Midnimo primary & Secondary School.

Directions

Midnimo primary & Secondary School. Bowdadhogore galgaduud Somalia Bowdadhogore

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO!  Bahda Midnimo primary & Secondary School.  waxay si farxad iyo bogaadin leh hambalyo ugu di...
17/08/2026

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO!

Bahda Midnimo primary & Secondary School. waxay si farxad iyo bogaadin leh hambalyo ugu dirayaan dhamaan Ardayda ku guuleysatay natiijada imtixaanka Dugsiga Dhexe ee fasalka 8แตƒแตƒแตˆ

๐ŸŽ‰๐ŸŽ“ Hambalyo iyo bogaadin! ๐ŸŽ“๐ŸŽ‰Waxaan hambalyo u diraynaa dufcaddii 1-aad ee ka qalin-jabisa Midnimo Primary and  Secondary...
15/08/2026

๐ŸŽ‰๐ŸŽ“ Hambalyo iyo bogaadin! ๐ŸŽ“๐ŸŽ‰

Waxaan hambalyo u diraynaa dufcaddii 1-aad ee ka qalin-jabisa Midnimo Primary and Secondary School, oo ah ardaydii ugu horreysay ee deegaanka ka soo baxda.

Guushiinniinu waa guul taariikhi ah oo dhiirrigelin u noqon doonta jiilasha idinka dambeeya, isla markaana horseedi doonta in la joogteeyo soo saarista arday badan oo aqoon leh.

Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guul joogto ah iyo in aad bulshada u noqotaan iftiin iyo hormuud.

Hambalyo dufcaddii 1-aad ee Midnimo!

Guushiinnu waa guusha bulshada oo dhan. ๐ŸŒŸ

Bowdadhogore Galgaduud Somalia

Maamulka dugsiga Midnimo primary & Secondary ,barayaasha iyo dhammaan hawlwadeenna kaleba waxa ay hambalyo u dirayaan ar...
27/06/2026

Maamulka dugsiga Midnimo primary & Secondary ,barayaasha iyo dhammaan hawlwadeenna kaleba waxa ay hambalyo u dirayaan ardayda fasalka Form Four dufcaddii 1aad ee sanadkaan ka qalin badalatay dugsiga sare .

Waxa u urajaynayaa guul iyo natiijo qurux badan.

Guuleysta.

Galgaduud Somalia

20/06/2026

Dufcadi 1aad Class fโด ee schoolka Midnimo primary & Secondary School.

๐ŸŽ“ Hambalyo Dufcadda 5-aad (Class 8-aad) ๐ŸŽ“Shalay  waxa si rasmi ah ugu soo dhammaaday imtixaankii dowladda ardayda Dufcad...
18/06/2026

๐ŸŽ“ Hambalyo Dufcadda 5-aad (Class 8-aad) ๐ŸŽ“

Shalay waxa si rasmi ah ugu soo dhammaaday imtixaankii dowladda ardayda Dufcadda 5-aad ee Class 8-aad. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda dadaalka, dulqaadka iyo juhdiga badan gelisay waxbarashadooda.

Waxaan idin rajaynaynaa natiijooyin wanaagsan iyo mustaqbal ifaya. Guusha aad maanta gaadheen waa mid ka dhalatay dadaalkiinna, taageerada waalidiinta iyo hagidda macallimiinta.

