Mustaqbal primary and secondary school

Mustaqbal primary and secondary school

Share

Waa bogga rasmiga ah ee dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee Mustaqbal, degmada Beled-hawo ee gobolka Gedo.โœ… dugsiga hoose dhexe iyo sarre ee mustaqball

01/05/2026

Official.โœ…

Maalinta barri ah waxaa si rasmi ah noogu bilaaban doono haduu alle idmo League wayn oo u dhaxayn doono fasallada dugsiga .

League-gani oo soconaayo muddo dheer ayaa waxa uu noqon doonaa haduu alle idmo sanadkii 2-aad oo aan si xariir ah u qabano tartanka kubadda cagta ee laga hirgaliyo dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo.

Sidoo kale tartanku waxa uu mari doonaa dhawr si loo soo saar labada kooxood ee ugu dambayn ku loolami doonto ku guulaysiga League-ga haduu alle idmo.

๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š๐ง๐ข ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐๐๐จ ๐๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐š ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐ข ๐๐จ๐จ๐ง๐จ ๐’๐ข๐๐๐ž๐ž๐ ๐Ÿ๐š๐ฌ๐š๐ฅ ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐š๐ก;

1. Fasallada dugsiga Sare.
โ€ข Form 4
โ€ข Form 3
โ€ข Form 2
โ€ข Form 1

2. Fasallada Dugsiga Dhexe.
โ€ข Class 8
โ€ข Class 7
โ€ข Class 6
โ€ข Class 5

๐™†๐™ช๐™ก๐™–๐™ฃ๐™ ๐™–๐™–๐™ฃ ๐™–๐™ฎ๐™–๐™– ๐™ฃ๐™ค๐™ฆ๐™ค๐™ฃ ๐™™๐™ค๐™ค๐™ฃ๐™ค ๐™ ๐™ช๐™ก๐™–๐™ฃ๐™ ๐™– ๐™ค๐™ค๐™œ๐™ช ๐™๐™ค๐™ง๐™š๐™š๐™ฎ๐™ค ๐™œ๐™ช๐™ช๐™™ ๐™–๐™๐™–๐™–๐™ฃ ๐™ก๐™š๐™–๐™œ๐™ช๐™š-๐™œ๐™–, ๐™ฌ๐™–๐™ญ๐™– ๐™ช๐™ช๐™ฃ๐™– ๐™™๐™๐™ž๐™˜๐™ž ๐™™๐™ค๐™ค๐™ฃ๐™–๐™– ๐™ฉ๐™–๐™–๐™ง๐™ž๐™ ๐™๐™™๐™ช ๐™ข๐™–๐™ง๐™ ๐™– ๐™–๐™ฎ ๐™ฉ๐™–๐™๐™–๐™ฎ 03-04-2026 ๐™จ๐™–๐™–๐™˜๐™–๐™™๐™™๐™ช๐™ฃ๐™– ๐™–๐™ฎ ๐™ ๐™ช ๐™—๐™š๐™š๐™œ๐™–๐™ฃ๐™ฉ๐™–๐™๐™–๐™ฎ 4:30๐™ฅ๐™ข.

waxaa ka dhici doono wacdaro wayn ee ha moognaan oo Isha ku haay pogga rasmiga ee Beled-Hawo.

Ugu dambayn kulumada qaar waxa ay yeelan doonaan ee yaysan ku dhaafine Follow soo dheh boggeena -ga.

Photos from Mustaqbal primary and secondary school's post 09/04/2026

Galabta oo ay taariikhdu ku beegantahay 09-04-2026 maalin khamiis ah waxaa booqasho qiimayn iyo indha-indheyn isugu jirto kusoo gaaray garoonka kubadda cagta dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo( Mustaqbal Stadium ๐ŸŸ๏ธ ) ustaad Abdullahi Sh Abdi Mohamud oo ka mid ah qaban doono tartan kubadeed oo ay isaga hor imaanayaan dhamaan fasallada dugsiga uu ka kooban yahay( Mustaqbal School Inter-classes Tournament )

