30/05/2026
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug ayaa shaacisay Jadwalka Imtixaan-ka Fasalka 8aad Ee Sannad Dugsiyeed-ka 2025-2026
Imtixaan-ka ayaa bilaaban doona 14/06/2026 waxa uuna ku eg yahay 17/06/2026
Guul ayaan u rajaynaynaa guud ahaan ardayda Imtixaan-ka galaysa si gaar ah arday Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
Aqoonta
Anshaxa
Farta Iyo
Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin
21/05/2026
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
الحمد الله شكر رب العالمين والصلاة والسلام على سيدنا وحبيبنا ونبينا محمد،
Shalay oo taariikhdu ahayd 20/05/2026, waxaa xaflad heerkeedu sarreeyo lagu qabtay Xarunta Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Dayax -Dhuusamareeb.
Xafladdaan oo ujeedkeedu ahayd dhiirragelinta iyo sagootinta ardayda Fasalka 8aad ee qalinjebinaya, isla markaasna gelaya Imtixaanka Final-ka, kuwaas oo ka baxaya Dugsiga Dayax - Dhuusamareeb iyo Bixinta Abaalmarinadda Tartamadii uu Iskuulku qabtay Sannad Dugsiyeed-ka 2025-2026
Waxaa xafladda ka soo qayb galay kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee gobolka Galgaduud Farxaan Xasan Maxamed, Kormeeraha Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Dhuusamareeb Maxamed Sheikh Cabdiwali, Gudoomiye sports-ka Magaalada Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Sheikh Cumar, Waalidiinta, Ardayda, Macalimiinta iyo Maamulka Iskuulka
Xafladdu intii ay socotay ayaa waxaa abaalmarinno la guddoonsiiyay arday kala duwan, kuwaas oo ay ku muteysteen far-wanaag, asluub-wanaag, ilaalinta waqtiga hogaan wanaaga iyo dhammaan hawlaha la xiriira raacidda Xeerarka Iskuulka Dayax Dhuusamareeb
Sidoo kale waxaa la abaal mariyay kooxiihii ku guulaystay tartamadii kala duwanaa ee Iskuulka lagu qabtay
1. Ardayadda ugu farta qurxoon waxaa ku guuleystay Xamdi Shariif Axmed
, Fasalka 7aad B
2. Ardayadda ugu akhlaaqda wanaagsan waxaa ku guuleystay Maryamo Cabdiwali Siyaad,Fasalka 8aad A
3. Ardayadda ugu wanaagsan xagga ilaalinta waqtiga iyo soo-dhaqsashada imaanshaha Iskuulka waxaa ku guuleystay Xusni Cabdi Xaashi, Fasalka 8aad B
4. Hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee tartan-kii kooxaha waxaa ku guulaystay Nasro Faarax Maxamed -- Kooxda DAYAX -- Fasalka 8aad A
5. Hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee tartan-kii Fasalada waxaa ku guulaystay Iqro Shariif Cabdinuur - Fasalka 7aad B
6. Hoggaamiyaha ugu wanaagsan Fasalada waxaa ku guulaystay Maariyo Cabdullaahi Samatar - Fasalka 5aad
7. Ardayada ugu wanaagsan xaga aqoonta waxaa ku guulaystay Nimco Cumar Xasan - Fasalka 7aad B
Maamulka Iskuulka Dayax ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay kooxaha ku guuleystay saddexdii tartan ee lagu qabtay Iskuulka Sannad Dugsiyeed-ka 2025-2026
Tartan-kii kooxaha waxaa ku guulaystay kooxda Wadajir.
Tartan-kii Fasalada waxaa ku guulaystay Fasalka 7aad B.
Tartan-kii Kubadda Cagta waxaa ku guulaystay Fasalka 8aad B.
Waxaan ugu horreyn u mahadcelinaynaa dhammaan barayaasha Iskuulka Dayax, sida hagar la'aanta ah ee ay ugu dadaaleen kobcinta garaadka dhallaanka dhulkooda hooyo.
Waxaan kaloon u mahadnaqaynaa dhammaan waalidiinta iyo Guddiga Iskuulka
Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Dayax- Dhuusamareeb,
Hoyga:
1. Asluub-wanaagga
2. Far-wanaagga iyo
3. Aqoonta
Allaa mahad leh.
MAHADSANIDIIN
12/05/2026
Talaado ________12/05/2026
Waxaa saaka xarunta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb nooga qabsoomay xiritaan-ka tartan aqooneed-ka Fasalada Iskuulka Dayax Dhuusamareeb ee Sannad Dugsiyeed-ka 2025-2026
Waxaan kulan-ka k**a dambaysta ah ( FINAL ) isugu yimid fasalada kala ah Fasalka 8aad A iyo Fasalka 7aad B . Ugu dambayna waxa ay guushu raacday Fasalka 7aad B ( 8aad A 12 Dhibcood VS Fasalka 7aad B 14 Dhibcood ). Xiritaan-ka tartan-ka waxaa goob joog ahaa Madaxa Emis-ka Magaalada Dhuusamareeb ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Axmed Daahir Aadan ,Maamulka, Macalimiinta iyo Qaar ka mid ah Waalidiinta Iskuulka oo ay hogaaminayso gudoomiyaha Gudiga Waalidiinta Iskuulka Dayax Dhuusamareeb Marwo Xafso Caabi Xasan
Tartankaan ayaa ka mid ah tartamada ugu xiisadaha iyo xamaasada badan tartamada lagu qabto Iskuulka Dayax Dhuusamareeb
Guud ahaa ardayda Iskuulka Dayax Dhuusamareeb waxaan u rajaynaynaa guulo iyo dadaal Waxbarashado oo dheeri ah
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
Aqoonta
Anshaxa
Farta iyo
Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin
26/04/2026
Axad ___________________26/04/2026
Maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiinta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb . Waxa ay halkaan hambalyo uga dirayaan 10-ka arday ee galay kaalimaha ugu sarreeya Imtixaanka Bilaha 2aad ( Monthly Exam- 2 ) ee Sannad-dugsiyeedka 2025-2026.
