Amar Bin Yassir Primary And Secondary School

Amar Bin Yassir Primary And Secondary School

Share

the official page of Amar bin yasser primary and secondry school in buur hakaba one of the leading schools in bur hakaba

19/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN

Hambalyo weyn ayaan u diraynaa ardayaddeenna ugu sarreysa Iskuulka Nimco Cabdi Xasan, oo ka qayb-gashay Imtixaanka Qaranka, kuna guuleysatay inay keento Darajada A–

Guushan waa mid sharaf iyo farxad u ah ardayadda, waalidkeeda, macallimiinteeda iyo dhammaan maamulka Iskuulka.

Waxaan kuu rajaynaynaa guulo ka sii waaweyn iyo mustaqbal ifaya. Hambalyo mar kale!

19/08/2026

OGEYSIIS

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo waalidiinta in dib loo bilaabayo darasaadka waxbarashada sanad-dugsiyeedka 2026/2027.

📅 Maalinta: Sabti, 29 Agoosto 2026

Fadlan dhammaan ardaydu diyaar ha ahaadaan.

Mahadsanidiin.

03/08/2026

إن الحلال بين وإن الحرام بين ( الحديث).

01/08/2026

Warqadda magacaabista maamule ku xigeenka Amar Bin Yassir Primary And Secondary School

30/07/2026

Magacaabis Maamule Ku-xigeenka Dugsiga
Amar Bin Yassir Primary And Secondary School
Waxaan si kal iyo laab Hambalyo uga Direynaa ustaad Maxamed Ibraahim Muuse (Ducaysane)
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku Asturo xilka cusub, kana yeelo mid ku guulaysta Gudashada waajibaadkiisa, Dugsiga iyo Ardeydana u horseeda horumar iyo Guul Hambalyo iyo guul ayaan kuu rajaynaynaa
Ustaad maxamed ibraahim muuse

30/07/2026

Maamulka iyo macalimiinta Dugsigu wuxuu si farxad iyo sharaf leh ugu hambalyeynayaan ardayada dadaalka badan ee ka soo baxday imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2025/2026.

Waxaa kaalinta koowaad ee guud ahaan ardayda Dugsiga oo dhan gashay:
-Naciimo Buule Barrow Ibraahim
-Fasalka: 7aad
-Celceliska dhibcaha: 94.88%

Hambalyo Naciimo Buule Barrow Ibraahim guusha weyn ee ay gaartay. Waxay tusaale wanaagsan u tahay dadaalka, akhlaaqda iyo juhdiga waxbarasho.

Hambaliyo Hambaliyo

26/07/2026

Dhaabuur xirashadii fasalka 8aad sanad-dugsiyeedka 2025_2026 ee schoolka Amar Bin Yassir Primary And Secondary School
cabdi casiis xaamid maxamed ka soo jeediyey Lecture About Education khudbad kusaabsan waxbarashada

19/07/2026

Maanso Hooyo Mcn Oo ay soo jeedisey ardeyad salma cusmaan kuna Soo jeedisey Dhaabuurkii uga Dambeeyeey ee ay soo Bandhigeen Fasalka 8aad

14/07/2026

Ardayad Naciima Yuusuf Shariif ayaa munaasabaddii Dhaabuur-xirashada Fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025–2026 ku soo bandhigtay maanso yaroo ku saabsan schoolka Amar Bin Yassir Primary And Secondary School dufacadii 13aad

Amar Bin Yassir - Apps on Google Play 07/07/2026

Dhammaan waalidiinta iyo ardayda aan weli helin natiijada imtixaanka halkan ka degso appka natiijada imtixaanka laga fiirsado

Amar Bin Yassir - Apps on Google Play Stay connected with Amar Bin Yassir School all-in-one app for parents.

Want your school to be the top-listed School/college in Buurhakaba?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Buurhakaba

Opening Hours

Monday 07:30 - 17:30
Tuesday 07:30 - 17:30
Wednesday 07:30 - 17:30
Saturday 07:30 - 17:30
Sunday 07:30 - 17:30