Farah-adde Public Secondary School

Farah-adde Public Secondary School

Share

Dugsiga Sare ee Faarax Cadde Ceelbuh Sanaag. مدرسة فارح-عدى الثانوي

Dugsiga Sare ee Faarax Cadde Ceelbuh Sanaag. مدرسة فارح-عدى الثانوي
Dugsigu wuxu ka mid yahay dugsiyada ugu waaweyn degmada, waxa aad wixii faah-faahin ah kala xiriiri kartaa +252907798799

06/04/2024

Dhagax-dhiga dayrka Dugsiga Sare ee Ceelbuh Faarax-cadde Secondary School.

Photos from Farah-adde Public Secondary School's post 07/01/2023

Maanta oo Taariikhdu tahay 07-01-2023 Waxa Dugsiga Sare Faarax-cade Ceelbuh Sanaag Toos uga bilowday Imtixaanka Teeramka Kowaad ee Sannad Dugsiyeedka 2022-2023. Dhamaan Waxan u rajaynaynaa Ardayda dadaal iyo guul insha allah.

06/01/2023

Marka aad kujirto Iskuul ama Jaamacad inaad wax aqriso xiliga imtixaanka oo kaliya waxay kugu keeneysaa stress badan iyo inaad ku wareerto dhawrkaas maalmood, hadaba si aad uga dhigto xiliga imtixaanka mid aad happy tahay waliba aad dhibco fiican keentid raac 4taan talaabo.

Faham VS Xifdin: Isku day inaad fahanto waxa aad dooneyso inaad aqriso, inta aad xifdin lahayd adigoon fahansanayn.

Kala jajabi: Waxa aad aqrineyso marka h**e aad u kala jajabi, marka h**e u kala qeybi jabtar, kadib mawduuc, kadibna page

Summary ka qoro: Markaad kala jajabiso waxaad ka qortaa summary yar adigoo ku darsanaya daraasado aad kaligaa sameysatay soona koobaya.

Kuleylka ku Cun: Marka laguu dhigo casharkan, isla maalintaa isku day inaad si fiican u aqriso, daraaseeyso ilaa 80% inaad sii aqriso isku day.

29/12/2022

Jadwalka imtixaanka Teeramka Kowaad ee Sannad Dugsiyeedka 2022-2023, Dugsiga sare ee Faarax-cadde Farah-adde Public Secondary School. Guul dhamaan ardayda.

Photos from Farah-adde Public Secondary School's post 11/12/2022

Wefdi uu hogaaminaayo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dawlada Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan oo hawlo shaqo u joogay magalada Ceelbuh ee gobolka sanaag ayaa soo booqday dugsiga sare ee Faarax-cadde Secondary.
Wasiirka ayaa kelmedo dhiiri-gelin iyo waano ah u jeediyey guud ahaan ardayda dugsiga, gaar ahaan fasalka afraad.

07/12/2022

Maamulaha Dugsiga Sare ee Farah-adde Public Secondary School oo ka waramaya taariikhda dugsiga iyo Magac bixintii Wasiir Cabdi Farax Siciid Juxa Xiligii uu Wasiirka waxbarashada ahaa.

Photos from Farah-adde Public Secondary School's post 24/11/2022

Barayaasha Dusiga sare ee faarax-cadde Public Ceelbuh, sanaag, Soomaaliya. ( كاد المعلم أن يكون رسولا )~.

21/11/2022

21-Nofeembar, Maalinka Macalinka Soomaaliyeed.
Hambalyo dhamaan macalimiinta Somaaliyeed.

Photos from Farah-adde Public Secondary School's post 16/11/2022

Dugsiga Sare ee Faarax-cadde Public Secondary School Celbuh sanag.

Dugsiga Sare ee Faarax-Cadde waxa maanta ka dhacday Xaflad ay soo agaasimeen, maamulka magalada Ceelbuuh, madaxda waxbarashada, Gudidiyada Waxbarshada, Guddiyada Waalidiinta Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee magalada Ceelbuh taas oo ay si wadajir ah u soo dhoweeyeen Go’aankii iyo Warqaddii ka soo baxday Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare gaar ahaan Xafiiska wasiirka Mudane Cabdulaahi Maxamed Xasan.

Go'aankaas oo ku saabsanaa midaynta waxbarashada Sare ee magalada. Guud ahaan bushada ceelbuh waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen in ceelbuh yeelato hal Dugsi Sare kaasi oo ah Farax-cadde Public Secondary School, taas oo dan u ah bulshada deegaanka iyo Tayada waxbarashada sare ee magalada.
rashada sare ee magalada ceelbuh.

Ugu dambayn Dugsiga sare ee Farax-cadde wuxu soo dhoweynayaa ardayda iyo waalidiintaba.

Mahadsanidiin.

Photos from Farah-adde Public Secondary School's post 06/11/2022

[Sabti 06-Nov-2022].

Ardayda Fasalka Afraad ee Dugsiga Sare ee Faarax-cadde Ceelbuh Sanaag oo ah Dufcadii Sagaalaad ayaa Abaal-marin iyo Maamuus u sameeyey Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax-cadde Maxamed Cabdulaahi Ciise iyo Sidoo Kale Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe ee Kulmiye Ustaad Cabdulaahi Cabdirisaaq Cali Xasan.

Doorkii Lixaadka lahaa oo ay ka soo Qaateen Waxbarashada guud ee magaaladda Ceelbuh iyo gaar ahaan Fasalka afraad oo ay ilaa Fasalkooddii kowaad ee dugsiga hoose macalimiin u soo ahaayeen gacantanna ku soo hayeen.

Waxa Xaflada ka soo qayb-galay maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga, Ardayda, Guddiga Waalidiinta Dugsiga oo uu ugu Horeeyo Gudoomiyaha Gudiga Cabdiqani Cali Ducaale iyo sidoo Ustaad Maxamed Maxamuud Siciid, Madaxa Dacwada Degmada Shiikh Mukhtaar Shiikh Cumar iyo Marti-sharaf kale.

-Mahadsanidiin.

Want your school to be the top-listed School/college in Ceelbuh?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Celbuh Sanag
Ceelbuh

Opening Hours

Monday 07:00 - 00:00
Tuesday 07:00 - 00:00
Wednesday 07:00 - 00:00
Thursday 07:00 - 00:00
Friday 07:00 - 00:00
Saturday 07:00 - 00:00
Sunday 07:00 - 00:00