06/11/2025
Asalaamu calaykum dhammaantiin.
----------------------------------------------------------------
Galabnimadii Taaladadda ahayd oo ay taariikhdu ku beegnayd 04/11/2025 waxa ay jaamacadda Caalamiga ah ee Dhaaha faraceeda Buuhoodle u qabatay qayb kamid ah ardayda cusub ee jaamacadda ku soo biirtay sannad-dugsiyeedka 2025-2026 munaasabad soo dhawayn ah, sidoo kale jaamacaddu waxa ay ardayda u samaysay jihayn iyo tusaalayn intaba. Jaamacaddu waxa ay ardaydaasi u rajaynaysaa in ay safarkooda waxbarasho ku dhammaystaan si guul ah.
09/09/2025
Waxaa soo gebageboobay difaacashada buugga qalinjebinta ee ardayda jaamacadda, gaar ahaan kulliyadda Culuumta Kaambiyuutarka qaybta Information Technology, oo ay dafcaddii labaad ee ka baxda kulliyadda, ay ku difaacanaysay buuggooda qalinjebinta. Ardaydan oo ahaa dafcaddii labaad ee ka baxda kulliyddan ee Jaamacadda. Waxaa sidoo kale buugtooda difaacday ardayda kulliyada shareeca iyo qaanuunka oo noqonaya dafcaddii saddexaad ee ka baxda Jaamacadda.
Dhammaan ardayda buugta difaacatay waxa aanu u rejaynaynaa mustaqbal waxbarasho iyo mid nololeed oo qurux badan.
16/06/2025
Jaamacadda Caalamiga ah ee DAAHA Faraceeda Buuhoodle
Caawa oo Taaladda ah taariikhduna ay ku beegantahay 17-kii Juun, 2025, waxaa si guul leh inoogu soo dhammaaday imtixaankii ugu dambeeyay ee simistarka labaad ee sannad-waxbarasheedka 2024-2025.
Dhammaan ardayda waxa aanu u rajaynaynnaa guul iyo horumar wanaagsan.
04/06/2025
Dr. Cali Shiikh Maxamed oo ka mid ah madaxda jaamacadda Badda Cas (Red Sea University) oo safar ku yimid degaanka ayay maamulka jaamacaddu ku soo dhaweeyeen jaamacadda. Waxa uu kelmad baraarujin iyo dardaaran ah la wadaagay ardayda jaamacadda.
03/06/2025
Isbeddelka Hoggaanka Jaamacadda
-------------------------------------
Iyada oo laga duulayo horumarka iyo geeddisocodka waxbarasheed ee jaamacadda waxaa wax ka beddel lagu sameeyay golayaasha jaamacadda Caalamiga ah ee Daaha, faraceeda Buuhoodle, sida Golaha Sare (boodhka) iyo Golaha Fulinta ee jaamacadda.
Waxaa wax laga beddelay oo la kordhiyay Golaha Boodhka ee jaamacadda, iyada oo lagu daray xubno cusub isla mar ahaantaana laga dhigay in ay noqdaan xubnaha Golaha Boodhka ee jaamacaddu kow iyo toban xubnood. Waxaa sidoo kale la doortay guddoomiye iyo kuxigeen; iyada oo Dr Cabdicasiis Cali Maxamuud loo doortay guddoomiyaha Golaha, halka ustaad Iido Cumar Maxamed loo doortay. guddoomiye kuxigeenka Golaha.
Waxaa si la mid ah wax laga beddelay Golaha Fulinta ee jaamacadda iyada oo ay Golaha Boodhku u doorteen guddoomiyaha jaamacadda Cumar Cabdi Ibraahim, oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Boodhka ee jaamacadda.
Dhammaan golayaasha jaamacadda iyo bahda ardayda ba waxa aan u rejaynaynaa horumar ballaadhan.
31/05/2025
Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 01-06-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan ustaad Cabdikariim Maxye. Ciwaanka mowduucu waa: Fanka Wax-isbaridda.
Goobtu waa: Hoolka Jaamacadda
Waqtiguna: 7:00 PM.
FG: barnaamijku waa mid furan oo ay cid walba ka faa'iidaysan karto.
Ka faa'iidaysi wanaagsan.
07/05/2025
Habeennimadii Talaadada oo ay taariikhdu ahayd 6 May 2025, waxaa xarunta jaamacadda ku sooxidhmay tababar uu ciwaankiisu ahaa 'Qurxinta iyo tasxiixinta Farta Carabiga' kaas oo uu bixinayay ustaad Cabdirashiid Cabdillaahi. Intii uu socday tababarku waxaa ka faa'idaystay ardayda kooban oo nasiib u yeeshay fursaddaa in ay helaan.
Ustaadka tababarka bixiyay iyo ardayda ka faa'idaystay waa uga mahadcelinayaan maamulka jaamaacaddu.
17/03/2025
๐๐๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก!
Dhammaan ardeyda qalinjabiyaasha ee ๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐๐๐ waxaa lagu wargalinayaa inay iska hubiyaan ๐๐๐๐๐ ๐๐-๐ฒ๐๐๐จ๐จ๐๐ ๐ฅ๐ข๐ง๐ค๐ข๐ ๐๐ง https://hemis.diu.edu.so ๐
.๐ Haddii aad ka weyso Xogtaada ๐๐๐๐๐-๐๐ Fadlan degdeg u la xiriir kulliyadaada ugu danbeyn ๐๐-๐ค๐ ๐๐ข๐ฌ๐ก๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ก ๐๐๐๐ Mahadsanidiin.
Fadlan xogtada ku baar (๐๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ค๐๐๐ ๐, ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ค๐ ๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐ซ-๐ค๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐ฅ๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐๐๐.
02/02/2025
Sida aan horay ogaysiiska ugu bixinay caawa waxaa inoo qabsoomi doona kulankii uu inoogu casuunnaa ustaad caaqil Cabdiraxmaan Mursal . Mawduuca uu ina la wadaagidoono ustaadku waa;
ูู ุงููุชุงุจุฉ ูุงูุชุนุจูุฑ
Halkan ayaad kasoo gali Doontaan.
https://meet.google.com/psn-wbxp-wuy
01/02/2025
Habeennimada Isniintu soo gelayso taariikhduna ay ku beegan tahay 3-02-2025 waxaa mawduuc muhim ah inoogu ballansan ustaad Caaqil Cabdiraxmaan Mursal. Ciwaanka mowduucu waa: ูู ุงููุชุงุจุฉ ูุงูุชุนุจูุฑ.
Goobtu waa: Zoom
Waqtiguna: 7:00 PM.
FG: barnaamijku waa mid furan oo ay cid walba ka faa'iidaysan karto.
Ka faa'iidaysi wanaagsan.