Waxaa maalinkii labaad si habsami leh uga socda xarunta Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee sinaan Imtixaanka dhexe ee sannad dugsiyeedka 2025-2026
Ardayda waxa u rajaynaynaa guulo badan
Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee sinaan
Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Sinaan waxaa kuugu Diyaarsan waxbarasho tayo sare leh waxaana kuugu Diyaarsan maamul loo Carbiyey shaqadooda
10/01/2026
Sabti 10/01/2026
Maanta waxaa si rasmi ah uga furmay dugsiga SINAAN PRIMARY SCHOOL imtixaanka Dhexe ee Dugsiga.
Munaasabadda daahfurka waxaa sharaf noo ahayd in ay furitaanka hoggaamiyaan Maamulaha iyo Maamula ku xigeenka dugsiga EngHussein Abdulle Salaas
Maamulaha Dugsiga Ustaad Xuseen Maxamed , oo ardayda ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaalkii ay soo sameeyeen, ayna la yimaadaan niyad, xasillooni iyo dulqaad.
Ustaad Xuseen wuxuu carrabka ku adkeeyay in imtixaanku yahay mirihii dadaalka, waana masrax uu ardaygu ku iftiimin karo aqoontiisa, muujin karana hufnaanta kartidiisa dhabta ah.
Waxaan u rajeynaynaa in ay garaan dhammaan ardayda guul, iftiin iyo horumar!
"Dad la tabcaa Dunida dhisa "
Talaado 23/12/2025 Dhuusamreb.
DUGSIGA Waxaw bilaabayaa Qaybo Online ah halka markii h**e aw kaliya ahayd Offline
Sidoo kale wali way socotaa korsadii offlinka .
Macalinka Cafimaadka Ustaad Qaliif Yuusuf
oo dhiga Qaybta Cafimaadka ayaa Noo sharxaya qayb ka mid ah Cafimaadka
Gaar ahaana Qaybta NURSING .
Mawduucaas ayaa ahaa mid aad ulafa guraya una sharxaya Cafimaadka Sharuudihiisa iyo asbaabta loo baranayo, Cida baran karta.
Balanteenu waa Hormarinta Waxbarid Cafimaadka Bahiyaha Caafimaad
___________DHAMAAD___________.
21/11/2025
MALINTA MACALINKA SOOMAALIYEED 21 NOVEMBER DUGSIGA SINAAN WUXUU HAMBALYO QAAS AH U DIRAYAA DHAMMAN MACALIMIINTA DUGSIGA.
05/11/2025
MANTAY BARO BIRI BAR
Hoyga aqoonta SINAAN ugu kaalay Arday u dhisan Aqlaalaq ahaan iyo aqoon ahaanba sidoo kale Ardayda Sinaan Waxay Halkaan ku Dareemayaan in ay tahay gurigooda oo kale waxana ka dheehan karta sida ay u faraxsanyihiin una damashadayaan.
KU SOO DHAWAAW GACMO FURAN IYO SOO DHAWAYN SARE HOYGA AQOONTA SINAAN UGU IMAAW TAYO IYO TIIGSI SARE .
22/10/2025
Waxaa Mantay oo Tariikhdu tahay
22/10/2025
Bimaalmay Tartanka kubada Cagta oo ah Sanadkaan mid aad u xiiso badan oo leh Xamaasad iyk tageerayaasha kooxaha
Kaas oo ka dhacaya Salaxa ka Qadeeye.
Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee sinaan Wuxuu Bulshada ugu bishaarayna Dhamaan Bulshada Galmudug gaar ahaan bahda dhusamareeb iyo nawaxigeeda in dugsigu qaadanayo arday cusub oo tiro kooban ah fadlan h**ey ugaar yaan laga buuxine.
12/10/2025
WAR SAXAAFADEED
MAAMULAHA DUGSIGA SINAAN OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA MAALINTA CALANKA
Dhusamareeb, Oktoobar 12, 2025: Maamulaha Dugsiga Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee sinaan , Mudane Xuseen Maxamed , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Maamulaha ayaa tilmaamay in maalinta 12-ka Oktoobar ay leedahay ahmiyad taariikhi ah oo weyn, maadaama ay ku beegan tahay maalintii la gardaadiyey Calanka Soomaaliyeed โ astaanta mideysa shacabkeenna, kana tarjumaysa Gobannimada, Wadajirka iyo Midnimada Qaranka.
โMaanta waa maalin qiimo gaar ah u leh dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Waa xuska maalintii halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calanka Soomaaliyeed oo matalaya Qarannimada, Gobannimada, Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo mustaqbalka dalkooda,โ ayuu yiri Maamulaha Dugsiga.
