22/01/2026
ISKUULKA Banooda Primary and Secondary School
Ogeysiis Muhiim ah
Dhammaan waalidiinta qaaliga ah, ardayda, iyo macallimiinta sharafta leh ee Iskuulka Banooda Primary and Secondary School waxaa si xushmad iyo tixgelin leh la idin ogeysiinayaa in, kaddib marka uu si guul leh u soo dhammaaday Imtixaanka Teeramka 1-aad (Nisfiga), uu iskuulku galay fasax rasmi ah.
Fasaxan wuxuu bilaabanayaa maanta oo ay tahay Khamiis, 22-da Janaayo, si ardaydu u helaan waqti nasasho, dib-u-eegis iyo u diyaar-garowga teeramka xiga.
Waxaa sidoo kale la idin ogeysiinayaa in iskuulka dib loo furi doono Sabti, 7-da Febraayo 2026, Insha Allaah, isla markaana waxbarashadu si caadi ah u bilaaban doonto maalintaas.
Maamulka iskuulku wuxuu dhammaan waalidiinta iyo ardayda ka codsanayaa inay:
Ka faa’iidaystaan muddada fasaxa,
Ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan,
U diyaar garoobaan bilowga teeramka xiga.
Ugu dambayn, maamulka Iskuulka Banooda Primary and Secondary School wuxuu idiin rajaynayaa fasax nabad, caafimaad iyo barwaaqo leh, wuxuuna idinka mahadcelinayaa wada-shaqeynta iyo kalsoonida aad mar walba siisaan iskuulka.
Mahadsanidiin.
Maamulaha Iskuulka
Mudane Cabdi Fataax Maxamed Cabdullaahi
22/01/2026
Banooda Primary and Secondary School
Maanta oo ay tahay maalin Arbaco ah, 21-da Janaayo 2026, waxaa si rasmi ah inoogu soo dhammaaday imtixaanka Teeramka 1-aad (Nisfiga) ee ka socday Iskuulka Banooda Primary and Secondary School, kaas oo socday toddobaadyadii la soo dhaafay.
Ardaydu waxay u fariisteen imtixaanka iyagoo muujinaya feejignaan, dadaal iyo anshax wanaagsan, taas oo ka tarjumaysa diyaar-garowgooda iyo dadaalkooda waxbarasho.
Maamulka iyo macallimiintu waxay ku boorrinayeen ardayda inay soo bandhigaan kartidooda dhabta ah iyo aqoontooda inta uu imtixaanku socday.
Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.
17/01/2026
Banooda Primary and Secondary School
Maanta oo ay tahay Sabti, 17-da Janaayo 2026, waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Iskuulka Banooda Primary and Secondary School imtixaanka Teeramka 1-aad (Nisfiga).
Ardaydu waxay u fariisteen imtixaanka iyagoo muujinaya feejignaan, dadaal, iyo anshax wanaagsan.
Maamulka iyo macallimiintu waxay ku boorrinayaan ardayda inay soo bandhigaan kartidooda dhabta ah iyo aqoontooda.
Waxaan dhammaan ardayda u rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya.
08/01/2026
Banooda Primary and Secondary School
Maanta oo Arbaco ah, 7-da Janaayo 2026, waxaa si rasmi ah nooga qabsoomay Wareegga 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Aflax iyo Ayaan, kaas oo ay ku tartameen Fasalka 5-aad iyo Fasalka 4-aad.
Tartanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, iyadoo labada fasalba ay soo bandhigeen aqoon sare, maskax furnaan, diyaar garow iyo tartan adag.
Ugu dambayn, natiijadii guud waxay noqotay:
Fasalka 5-aad: 22 dhibcood
Fasalka 4-aad: 22 dhibcood
Guusha maanta waxa ay wada hantideen labada fasal.
Hambalyo, hambalyo! Waxaad muujiseen dadaal, karti iyo tartan sharaf leh.
Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa fasallada kale ee ka qeyb qaatay tartanka, kuwaas oo muujiyay dadaal iyo anshax wanaagsan.
Banooda waa hoyga aqoonta, dadaalka iyo tartanka wanaagsan.
