxaa la rajeynayaa in sanad walba maalintan lagu xuso si ka sii qurux badan.

Photos from Dhusamareb Primary School's post 21/11/2025

TR: 20/11/2025( Qamiis)
Subax wanaagsan:
Shaalay waxaa dugsiga inoogu qabsoomay xaflada xuska maalinta caruurta aduunka .

Halkaa waxaa lagu dhiiri galyey ardayda horumarinta mustaqbalkooda nololeed.
Waxaa si wayn inoogala qayb qaatay oga mahad celinaynaa Haya,ada Save the children oo kamid taageerayaasha dugsiga .

Waxaa halkaas caruurtu kusoo badhigeen bandhig qurxoon oo iskugu jira ciyaaro kaladuwan iyo qudbado wax ku ool ah.

Mahadsanidiin

Photos from Dhusamareb Primary School's post 08/11/2025

HBN wanaagsan
08/11/2025
Maanaty oo si habsami leh noogu bilawday imtixaankii Bilaha ahaa ee dugsiga Dhusamareb primary school 2025/2026
waxaa nagala soo qayb galay mudane Ahmed mohamed jamac kaas u sameeyey ardayda Dhiirigalin iyo ku dadaalida waxbarashada gaar ahaan ardayda baahiyaha gaar ah qabta.

Ka maamul iyo macalimiin ahaan waxaa masuuliyad iska saarnay inaan ardaydeena horkeeno bulshada kuwooda waxtarka uleh waana sii wadi doonaa insha-allah.

Waxaan u rajeyneynaa ardaydeena guulo taariikhi ah inay garaan sida ugu dhaw uguna fudud i.A .

Mahadsaniddin

Photos from Dhusamareb Primary School's post 05/11/2025

Talaado: 04/11/2025
Kulanka Baaralamaanka ardayda Dugsiga Dhusamareb primary school :

Kalankan uu soo qabanqaabyey maamulka dugsiga iyo gudiga ardayda ayaa looga hadalay qodobo kala duwan sida xalinta khilaafaadka iyo homurinta bilicda dugsiga iyo dhiiri galinta ardayda waxbarshada ka dib dhacsan .

Waxaa xusid mudan in mudane osman xaaji goobdoon qayb muhiim ah ka qaatay howlahaan socda .
Mahadsanidiin

09/10/2025

Welcome Dhusamareb primary school 2025/2026

Want your school to be the top-listed School/college in Dhuusamarreeb?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Dhuusamarreeb