Waxaan u rajaynaynaa guud ahaan ardayda guulo iyo dadaal waxbarasho oo dheeri ah.
Bulshooy Ballanteennu waa arday ka dhisan:
: Aqoonta
: Anshaxa
: Farta iyo
: Qiyam-ka qofeed
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Mahadsanidiin
24/04/2026
Jumco ___________24/04/2026
Xoghayaha Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb Cadnaan Maxamed Salaad ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ardaydii ka qalin jabiyay Iskuulka Dayax Dhuusamareeb . Kulan-ka ayaa ka dhacay xarunta Cusub Ee Iskuulka. Kulan-ka ayaa ahaa mid lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Iskuulka iyo ardaydii h**e isla markaana lagu falaanqaynaayay hormar ay gaareen ardayda iyo Iskuulka sidoo kale waxaa kulan-ka looga hadlay doorka ay ardaydu ka qaadan karaan taageridda jiilka cusub ee waxbaranaaya iyo ka qayb qaadashadda hormarinta Iskuulka
Ugu dambayn Xoghayaha Iskuulka ayaa ardayda ku bogaadiyay dadaalkooda ,
Wadajirkooda ,wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay sii wadaan Waxbarashada iyo hormarka isla markaana ay noqdaan tusaale Wanaagsan oo bulshada u horseeda iftiin iyo hormar
DUGSIGA HOOSE, DHEXE EE DAYAX DHUUSAMAREEB
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
Aqoonta
Anshaxa
Farta iyo
Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin
03/03/2026
Talaado __________03/03/2026
Tartan-ka Far Qurxinta Ee Iskuulka Dayax Dhuusamareeb 2025- 2026
Saaka oo Talaado ah Taariikhduna tahay 03/03/2026 . Waxaana xarunta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb noogu qabsoomay Tartan-ka Far Qurxinta kaas oo loo qabto guud ahaan ardayda Iskuulka Dayax Dhuusamareeb waxaana la qabtaa sannad dugsiyeed kasta . Ujeedada tartankaan ayaa ah in sarre loo qaado tayada arday. Waxaan guud ahaan ardayda Iskuulka Dayax Dhuusamareeb u rajaynaynaa guulo iyo dadaal dheeri ah
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
Aqoonta
Anshaxa
Farta iyo
Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin
01/03/2026
Axad _____________ 01/03/2026
Ardayda Fasalka 8aad Ee Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb ayaa saakay soo bandhigay Sawiro ku saabsan Dhigaha iyo Loolalka kuwaas oo ay ku dhigteen Maadada Cilmiga Bulshada Ee Fasalka 8aad .
Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda Iskuulka Dayax Dhuusamareeb .
Waxaan mar walba u taaganahay in aan soo saarno arday aqoon iyo hal abuur leh si ay bulshada uga soo dhex muuqdaan
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
Aqoonta
Anshaxa
Farta iyo
Qiyam-ka Qofeed
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Mahadsanidiin
03/02/2026
Talaado ___________________03/02/2026
Maamulka, Macalimiinta iyo Waalidiinta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb . Waxa ay halkaan hambalyo uga dirayaan 10-ka arday ee galay kaalimaha ugu sarreeya Imtixaanka Dhexe( Mid term Examination) ee Sannad-dugsiyeedka 2025-2026.
Waxaan u rajaynaynaa guud ahaan ardayda guulo iyo dadaal waxbarasho oo dheeri ah.
Bulshooy Ballanteennu waa arday ka dhisan:
: Aqoonta
: Anshaxa
: Farta iyo
: Qiyam-ka qofeed
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Mahadsanidiin
22/01/2026
Arbaco___________21/01/2026
Shalay oo ay ahayd maalinimo Arbaco ah taariikhduna ahayd 21/01/2026
Waxaan Iskuulka Dayax Dhuusamareeb booqasho ku yimid qaar ka mid ah ardooyinkii ka qalin jabiyay Iskuulka Dayax Dhuusamareeb waxaana Iskuulka kusoo dhaweeyay Xoghayaha Iskuulka Hoose, Dhexe Ee Dayax Dhuusamareeb Cadnaan Maxamed Salaad isagoona warbixin guud ka siiyay hormarka iyo guulaha uu iskuulku gaaray. Ugu dambayna waxa ay booqasho wadajir ah ku tageen dhismaha xarunta cusub Ee Iskuulka Dayax Dhuusamareeb kaas oo meel gaban gabo ah maraya.
Guud ahaan ardayda ayaa si isku mid ah u bogaadiyay guulaha uu iskuulka Dayax gaaray.
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
1) Aqoonta
2) Anshaxa
3) Farta
4) Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin
14/01/2026
Talaado___________13/01/2026
Shalay oo ay ahayd maalinimo Talaado ah taariikhduna ahayd 13/01/2026
waxaa si nabad ah noogu soo dhamaaday imtixaan-ka dhexe ( Mid Term Examination) Ee Sannad dugsiyeedka 2025-2026 .
Guud ahaan ardayda Iskuulka Dayax Dhuusamareeb waxaan u rajaynaynaa guul iyo in ay natiijo wanaagsan ka keenaan imtixaan ka u soo dhamaaday
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare Ee Dayax Dhuusamareeb
Ballanteennu waa arday ka dhisan:
1) Aqoonta
2) Anshaxa
3) Farta
4) Qiyam-ka Qofeed
Mahadsanidiin