Waamo primary and secondary school

Waamo primary and secondary school

Share

Dugsiga Hoose Dhexe iyo Sare ee Waamo soo saaraha macalimiinta iyo madaxda barito. Dhoobley,Somalia.

27/09/2024

Maamulaha Markaska Al-Furqaan ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka USTAAD AXMED MAXAMED XUSEEN ayaa ardayda ku dhiirrigeliyay in dadaalka la badiyo oo ay waqtigooda si fiican uga faa'iidaystaan halkii ay ku lumin lahaayeen wax aan faa'iido lahayn.

Sidoo kale, wuxuu ustaadku ka hadlay waayihiisa nololeed ee isla dugsiga Waamo, isaga oo ka tirsan ardaydii ka aflaxday dugsiga.

26/09/2024

Taariikhda iyo Guusha Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Waamo, Dhobley

Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Waamo ee ku yaala degmada Dhobley waa mid ka mid ah goobaha waxbarasho ee ugu muhiimsan gobolka Jubbada Hoose. Waxaa la aasaasay sanadkii 1995 kadib burburkii dowladnimo ee Soomaaliya, si loo daboolo baahida waxbarasho ee bulshada deegaanka ee ay saameysay burburka nidaamkii waxbarasho ee qaranka. Waxaa aasaasay Jimciyadda Towfiq, taasoo weli gacanta ku heysa daryeelka iyo horumarinta dugsiga ilaa maanta.

Dugsiga Waamo wuxuu ku dadaalay inuu soo saaro arday tayo leh oo ka qeyb qaata horumarka bulshada. Waxay siisaa waxbarasho tayo sare leh oo la jaanqaadi karta heerarka caalamiga ah, iyadoo diirada la saarayo maadooyinka muhiimka ah sida Tarbiyada Islaamka, xisaabta, sayniska, Luqadaha kala ah Carabiga, Ingiriiska iyo sawaxiliga, suugaanta Somalida iyo cilmiga bulshada.

Waxaana jira tiro badan oo arday ah oo ka aflaxay dugsigan kuwaas oo noqday dhakhaatiir, injineero, iyo madax ka tirsan qeybaha kala duwan ee dowladda sida wasiiro, agaasimayaal, iyo qaybaha kale ee bulshada. Sidoo kale, macalimiinta hadda ugu badan ee dugsiga dhiga ayaa ah kuwa wax ku bartay isla dugsiga, iyagoo sidoo kale la shaqeeya khubaro kale oo heysta shahaadada heerka Labaad gaar ahaan Daraasadka sare ee cilmiga iyo Horumarinta waxbarashada.

Dugsiga Waamo wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee laga aasaasay Dhobley, waxaana uu ka mid yahay dugsiyada ugu facaweyn gobolka Jubbada Hoose iyo guud ahaan dalkaba.

Jimciyadda Towfiq waxay door muhiim ah ka ciyaartay ilaalinta iyo horumarinta dugsiga iyadoo ku hawlan sidii loo heli lahaa agab waxbarasho oo ku filan, tababarka macalimiinta, iyo horumarinta kaabayaasha dugsiga. Taasi waxay suuragelisay in dugsigu uu noqdo mid soo saara arday leh karti iyo aqoon ay ku gaaraan heerar sare oo waxbarasho.

Dugsiga Waamo wuxuu leeyahay saameyn muuqata oo ku saabsan bulshada deegaanka, isagoo abuuraya fursado waxbarasho iyo shaqo, taasoo kor u qaadeysa heerka nololeed ee dadka deegaanka. Taasi waxay ka dhigeysaa dugsiga mid aan kaliya ahayn goob waxbarasho balse sidoo kale yahay xarun dhaqan iyo horumarineed oo bulshada oo dhan ay ka faa'ïideysan karto.

Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Waamo ayaa ah tusaale wanaagsan oo muujinaya sida bulshada Soomaaliyeed ay uga soo kaban karto dhibaatooyinkii ay soo martay, iyagoo ku dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen mustaqbal ifaya oo ay ku faani karaan.

W/Q: Jama Siyat Mohamed

26/09/2024

Madaxa Dacwada Degmada DHOBLEY SHEEKH CABDIRAXMAAN MAHDI Iyo booqashadi shali oo Arbaco aheyd dugsiga hoose dhexe Sare ee WAAMO.

Photos from Waamo primary and secondary school's post 21/09/2024

Waxaan soo bandhigaynaa fursad lagu tayeynayo sidoo kale kor loogu qaadayo aqoonta luqadaha ardayda iyo qaybaha kale ee bulshada degmada Dhoobley. Kafaa'iidaysi wacan!

GOOBTA: Xarunta dugsiga hoose, dhexe, iyo sare ee WAAMO.

SAACADA: Galabti

LUQADAHA: CARAABI , INGIRIISKA iyo SAWAXILIGA.

20/09/2024

Mammule Sheekh Ismaaciil Cabdullaahi Bashir ayaa maalintii Arbacada la hadlay dhammaan ardayda, isagoo siiyay talooyin aad u qurux badan. Wuxuu ku booriyay ardayda inay ku dadaalaan waxbarashadooda iyo sido kale inay ka fogadan wax walba oo xumaan ah.

Sheekh Ismaaciil wuxuu xusay in waxbarashadu ay tahay furaha guusha mustaqbalka, Dal walba oo hormaray wuxuu ku hormaray waxbarashada iyo qadarinta macallimiinta, sida tusaale ahaan dalka Japan. Ayuu yiri Sheek Ismaaciil.

17/09/2024

Waamo primary and secondary school

08/09/2024

Waxbarasho tayo leh ugu imow Dugsiga Waamo primary and secondary school

Want your school to be the top-listed School/college in Dhoobleey?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Dhoobleey