Ustaad ka ayaa waxaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha ardayda Dugsiga Mustaqbal Beled-Haawo Mr Husein Hassan, madaxa Ciyaaraha dugsiga Mr Ibrahim Isak iyo qaar ka mid ah hogaamiyaasha dugsiga fasallada dugsiga( Mustaqbal School Captains )

Tartaanka ayaa la filayaa dhawaan inuu furmo haduu alle idmo, dugsiga waxaa dhaqan iyo caado u ah dhiiragalinta iyo garab istaaga dhalinarada si ay waxbarashada si xiiso leh oogu wataan.โค๏ธ

08/04/2026

Muuqaal soo koobaayo Bandhiga buuga Fadliga Ramadaanka ee uu qoray Yahye Abdiqani oo ka tirsan bahda waxbarashada dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ๐Ÿ‘๐Ÿค

Mar kale ayaa dib loogu soo bandhigay gudaha dugsiga Mustaqbal Beled-Xaawo buuga Fadliga Ramadaanka ee uu qoray Qoraa Yahye Abdiqani Abdullahi.โค๏ธ

Edit by Asmaa Sharif Mahamed Gaaciye guulayso Asma.๐Ÿ‘


02/04/2026

Abdi Qafar Mohamed Abdi oo ah arday dhigta Dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ayaa si faah-faahsan u soo koobay buuga Fadliga Ramadaanka ee uu qoray Qoraa Yahye Abdiqani ๐Ÿ‘

Xuquuqda muuqaalka.
Duubista Mr Abdiwahaab Aadam
Edit Asmaa Sharif Mahamed Gaaciye
Edit Kafaa Abdirahman Barqadle ๐Ÿ‘

02/04/2026

Hadal Jeedinta Qoraaga buuga Fadliga Ramadaanka ee uu qoray Qoraa Yahye Abdiqani oo mar labaad lagu soo bandhigay gudaha dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ๐Ÿ‘โค๏ธ

Photos from Mustaqbal primary and secondary school's post 01/04/2026

ุจูุณู’ู…ู ุงู„ู„ู‘ูŽู‡ู ุงู„ุฑู‘ูŽุญู’ู…ูŽูฐู†ู ุงู„ุฑู‘ูŽุญููŠู…ู

Cinwaan: Xaflad Sharaf iyo Aqoon Isugu Jirta oo Lagu Maamuusayo Buugga Fadliga Ramadaanka. ๐Ÿ†๐Ÿ“š

Alle (SWT) ayaa mahad oo dhan iska leh ๐Ÿคฒ, isaga ayaana mudan ammaanta, naxariistiisa iyo fadligiisana aan ku taagan nahay. Nabadgelyo iyo naxariis ha ahaato Nabi Muxamed (NNKH) ๐ŸŒ™, ehelkiisa iyo asxaabtiisa dhammaantood.

Maanta oo ay taariikhdu tahay (1 Abriil 2026) ๐Ÿ“…, waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay inuu qabsoomay munaasabad aan caadi ahayn โœจ, xaflad leh sharaf, qiimo, iyo xusuus aan libdhi doonin ๐ŸŽ‰โ€”xaflad si weyn loo agaasimay oo lagu maamuusayo dadaalka aqooneed iyo hal-abuurka jiil cusub oo ifaya ๐ŸŒŸ. Waa xaflad gudoonsiin ah oo lagu xusayo buug qiimo weyn xambaarsan ๐Ÿ“–, buug ka hadlaya fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan ๐ŸŒ™โ€”bisha cibaadada, toobadda, iyo naxariista ๐Ÿค.

Ma aha oo kaliya kulan la isugu yimid, balse waa goob ay ku kulmeen maskax, dadaal, iyo himilo sare ๐Ÿ’ก.

Waa madal ay arday iyo macallimiin isku arkaan midnimo aqooneed ๐Ÿค, halkaas oo lagu muujinayo in aqoontu aysan lahayn daโ€™, balse ay leedahay dadaal iyo goโ€™aan adag ๐Ÿ’ช. Waxaa si gaar ah iftiiminaya halyey yar oo maskax weyn leh ๐ŸŒŸโ€”qoraa daโ€™ yar oo curiyey buug culus oo miisaan leh, inkastoo uu weli ku jiro safarka waxbarasho ee dugsiga ๐ŸŽ“.

