Haqabtire Institute Of Technology

Call Directions

Haqabtire  Institute Of Technology ~Ma ogtahay dharaaruhu ~Adi kulama dhalanoo ~Kuma soo dhaweystaane ~Dhididkaaga oo qura bay ~Dheef kaaga dhigayaan.

26/08/2026

Fartuun Maxamed Axmed ayaa hal-abuur cajiib ah kasoo bandhigtay xafladdii qalin-jabinta ardayda dufcaddii 3-aad ee baratay xirfadda Computer-ka. Kuwas oo dhawaan ka qalin badashay Macadka Haqabtire.

Bandhigga ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, waxaana intii ay soo jeedintu socotay si weyn ugu riyaaqay marti-sharafkii iyo masuuliyiintii xafladda kasoo qayb galay, kuwaas oo bogaadiyay waxqabadkeedii cajiibka ahaa.

Hambalyo Fartuun! Waxaan kuu rajaynayaa guul iyo horumar joogto ah. 🌹👏

23/08/2026

Xamdi Siciid oo ka mid ah ardayda baratay xirfadda Computer-ka, kana mid ah ardayda Dufcadda 3-aad, ayaa gabay qiimo badan oo ay ugu talagashay Macadka Haqabtire ka soo jeedisay xafladdii qalin-jabinta ardayda Dufcadda 3-aad.

23/08/2026

Ustaad Nuur Maxamuud Cali oo ka mid ah barayaasha degmada Cadaado ayaa qodobad ka jeediyay Xafladda Qalin-jabinta ardayda Dufcadda 3-aad ee Machadka Haqabtire.
Ustaadka ayaa dardaaran u jeediyay ardaydii halkaas ku qalin-jabisay, isagoo sheegay in barashada xirfaduhu ay muhiim yihiin.

16/08/2026

Nimco Mahad Nuur oo ka mid ah ardayda Dufcadda 3-aad ee ka qalin-jabisay Machadka Haqabtire Institute Of Technology ayaa soo bandhigtay program cajiib ah, kaas oo ka tarjumaya Xirfadda ay baratay.

Nimco ayaa xustay inay isbeddel weyn Samaysay kadib markay baratay xirfadda Computer-ka, sidoo kalena aysan filayn inay bara doonto xirfad tayadaan leh.

Nimco Mahad Nuur waxay ahayd ardayad firfircoon intii ay baranaysay Xirfadda Computer-ka, iyadoo kaalinta 1-aad ka gashay Imtixaankii Final-ka ahaa.

Hambalyo Nimco Mahad Nuur!

03/08/2026

Maamulaha Dugsiga Imaamu Nawaawi, Ustaad Nuur Maxamed Cabdulle, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey Xafladda Qalin-jabinta Ardayda Dufcadda 3-aad.
Khudbaddiisa ayuu Ustaadku ku xusay Muhiimadda ay leedahay Barashada Xirfaduhu, asagoona ardayda kula dardaarmay in ay sii wataan barashada Xirfadaha, siiyeyna dardaaran iyo talooyin wax-ku-ool ah.
Sidoo kale, Ustaad Nuur ayaa carrabka ku adkeeyey in xirfaduhu aysan ku koobnayn barasho oo keliya, balse ay u baahan yihiin gacan-ku-hayn joogto ah, gaar ahaan xirfadaha la xiriira tiknoolajiyadda, si loo helo khibrad la isku halayn karo.

Xirfad yeelo xurmu aad lahaatide

31/07/2026

Bilal Abdi Hassan, one of the students from the 3rd Batch who graduated from Haqabtire Institute, delivered an inspiring speech at the graduation ceremony.

Bilal highlighted the importance of learning computer skills in today's modern world.

Learn a skill, and you will earn respect.

30/07/2026

Maamulaha Dugsiga Suldaan Axmed Nuur, Ustaad Cismaan Aadan Maalin, ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyay xafladdii qalin-jabinta ardayda Dufcadda 3-aad.

Maamulaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay barashada xirfadaha kala duwan, isaga oo ardaydii halkaas ku qalin-jabisay siiyay dardaaran iyo talooyin dhaxal-gal ah.

Xirfad yeelo Xurmo aad lahaatide

28/07/2026

Xariiriyaha iyo Qurxiyaha Xafladdi Qalin Jabinta Ardayda Dufcadda 3 aad ustaad Cabdi Naasir Cali Yuusuf.

27/07/2026

Nimco Cabdi Cilmi, oo ka mid ah ardayda Dufcadda 3-aad ee ka qalin-jabisay Macadka Haqabtire, ayaa soo bandhigtay hal-abuur cajiib ah oo muujinaya heerka aqoon iyo xirfadeed ee ay gaartay.

Bandhiggeeda ayay ku diyaarisay Microsoft PowerPoint, iyadoo u naqshadaysay qaab casri ah, soo jiidasho leh, isla markaana si xirfad leh loo soo bandhigay.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Nimco ay matalayday dhammaan ardayda Dufcadda 3-aad ee ka qalin-jabisay Macadka Haqabtire.

👏 Hambalyo Nimco!

Lasoco Qaybaha Xega.

Xirfad Yeelo Xurmo aad lahaatide.

26/07/2026

Maamulaha Machadka Haqabtire, Ustaad Cumar Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay xafladda qalin-jabinta ardayda Dufcadda 3-aad, isaga oo faahfaahin ka bixiyay qaabkii ay ardaydu wax u barteen iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu Machadku soo maray.

Ustaad Cumar ayaa sidoo kale sheegay in caqabaddii ugu weynayd ee Machadku la kulmay bilihii u dambeeyay kadib Cadaadis kaga yimid macadka goobtii uu ku shaqaynayey.

La soco qaybta xigta.

Address

Waaberi
Cadaado

Telephone

+252615386898

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haqabtire Institute Of Technology posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share