07/01/2026
Maanta oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 7-da Janaayo 2026, Iskuulka Banooda Primary and Secondary School waxaa ka dhici doona Tartanka Aqooneedka Aflax iyo Ayaan, kaas oo ay ku loolami doonaan Fasalka 4aad iyo Fasalka 5aad.
Labada fasalba waxay muujiyeen diyaargarow wanaagsan, akhris joogto ah, dulqaad iyo anshax sare, taasoo ka tarjumaysa heerka aqooneed ee ardayda. Tartankan waxaa la filayaa inuu noqdo mid aad u xiiso badan, isla markaana ay aqoontu si dhow isugu dhowdahay.
Guusha ciddii qaadata waa la wada arki doonaa, hase yeeshee hal xaqiiqo ayaa cad:
Labada fasalba waa tusaale wanaagsan oo dadaal iyo aqoon ah.
Adigu maxaad ka filaysaa tartankan?
Yaa kula ah inuu ku guuleysan doono, Fasalka 4aad mise Fasalka 5aad?
Fikraddaada nala wadaag (Comment)
01/01/2026
Sawirro – Qeybta 1aad
Banooda Primary and Secondary School
Maanta oo Arbaco ah, 31-ka December 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomay Wareegga 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Aflax iyo Ayaan, kaas oo ay ku tartameen Fasalka 6aad B iyo Fasalka 7aad.
Tartanku wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan, iyadoo labada fasal ay soo bandhigeen aqoon sare, maskax furnaan iyo tartan adag.
Ugu dambayn, natiijada guud waxay noqotay:
Fasalka 7aad: 16 dhibcood
Fasalka 6aad B: 12 dhibcood
Guusha maanta waxaa hantiyay Fasalka 7aad.
Hambalyo, hambalyo! Waxaad muujiseen dadaal, diyaargarow iyo karti sare.
Sidoo kale waxaan bogaadinaynaa Fasalka 6aad B, kuwaas oo muujiyay dadaal iyo tartan sharaf leh.
Hambalyo dadaalka wanaagsan — guusha berri adigaa leh!
Banooda waa hoyga aqoonta, dadaalka iyo tartanka wanaagsan.
23/12/2025
Sawirro | Qeybta 1aad
Banooda Primary and Secondary School
Maanta oo Talaado ah, 23-ka December 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomay Wareegga 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Aflax iyo Ayaan, kaas oo ay ku tartameen Fasalka 6aad A iyo Fasalka 3aad.
Tartanka wuxuu ahaa mid aad u xiise badan, iyadoo labada fasal ay soo bandhigeen aqoon, maskax furnaan iyo tartan adag.
Natiijada guud waxay noqotay:
Fasalka 6aad A: 16 dhibcood
Fasalka 3aad: 14 dhibcood
Guusha maanta waxaa hantiyay Fasalka 6aad A
Hambalyo hambalyo! Waxaad muujiseen dadaal, diyaargarow iyo karti sare.
Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa Fasalka 3aad oo muujiyay dadaal iyo tartan sharaf leh.
Guusha berri adigaa leh, Insha’Allah.
Banooda waa hoyga aqoonta, dadaalka iyo tartanka wanaagsan.
22/12/2025
TARTAN AQOONEED – AFLAX IYO AYAAN
Banooda Primary and Secondary School
Berri oo Talaado ah, kuna beegan 23-ka December 2025, waxaa si rasmi ah u qabsoomi doona Wareegga 2-aad ee Tartanka Aqooneedka Aflax iyo Ayaan.
Tartankan ayaa waxaa ku kulmi doona:
Fasalka 6aad A
Fasalka 3-aad
Labadan fasal waxay madal ku soo bandhigi doonaan aqoontooda, dadaalkooda, kartidooda iyo juhdigii ay ku bixiyeen casharrada. Guusha waxaa qaadi doona fasalka u diyaarsan aqoon iyo feejignaan buuxda.
Insha Allaah, cidda guuleysata waan wada arki doonnaa marka tartanku qabsoomo, haddii Alle idmo.
Fikirkiinna nala wadaaga
Yaa idin la ah kan guusha qaadi doona? Maxaad ka filaysaan tartankan?