Qoraa Yahye Cabdiqani Cabdullaahi โœ๏ธโ€”arday dhigta fasalka 9aad (Form One) ee dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Mustaqbal ee Beledxaawo ๐Ÿซโ€”wuxuu maanta tusaale u yahay karti iyo karti-kororsi isku biiray ๐Ÿ’ซ. Wuxuu muujiyey in daโ€™ yar aysan hor istaagi karin hal-abuurka ๐Ÿš€, isla markaana qofka leh himilo dhab ah uu gaari karo meel sare ๐ŸŒ, xitaa isagoo ku jira heerarkii h**e ee waxbarashada.

Buugga uu qoray ๐Ÿ“š, oo ka hadlaya fadliga Ramadaanka ๐ŸŒ™, ma aha mid erayo kaliya isku xiran; waa fariin qoto dheer oo ka turjumeysa faham diini ah ๐Ÿคฒ, cilmi baaris, iyo dareen ku saleysan iimaan ๐Ÿค. Waa buug dadka xasuusinaya qiimaha soonka ๐Ÿ•Œ, fadliga habeenka Laylatul Qadr โœจ, iyo muhiimadda ay leedahay in qalbiga la nadiifiyo inta lagu jiro bishan barakeysan.

Xafladdan gudoonsiinta ahna ๐ŸŽ–๏ธ waxay tahay mid lagu maamuusayo dhammaan ardaydii iyo macallimiintii ka qeyb qaatay hirgelinta iyo faafinta aqoontan qiimaha badan ๐Ÿ“–. Waa xaflad dhiirrigelin u ah jiilasha kale ee imanaya ๐ŸŒฑโ€”si ay u ogaadaan in buug qoristu aysan ahayn wax u gaar ah dadka waaweyn oo keliya, balse ay tahay dariiq furan oo qof kasta oo leh aragti iyo dadaal uu mari karo โœจ.

Macallimiinta doorkooda lama ilaabi karo ๐Ÿ‘จโ€๐Ÿซ๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿซ; iyagu waa laf-dhabarta guusha ardayda ๐Ÿ’–. Iyaga ayaa hagaya, dhiirrigeliya, saxaya, oo iftiimiya waddada aqoonta ๐Ÿ’ก. Xafladdan waxay sidoo kale tahay abaalmarin loo hayo juhdigooda joogtada ah iyo samirkooda aan daalin ๐Ÿ™.

Ugu dambeyn ๐ŸŽฏ, munaasabaddan waa mid xambaarsan fariin cad: in aqoontu tahay iftiin ๐Ÿ’ก, in dadaalku yahay furaha guusha ๐Ÿ”‘, iyo in qof kasta oo rumeysan kartidiisa uu gaari karo meel sare ๐ŸŒŸ. Waa xaflad lagu xusayo guul yar oo berri noqon karta guul weyn ๐Ÿ†โ€”bilowga safar dheer oo ay hogaaminayaan maskax dhalinyaro oo leh himilo aan xad lahayn ๐Ÿš€.

Hambalyo dhammaan ka qeybgalayaasha ๐ŸŽ‰, gaar ahaan qoraaga daโ€™da yar ee qalinka u qaatay inuu iftiimiyo qalbiyada dadka โœ๏ธโค๏ธ.

Guushu waa mid aad u qalanto, mustaqbalkuna waa mid kuu ifaya ๐ŸŒ….

Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ๐Ÿ‘

19/03/2026

๐—™๐—ฎ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ๐—ฎ: Maamulaha Dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ๐„๐ง๐ . ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐’๐ก ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐…๐š๐ซ๐š๐ก( Mohass Farah )

Waxaan ugu hambalyaynayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, shaqaalaha, waalidiinta dugsiga Mustaqbal Beled-Xaawo, iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee ๐‚๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ-๐…๐ข๐๐ซ๐ข๐ ๐š.