Maamulaha Dugsiga SINAAN ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay mideeyaan dadaalkooda ku aaddan xoojinta wadajirka bulshada, horumarinta nabadda iyo ilaalinta danaha qaranka, si jiilasha soo socda loogu dhaxlo dal mideysan oo horumar leh.
DHAMMAAD.
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Dugsiga SINAAN
๐ง Email: [email protected]
๐ง Email: [email protected]
War-saxaafadeedkii waa la cusboonaysiiyay, waxaana hadda lagu beddelay magaca Maamulaha Dugsiga SINAAN Mudane Xuseen Maxamed Cardoofe.
19/09/2025
Waxaa Shalay oo ku beegneed 18/9/2025,Lagu qabtay Xurunta .
Xuska Xabiibkeenii MUXAMED Nabiga N.N .K.H(๏ทบ ). Halkaas oo lagu soo bandhigay Jecylka,Xushmadda iyo Hogaamintii wngsanyd ee Suubanaheena N.N .K.H(๏ทบ ).
Nabiga (SCW) wuxuu yiri:
"Haddii aad ogaan lahaydeen waxa aan ogahay, wax yar ayaad qosli lahaydeen, wax badanna waad ooyi lahaydeen."
(Wariyey Imaam Bukhaari)
๐ Xusuusin: Dunida waa meel ku meel gaar ah, aakhiro ayaa run ah. Ilaahay ha inaga dhigo kuwa u toosan diinta iyo cibaadada. ๐คฒ
Waxaa kale oo Xaflada ku jirtay Furitaanka Sanad Dugsiyeedka #2025-2026.
Sidoo kale Qaybaha Dugsiga waxaa ka mid ah Subax,Duhur iyo Habiin.
13/09/2025
Xasuusihii h**e ee iskuulka Sawiradaan waxaa la qaadey 2018 bishii July
09/08/2025
Ogaysiis Ogaysiis Ogaysiis
Waxaa la ogaysiinayaa Bulshada ku nool Casimadda Dhusamareb iyo Nawaaxigeeda in Dugsiga SINAAN oo aad uga Barateen waxbarasho tayo leh in ay socoto Diiwaangelinta Sanad dugsiyeedka 2025-2026 Ardayda iskuulka SINAAN
Is Qoristu waxaa ay ka Socotaa xaafiska iskuulka
Waxana ay furantahay
6:30 subaxnimo ilaa 10:00 habeenimo
Yaan lagaa Buuxin Bulshooy.
Waxyabaha iskuulku idiin hayo waxaa ka mid ah
Qeybaha soo socta
1 Subaxleey primary
2 duhureey primary
3 waxbarashada dadka waaweyn habiinkii
Ballanteenu waa arday ka dhisan
Aqoonta
ilaalinta dhaqanka iyo anshaxa
Farta
Arday u tayeeysan dhan walba
Wixii faahfaahin ah la xiriir Numbarada hoose ee ku qoran .
Baro Badbaadi Bulshada
Mahadsanidiin
07/08/2025
--------------TACSI TIIRAANYO LEH-----------------
Geeri naxdin iyo murugo leh
ุฅูุง ููู ูุฅูุง ุฅููู ุฑุงุฌุนูู
โ ุฅู ููู ู
ุงุฃุฎุฐ ููู ู
ุงุฃุนุทู ููู ุดูุกู ุนูุฏู ุจุฃุฌูู ู
ูุณู
ูู.
ุงูููู
ุงุฑุญู
ู ูุงุบูุฑ ูู ูุงุณููู ุงููุฑุฏูุณ ุงูุฃุนูู ูุงุฑุจ ุงูุนุงูู
ูู
Dhamaan Macaliinta iyo Maamulka Dugsiga SINAAN SCHOOL waxay tacsi u dirayaan
Maxamed xasan
oo ah Ardayd dhigata Dugsiga SINAAN oo Hooyadeed Ku Geeriyootay Dhusamareb
Hooyo Rooxo Maxamed jimcaale waxaana leenahay
Allah (SWT) ha unaxariisto qabriga ha u waasiciyo, kitaabkeedan rabi midigta haka siiyo, jana fardawsa rabi ha geeyo, ilaahey (SWT)haka dhigo Marti la jecel yahay ridaha rabina allaha siiyo . Oo xanuun Haayay waqti badan ka dib uu geeryooday. Hooyo Waxay ahayd qof u ilahay ku manayistay.
AKHLAAQ IYO EDAB iyo Sadaqo
Dhamaanteen samir iyo iimaan alle haynaga siiyo gaar ahaan Qoskii iyo Qaraabadadii, Asxaabtii ay kabaxay
Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Dhuusamarreeb