19/08/2026
Hambalyo π
Hambalyo dhammaan ardayda fasalka 8-aadka ee dugsiga haman guusha aad ka gaarteen imtixaanka.
Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo mustaqbal ifaya. ππβ€οΈ
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Haman primary and secondary school, School, Buulobarde.
19/08/2026
Hambalyo π
Hambalyo dhammaan ardayda fasalka 8-aadka ee dugsiga haman guusha aad ka gaarteen imtixaanka.
Waxaan idiin rajaynayaa guul iyo mustaqbal ifaya. ππβ€οΈ
15/08/2026
Hambalyo! πβ€οΈ
Dhammaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan ardayda Haman Primary and Secondary School, oo ku guuleystay Imtixaankii Qaranka kana helay natiijooyin aad u wanaagsan.
Hambalyo, hambalyo, hambalyo! ππβ€οΈ
Waxaan idiin rajeynayaa guulo iyo mustaqbal ifaya.
15/07/2026
WARBIXIN: Ardayda Fasalka 12-aad β Dugsiga Haman Primary & Secondary School,
Maalintii shalay oo ku beegnayd 14/07/2026, ardayda ka qalin-jabisay Fasalka 12-aad ee Haman Primary & Secondary School, Degmada Buulobarde, sanad-dugsiyeedka 2025β2026, ayaa qabtay xaflad isugu jirtay qado-sharaf iyo mahadcelin ay u sameeyeen maamulka iyo macallimiinta dugsiga.
Xafladdu waxay ku dhacday jawi farxad, is-xushmayn iyo xusuus reeb leh, iyadoo ardaydu uga mahadceliyeen maamulka iyo macallimiinta dadaalkii, hagitaankii iyo tacabkii ay geliyeen waxbarashadooda intii ay dugsiga joogeen.
Xafladda waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan, kuwaas oo bogaadiyay dadaalka ardayda iyo doorka muhiimka ah ee macallimiintu ku leeyihiin waxbarashada iyo tarbiyadda bulshada. Waxay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen ardayda inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho iyo ixtiraamka ay u hayaan macallimiintooda.
Ugu dambeyn, maamulka iyo macallimiinta Dugsiga Haman ayaa Ardayda kaga mahadceliyay sida ay umaamuseen waxa ayna ujeediyeen hambalyo iyo dardaaran ku,aadan safarooda waxbarasho, iyagoo ku boorriyay inay sii wataan waxbarashadooda, kana shaqeeyaan horumarka naftooda, qoyskooda iyo dalkooda, Intaba.
Dheerrigelin cajiib ah iyo raxma maxamed.
09/07/2026
Diyaar garow.
29/06/2026
Dufcadii 3aad ee dugsiga haman 2025_2026.
18/06/2026
Maanta waxaan si farxad leh u soo gabagaboobay imtixaankii fasalka 8-aad.
Waxay ahayd waqti dadaal, dulqaad iyo diyaar-garow badan lagu bixiyay.
Hamnalyo dhamman ardayda fasalka 8aad,guul ayaan idiin rajeynaynaa
Guuleysta.π
05/06/2026
Form four 2025_2026 iyo booqashadii jaamacadda hiiraan.
18/05/2026
Waxaa maanta iskuulka Hamaan ka dhacday xaflad sagootin ah, oo si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare.
Xafladdu waxay ahayd mid ay ka muuqatay farxad, isku duubni, iyo xusuus qurux badan, oo ay ardaydu la wadaageen macallimiintooda iyo saaxiibbadoodii ay muddada dheer wax wada baranayeen.
Maalin xusuus gaar ah reebtay. π