Waxaan idinla wadaagaynaa farxadda maalmaha ciida, sidoo Kalana idinkugu hambalyaynayno dhamaystirka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado, samir, iyo naxariis. Ciiddu waa fursad qaali ah oo lagu xoojiyo jacaylka, ixtiraamka, dulqaadka, iyo iscafinta, isla markaana lagu garab istaago kuwa baahan.

Waxaan Eebbe weyne ka baryayaa inuu naga aqbalo cibaadooyinkii iyo acmaashii suubbanayd ee aan soo gudannay bisha barakaysan ee Ramadaan, kana yeelo kuwo ku ciida nabad, caafimaad, iyo barwaaqo. Inaga oo rajaynayaa in ciiddaan ay noqoto mid xoojinaysa midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada.

Alle ha ina gaarsiiyo ciiddo badan oo kale, hana inaga yeelo kuwo si wadajir ah ugu naalooda khayr iyo barwaaqo. Waxaan u rajaynayaa dhammaan bahda Jaamacadda oo ay ugu h**eeyaan ardayda, macallimiinta, iyo maamulka Ciid farxad leh iyo maalmo caafimaad iyo barwaaqo leh.

๐‚๐ข๐ข๐ ๐Œ๐ฎ๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ค.
๐„๐ง๐ . ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐’๐ก ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐…๐š๐ซ๐š๐ก
Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Mustaqbal Beled-Xaawo.

Photos from Mustaqbal primary and secondary school's post 15/03/2026

Gudoomiyaha midowga ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee Gedo( Gedo International University ) Gudoomiye Abdiqafar Cumar Bulle ayaa waxa uu 20 buug ka Gudoomay Qoraaga buuga Fadliga Ramadaanka Yahye Abdiqani oo uu h**ey u yaboohay.

Gudoomiyaha ayaa ku hadlay codka kulliyadda Caafimadka jaamacadda Caalamiga ah ee Gedo iyo Shifa Hospital ๐Ÿฅ degmada Beled-Xaawo.โค๏ธ๐Ÿ‘

Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo.


11/03/2026

ุงู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุงู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Waxaan guud ahaan Qoyska uu ka geeriyooday marxuum Abdi oo ku magac dheeraa ( Nabadoon Hire Dhiire Ibrahim ) ooga tacsiyaynaynaa geerida ku timid, alle ha u naxariisto, kitaabkiisana alle midigta haka siiyo.

Xaqiiqdii waxa uu ahaa adoon cibaado badan, dad isku hayn badan sidoo kalana afgaaban.

Qoyska ballaaran ee Mustaqbal primary and secondary school Family waxa ay Mudugada la qaybsanayaa wiilkeena Abdi Qafar Mohamed Abdi sidoo kalana alle qalbiga ha u qaboojiyo.๐Ÿ˜ญ

Nabadoon Hire waxa uu ka mid ahaa waalidiinta dugsiga Mustaqbal Beled-Xaawo, waxa uu laf dhabar u ahaa habsami u socodka waxbarashada dugsiga sidoo kalana waxa uu aabe u ahaa Gudoomiyaha ardayda h**e ee Dugsiga Abdiqafar Mohamed Abdi.

Alle ha u naxariisto.

06/03/2026

Muuqaal soo koobaayo Bandhiga buuga Fadliga Ramadaanka ee uu qoray Yahye Abdiqani Abdullahi oo ka tirsan bahda waxbarashada dugsiga Mustaqbal primary and secondary school Beled-Hawo ๐Ÿ‘๐Ÿค

Sidoo kalana qaar ka mid ah kasoo qaybgalayaasha ayaa dareenkooda nala wadaagay ee kaga aadan munaasabadii balaarnayd ee inoo qabsoontay maalintii shalay ahayd, alle ayaa mahadd iska leh.โค๏ธ

Salman Ahmad Mahadsanid Xirfadle Sare.๐Ÿ“ธ๐Ÿ‘


Want your school to be the top-listed School/college in Buulo Xaawiyow?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Buulo Xaawiyow