02/04/2024
Tartanka Qur'anka Kariimka ee Galgaduud.
مسابقة جلجدود للقرآن الكريم
30 MARCH 2024, Caabud-waaq- Galgaduud, ayaa lagu soo gabagabeeyay, tartanka qur'anka kariimka ee Galgaduud oo socday Afar maalmood, iyadoo sanadkaan la ballaariyay, Degmooyinka ka qeybgalay tartanka, waa afar Degmo oo kala:
1)- Caabudwaaq.
2)- Balanballe.
3)- Dhabad
4)- Kaxan dhaale, (Dowlad Deegaanka Soomaalida).
Ayaa Tartanka ka qeybgashay, Sidoo kale Dugsiyadii qur'anka ee qeybta ka ahaa, ayaa iyaguna gaaraayo, Dhowr iyo toban Madaraso, halka wadarta guud ee Ardayda ka qeybgashay tartanka ay ahaayeen 32 Arday.
Ardaydii gashay Kaalmaha h**e ayaa la gudoonsiiyay, abaalmarino kala Duwan.
1)- Muxsin Cusmaan Cabdi, oo kaalinta koobaad ka galay, 15-ka Juz ee Qur'anka Kariimka asagoo kasoo galay Degmadda Caabudwaaq, ayaa la gudoonsiiyay, Lacag dhan $700.
2)- Cabdullahi Cabdi Cali, ayaa isaguna Kaalinta koobad u galay, Ardaydii ku tartamaysay 10-ka Juz ee Qur'anka Kariimka, isagoona kasoo galay Degmadda Balanballe, waxaana la gudoonsiiyay, Lacag dhan $500.
3)- Sakariye Cabdinaasir Maxamed, ayaa isaguna kaalinta koobad ka galay, ardaydi ku tartamaysay, 5 Juz, ee Qur'anka Kariimka ah, waxa uuna u tartamaayay Degmadda Caabudwaaq, waxaana ka gudoonsiiyay, $300.
Degmadda kaxan dhaale, (Dowlad Deegaanka Soomaalida).
oo sanadkaan kusoo biirtay tartanka ayaa gashay kaalinta sadexaad ee Shanta Juz ee Qur'anka kariimka, halka Degmadda dhabbad oo tartanka qeyb ka ahayd aanay soo gelin wax kaalin ah.
DHAMAAD.
27/03/2024
Waxaa maantay si habsami leh oga bilowday masjidka wayn ee imaamu shaafici caabudwaaq, tartanka Quraanka kariim ka ah ee galgaduud 2024, ayna qabato mu'asamada al rahma Alrahmah Foundation for Education and development sanad walbo bisha ramadaan.
Sanadkan tartanka waxaa la qayb galay magaalooyinka: Caabudwaaq, balanbal, dhabad iyo kaxandhaale.
Arday ka kala socday madaasir kala duwan kuna tartamayey, 15juz, 10juz, iyo 5juz ayaa ka qayb galay.
Waxaa gudiga garsoorka hogaaminayey, ustaad cabdulahi mohamed cali cabdulahi, kuna taqasusay qiraa'aad quraan kareem ka ah iyo culuumtiisa, ahna madaxa tartamada mu'asada maahir liliquraan.
27/03/2024
Tartanka Quraan kariim ka ah ee Galgaduud 2024, ee la qabto bisha barakaysan ee ramadaan, sanadkaan waxaa ka qaybgalayo dagmooyinka:
Caabudwaaq
Balanbal
Dhabad
Kaxandhaale.
Tartankaan waxaa soo qaban qaabisay Mu'asasada Al-rahma foundation, waxaana lugu qabanayaa caabudwaaq qaas ahaan, masjid wayn ee imaamu shaafici.
22/03/2024
TARTANKA QUR'ANKA KARIIMKA EE GALGADUUD.
Waxay Mu,asasada Alrahmah Foundation for Education and development ogaysiinayaa dadka ku nool Degmadda Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda in tartankii quraanka kariimka galgaduud uu bilaabanayo maalinta arbacada 17_20 Bisha Ramadaan1445h kuna beegan 27.3.2024.
Tartanka Qur'anka Kariimka ee Galgaduud, Sanadkaan waxaa kaqaybgalayo Magaalooyinka kala ah: Caabud-waaq, Balanballe, Dhabad, iyo santarka kaxandhaale.
FG: tartanka waxaa lagu qabanaayaa masjidka wayn ee imaamu shaafici ee kuyaal suuqa Jubba jawaan, tartanku wuxuu bilaabanayaa maalinkasta saacadu markay tahay 8: 00 am. Dadwaynaha waxaa loogu baaqayaa inay kasoo qayb galaan.
DHAMAAD.