Hambalyo Dufcadda 5-aad ee Class 8-aad ee Midnimo Primary & Secondary School. Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal wanaagsan. ๐ŸŒน๐Ÿ“š๐ŸŽ“
"Dhammaadka imtixaanku waa bilowga guulo cusub oo idin sugaya." โœจ

๐ŸŽ“๐Ÿฝ๏ธ Qado Sharaf ay Soo Agaasimeen Ardayda Fasallada fโด iyo 8aadMaanta waxaa si heer sare ah u qabsoomay qado sharaf ay s...
10/06/2026

๐ŸŽ“๐Ÿฝ๏ธ Qado Sharaf ay Soo Agaasimeen Ardayda Fasallada fโด iyo 8aad

Maanta waxaa si heer sare ah u qabsoomay qado sharaf ay soo diyaariyeen ardayda Fasalka 4aad (Dufcaddii 1aad) iyo Fasalka 8aad (Dufcaddii 5aad), taas oo loogu talagalay maamulka dugsiga, macallimiinta iyo marti-sharaftii sharafta noo siisay ka soo qaybgalka munaasabaddan.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa marti-sharaftii ka timid meelo kala duwan ee wakhtigooda qaaliga ah u huray inay nala qaybsadaan farxaddan. Ka soo qaybgalkiinnu wuxuu munaasabadda u kordhiyey qiimo, sharaf iyo dhiirrigelin ay ardaydu ku faani doonaan.

Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa ardayda Dufcaddii 1aad iyo Dufcaddii 5aad dadaalka, abaabulka iyo anshaxa wanaagsan ee ay ku muujiyeen munaasabaddan. Tani waxay caddeyn u tahay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya ardayda, macallimiinta iyo maamulka dugsiga.

Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.

Mahadsanidiin dhammaan marti-sharafta, macallimiinta, maamulka iyo ardayda ka qayb qaatay guusha munaasabaddan.
๐ŸŒน๐Ÿ“š๐ŸŽ“

Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan ardayda dugsiga Midnimo primary & Secondary School.  waxay tacsi tiiraanyo leh u dir...
09/04/2026

Maamulka, macalimiinta iyo dhammaan ardayda dugsiga Midnimo primary & Secondary School. waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ardayadeena Maryamo Cali Cibaar, oo aabaheed uu shalay geeriyooday.

Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumka inuu ku arsaaqo naxariistiisa Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaan na ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay.
ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

๐ŸŽ“ HAMBALYO IYO BOOGAADIN RASMI AH ๐ŸŽ“Maamulka iyo Macalimiinta Schoolka Midnimo primary & Secondary School.  waxay si shar...
19/02/2026

๐ŸŽ“ HAMBALYO IYO BOOGAADIN RASMI AH ๐ŸŽ“
Maamulka iyo Macalimiinta Schoolka Midnimo primary & Secondary School. waxay si sharaf iyo maamul-wanaag leh hambalyo ugu dirayaan dhammaan ardayda ku qalinjabisay taariikhdu markay ahayd 17 February 2026.

Guushan waa mid ka dhalatay dadaal joogto ah, anshax wanaagsan, iyo wada shaqeyn dhab ah oo u dhexeysay ardayda, waalidiinta, iyo macalimiinta.
Maamul ahaan, waxaan ku faraxsanahay in qorshaha waxbarasho, hagidda iyo kormeerka joogtada ahi ay miro dhaleen.
Waxaan idiin rajeyneynaa mustaqbal ifaya, hoggaan suuban, iyo inaad noqotaan jiil ku dayasho mudan oo dalkooda iyo dadkoodaba anfaca.

๐ŸŒŸ Guushu waa bilow โ€” horumarkuna waa safar aad sii wadi doontaan. Hambalyo mar kale!

11/02/2026

Xusuus h**e

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†Maamulka ,Macalimiinta, Ardayda iyo Shaqaalaha iskuulka Midnimo primary & Secondary School.   wa...
26/12/2025

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Maamulka ,Macalimiinta, Ardayda iyo Shaqaalaha iskuulka Midnimo primary & Secondary School. waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, iyo ehelka uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Arday Sakariye Galad ciise warsame oo ay geeri dag dag ah ku timid.

Waxaan Allaah uga baryaynaa in naxariista Janno ka waraabiyo, sabar iyo iimaana Allaha Naga siiyo. Aamiin

Address

Cadaado

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midnimo primary & Secondary School. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category